Tuesday, November 08, 2005

Dhaarintii Xubnaha Cusub Ee Golaha Wakiiladda Oo Dib U Dhacday

Hargeisa (Somaliland.org) War Deg Deg ah oo hadda ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa wuxuu xaqiijinaya in Maxkamadda Sare ee Somaliland ay dib u dhigtay dhaarintii xubnaha cusub ee golaha wakiiladda. Wakhtigii Hore ay ugu cayintay ayaa ku beegnayd maalinta beritoole ah ee Bisha November ku beegantahay 8.

Warka hadda ka soo baxay Maxkamadda sare ma xaqiijin wakhtiga dib loogu dhigay dhaarinta Xildhibaanada Cusub ee Golaha Wakiiladda, balse sida warar ku dhaw dhaw xagga Maxkamadda sare sheegayaan sababta keentay dibu dhigani waxa weeyaan Axsaabta Mucaaridka ah iyo Xukuumadda oo Maxkamadda sare ka codsaday in wakhtiga oo cidhiidhi ah awgeed, xildhibaanadooduna ay kala firidhsanyahiin dib loogu dhigo.
Wixii warar ah ee kasoo kordha dhaarinta Xildhibaanada cusub kala soco.


MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)Somaliland.org ReporterSomaliland.org@gmail.com

No comments: