Monday, November 07, 2005

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Ka Hadlay Xaaladda Qasan Ee Waddanka Ethiopia

Hargeisa (Somaliland.org ) Labada Xisbi ee Mucaaridka ah ee Somaliland KULMIYE iyo UCID, ayaa mar ay xallay la hadlayeen Wergeyska Haatuf waxay ka hadleen xaaladda cakiran ee waddanka Ethiopia oo todobaadyadii ugu danbeeyey rabshado iyo jahawareer ka dhasheen ka dib markii taageerayaasha Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukuumadda Ethiopia ay iska hor imaad ku dhex maray Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamoud (Siilaanyo) oo khadka telephone-ka ay kula xidhiidheen weriyayaal wergeyka haatuf ka tirsan, markii danbana aniga ii xaqiijiyey mar aan ku booqday Xarunta Xisbiga KULMIYE Saaka ayaa wuxuu yidhi "Itoobiya waa dal aynu jaar nahay, saaxiibo nahay, danno badanna iskaga keen xidhanyahiin, waxaan ilaahay ka rajaynaya in si nabad ah lagu dhameeyo xaalladda ka taagan, waxaanan usoo jeedinayna kuna boorinayna labada Dhinac in arrinka wada hadal lagu dhameeyo Ethiopia dhexdeeda hadday tahay iyo hadday tahay ta xadka eriteria iyo Ethiopia."

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali waraabe oo isagana ay wergeyska Haatuf Khadka telephone ka kula xidhiidheen ayaa ka yidhi arrintani cakiran ee ka taagan waddanka Ethiopia "Waxaanu qabna in wada hadal lagu dhameeyo xaalladda, waxaanu mucaaridka usoo jeedinayna inay joojiyaan gacan ka hadalka iyo shaqo joojinta oo keenaysa dhaqaale burbur, Dawladda Ethiopia-na waxaan ugu baaqaya inay joojiso Gacanta adag ee ay kula dhaqmayso shacabkeeda, labada dhinacba waxaan ugu baaqaya inay deganaan dheeraad ah muujiyaan, Xaaladda waddanka Ethiopia wuxuu saamayn weyn ku leeyahay Somaliland xidhiidhka ugu dhaw la leh Ethiopia"
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland ayaa ka gaabsaday inuu wax ka yidhaahdo arrintani ka taagan waddanka Ethiopia mar aan la xidhiidhay wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland ayaa ay ii suuro geli wayday inaan wax ka weydiiyo.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Somaliland.org Reporter

No comments: