Sunday, November 20, 2005

Xafladdan oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda London 17kii bishan qaybteeda SOAS

Xafladdan oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda London 17kii bishan qaybteeda SOAS ayaa waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah goob-joogayaashii ka qayb galay doorashadii Baar-lamaanka ee Somaliland ka dhacday 29kii September 2005.
Ugu horrayn waxa halkaas ka hadlay Mr Steve oo ka socday ururka CIID. Mr Steve wuxu ku bilaabay hadalkiisa in uu ka mid ahaa 75 goob-jooge caalami ah oo ka socday daafaha iyo dacalada dunida. Waxaanuna hawsha ku bilownay markii koowaad ayuu yidhi guddi qaban-qaabo oo la socda u diyaar garowga doorashada, kuwaas oo eegayey isla markaana qiimaynayey anshaxii doorashada (Code of Conduct) ee saddexda xisbi iyo saxaafadda S/lanad oo dhami saxiixeen.

Mr Steve wuxu xusay in ololaha doorashada Somaliland ahaa mid hufan oo ilbaxnimo ka muuqato, marka laga reebo dareemo laga qabay u sinaanshaha Axsaabta ee warbaahinta qaranka oo dowladdu gacanta ku haysay.

Intaa kaddib goobjooge Steve wuxu u daadegay maalintii doorashada iyo sida ay wax u dheceen: “Waxaannu u kala dirray 75kii goob-jooge ee caalamiga haa gebi ahaanba gobolada iyo degmooyinka Somaliland. Waxa aanu aad ula yaabnay ayuu yidhi sida habaysan ee haddana xamaasadda leh ee codbixintu u socoto, iyada oo goob kasta oo cod-bixineed uu joogay ciidan boolis ahi, habu kala badnaadeen goobaha cod-bixinta’e. inkasta oo ay haddana ahayd arrin adag ku codaynta warqadda dheer ee lixdanka musharax, magacyadooda iyo astaamahoodu ku kala yaallaan. Mr Steve wuxu kale oo ka waramay in dhaliisha ama gol-daloolooyinka doorashadii baarlamaanka ay u weynayd dadka oo aan diiwaan gashanayn isla markaana ay suurta gelisay in dadka qaar ku cel-celiyaan codaynta 5 illaa 6 jeer (Multible voting). Dhaliisha kale ee muuqatay ayaa iyana waxa ay ahayd ayuu yidhi iyada oo dadka codaynayey ay u badnaayeen dumar laakiin 246kii musharax ay ku lahaayeen 7 musharax oo keli ah..

Mr Steve wuxu hadalkiisii ku soo gunaanaday in ay soo saari doonaan warbixntoodii doorashada 3da Janaury 2006. War-bixntaas oo si cad sawir uga bixinaysa doorashadii baarlamaanka Somaliland ee dhacday 29kii September 2005. Warbixintaas oo ay la socoto talo bixin u badan in Somaliland istaahisho aqoosi caalami ah marka la qiimeeyo heerka ay ka gaadhay bisaylka dimuqraadiyadda iyo xakamaynta araga-gixisada caalamiga ah, inkasta oo ay ii muuqato ayuu yidhi in eryiddii wakiilkii midowga Yurub ee Axmed Washington ay xagal-daac (set-back) gelin karto qiimayntii hore ee EU-da ee heerka maamul ee xukuummadda Somaliland. Waxa kale oo ka mid haaa marti sharaftii halkaa ka hadlay Iid Cali Axmed oo ka mid ah ururka Somaliland Society Europe. Waxa kale oo halkaa ka hadlay danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Ingiriiska Mudane Cismaan Axmed.

Maxamed Yuusuf Liibaan oo ka mid ahaa musharixiintii Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer ayaa isna halkaas ka soo jeediyey erayo koobban oo uu kaga waramayo qaabka doorashadu u dhacday isaga oo ku tilmaamay doorashadii Baarlamaanka Somaliland mid u dhacday 80% si xor ah oo xalaal ah.

Xafladdaas ka dhacday Jaamacadda London oo ay ka soo qayb galeen qurba jog badan oo reer Somaliland ah iyo marti kale oo u badan dadka xiiseeya qaddiyadda Somaliland ayaa waxa ay ahayd mid ku dhacday jawi wanaagsan, iyada oo goob-joogayaashii doorasahdana halkaas lagu weydiiyey su’aalo kala duwan.

Somaliland Future Online London

No comments: