Saturday, November 05, 2005

Doorashada Shirgudoonka Waa Tijaabada Ugu Horeysa Ee Tayada Iyo Tamarta Baarlamaanka

Doorashada Shirgudoonka waa tijaabada ugu horeysa ee Tayada iyo Tamarta Baarlamaanka

Muddo iminka laga joogo bil iyo dhawr cisho ayaa ka soo wareegtay markii doorashadii gollaha wakiilada ee Somaliland. Doorashadaas oo dalka iyo dadka reer Somaliland u noqotay guulweyn oo ay caalamka kaga kasbadeen ixtiraam iyo qadarin. Tan iyo intii ka danbaysay intaasna waxa dhacay isbdelo doora oo ay ugu waaweynaayeen isbahasiga dhexmaray labada xisbi ee mucaaridka ah, kuwaas oo ku heshiiyay in ay iska kaalmaystaan gacan ku qabashada shirgudoonka gollaha cusub si ay tallada dowladda qayb ugu yeeshaan, una adeegsadaan awoodda baarlamaaniga ah saxida khaladaadka maamulka dowliga ah iyo sharciyada.

Sida laga wada warqabana waxa badiba lagu soo doortay mudanayaasha gollahan hab dumuqraadiyadeed oo dhinac ahaana ka beeleysan, isla markaana waxa la odhan karaa waa dimuqraadiyadii oo lagu ladhay habka dhaqanka dadkeena, taasi oo tusaale u noqon karta mashaakilaad badan oo dalal Afrika iyo Aasiya ahba ka haysta ka haysta habka awoodda qaybsiga.

Si haddaba uu Gollahani uga duwanaado kii hore waxa looga fadhiyaan in mudanyaasha wakiiladdu noqdaan kuwo ka tarjuma hadafka iyo barnaamijyada siyaasadeed ee asaxaabta ay wakiilka ka yihiin, iyagoo markasta mudnaanta siinaya maslaxada guud ee dalka, taasina waa ta lagu qiimeyn doono waxqabadkooda muddada ay xilka hayaan.

Beryahan danbe waxay dadku shaki badan ka muujiyeen qaabka ay mudanayaashu ugu kala coddeyn doonaan musharaxiinta ay xisbiyadu u soo sharaxaan shirgudoonka gollaha wakiilada ee Somaliland oo marki u horeysay ay soo dooraan doonaan wakiilo ku soo baxay hab dimuqraadi ah. Waxaanay dadka badani sii saadaaliyeen in maadaama qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanku aanay ku soo bixin siyaasad xisbiyadeed iyo aaminsanaanta mabaadiidooda ay dhici karto in ay ka codeeyaan xisbiga ay ka tirsan yihiin, iyagoo u coddeynaya musharaxa ay isku reerka yihiin. Halka dad qaar aaminsan yihiin in ay ka go’an tahay xisbiyada mucaaridka ahi in ay shirgudoonka qabtaan si loogu helo xukuumada Madaxweyne Rayaale golle sharci dajineed oo xakamo u noqda siyaasada xukuumada.

Doc kale haddii aynu ka eegnana waxa jira shaki dadka qaar ka qabaan guud ahaanba isbahaysiga labada xisbi oo lagu macnayn karo sida ay mudanayaashoodu ugu wada coddeyn karaan raga ay soo dhigeen badka xisbiyada mucaaridka ah iyo waliba xisbiga talada dalk haya ee UDUBa. Waxaana suurtagal ah in xisbiga UDUB ciyaaro kaadhka siyaasaddeedkii ee caanka ahaa wakhtigii xulida musharaxiinta baarlamaanka ee la iska soo garab sharaxi jiray laba ruux oo isku beel ka soo wada jeeda si loola qaybsado xisbiga kale taageerada xubnaha beeshaas ee ka tirsan. Haddii ay sidaasi dhacdana waxay kala dhantaali karta is gaashaan buuraysigii ugu horeeyay ee dhexmara mucaaridka Somaliland, taasi oo raad weyn ku yeelan karta heshiisyada iyo wada shaqaynta danbe ee dhexmari lahayd xisbiyada dalka.

Sidoo kale waxa xusid mudan in durba guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee UCID Eng Faysal Cali waraabe uu ku eedeeyay xukuumadu in ay beeleynayso doorashada Shir gudoonka.

Runtiina waxa la odhan karaa tayada iyo tamarta Gollaha cusub waxay ku xidhnaan doontaa oo lagu qiimeyn doonaa hadba sida ay uga soo baxaan hawsha doorashada shirgudoonka aqalka wakiilada. Waxaana looga baahan yahay in ay dhinacyo badan ka eegaan oo codkooda siiyaan musharaxiinta u qalma jagooyinkaas, iyagoo wada tashi la samaynaya xisbiyada ay matalaan.
Xildhibaanada cusubna maanta waxay haystaan fursad ay shacbiga reer Somaliland kaga saaraan habka beeleysiga oo ay dhidibada ugu taagaan hanaanka dimuqraadiga ah ee tallo wadaaga ah isla markaana awooda xisbiyada siyaasiga ahi leeyihiin.

Haddaba la arki doonaa waxyaabaha ay kaga duwan yihiin Mudanayaasha cusub kuwii ka horeeyay ee ku yimid habkii beelaha.

Jamhuuriya Online

No comments: