Sunday, November 27, 2005

Madaxweyne Rayaale Oo Cayimay Kuna War-geliyey Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Kal Fadhiga 1-Aad


Hargeisa ( Somaliland.org) Qoraal uu Maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka soo saaray Xafiiskiisa Madaxtooyada uuna ku saxeexna Madaxweynahu ayaa wuxuu ku war geliyey Xildhibaanada Cusub ee Doorashadii Golaha wakiiladda ee dalka ka qabsoontay 29 September ku guulaystay inay iskugu yimaadaan Kal fadhigii ugu horeeyey Maalinta Salaasadda ee Bisha November ku beegantahay 29-ka (Salaasa, 29-November-2005) 10:00 Subaxnimo inay iskugu yimaadaan Hoolka Golaha Guurtida ee Magaalada Hargeysa

Qoraalkani oo dhamaystirani wuxuu u qora sida tani:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ku war gelinaya dhammaan Xildhibaanadii ku soo baxay Doorashadii Golaha Wakiiladda ee dalka ka qabsoontay 29 September inay kal fadhigooda ugu horeeyey uu qabsoomi doono 29 Bisha November oo ku beegan maalinta Salaasada, waxaana Kal fadhigaasi 1-aad uu ku qabsoomi doona Hoolka Shirarka ee Golaha Guurtida Saacaddu markay tahay 10:00 Subaxnimo, Maadama iskugu yeedhitaanka Golaha Wakiiladda kal fadhiga ugu horeeya uu Madaxweynahu iskugu yeedhitaankeeda xaq u leeyahay sida Dastuurka Qodobkiisa 44-aad Faqradiisa 1-aad dhigayso "Golaha cusub waxa uu qabanayaa fadhigiisa ugu horreeya 30 (soddon) maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa maalinta Iagu dhawaaqo go'aamada doorashada; waxaana isugu yeedhaya Madaxweynaha Jamhuuriydda" Waxaa lagu adkaynaya dhammaan Xildhibaanada Cusub ee Golaha Wakiiladdu inay wakhtiga ilaaliyaan iyadoo Golahu gudo geli doono Kal fadhigiisa 1-aad Madaxweynahuna uu khudbad ka jeedin doono.

Haddaba Shaacinta ama wergelintani hadda ka soo yeedhay Afka Madaxweyne Rayaale ayaa Muddaba loo dheg taagaayey iyadoo kal fadhigani lagu dooran doono Shir Guddoonka Golaha Wakiiladda oo ah marinka siyaasadeed ee xafiiltanka badani ka dhici doono.
Somaliland.org waxay maalintaasi haddii alla idmo kuugu heegan noqon doonta Gudaha Xarunta Golaha Wakiiladda iyadoo si toos ah kuugu soo tabin doonta Seddexda Xildhibaan ee ku guulaysta Shir Guddoonka iyo weliba jawiga guud ee maalintaasi uu yeelan doono.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)SOMALILAND.ORG , HARGEISASomaliland.org@gmail.com

No comments: