Wednesday, November 23, 2005

Shir Hargeysa Uga Socda Ururo Gobolada Somalia Isaga Kala Yimid Oo Diiddan Gooni Isku Taaga Somaliland

Waxay Sacab Ku Botoriyeen Markii Sarkaal EU-da Ahi Uu Yidhi 'Somaliland Waxaanu Ula Macaamilaynaa Sidii Gobol Ka Mid Ah Somalia'

Hargeysa, November 21, 2005 (Haatuf) – Shir loogu magac daray kulanka golaha hay’adaha aan dawliga ahayn Non-State Actors (NSA) ee Somaliya iyo Somaliland ayaa shalay ka furmay Ambassador Hotel ee magaalada Hargeysa, shirkaas oo ay wada jir u soo qaban-qaabiyeen hay’ada midowga Yurub iyo Akadamiyada Nabada iyo Horumarka Somaliland, waxa ka soo qayb galay xubno ka kala yimi gobolada Somaliya, sida Maamulka Majeerteeniya, Hiiraan, Jawhar iyo Muqdisho iyo qaar ka mid ah ururada bulsho ee Somaliland. Waxaana ujeedada shirkan loogu yeedhay in ardaaga hay’adaha aan dawliga ahayn ee Somaliland iyo Somaliya ay kaga doodaan, isla markaana ay aragti midaysan ka yeeshaan kaalinta iyo dhismaha golahan kulminaya hay’adaha madaxa-banaan ee Somaliya iyo Somaliland.

Waxa kale oo shirkan lagaga hadlayaa barnaamijka hay’adaha aan dawliga ahayn iyo istiraatijiyada midowga Yurub ee ku saabsan wada shaqaynta ay la yeelan doonto golahan. Waxa kale oo ajandaha ku jirta in la cayimo shuruudaha cida golahan xubin ka noqon karta iyo doorashada xubnaha kulanka.Shirkaa dabayaaqadiisa waxa qorshaysan in la dejiyo oo la isla meel dhigo khariidad (Mapping) oo tilmaamaya goobaha ay ka hawl-galayaan ururadan aan dawliga ahayn iyo saamiga gobol walba kaga aaday deeqaha midowga Yurub.Haddaba, mar aanu shalay booqanay goobta shirkani ka socdo waxa halkaa ku sugnaa oo ka qayb galayaasha badankoodu ka koobnaayeen dad ka yimid gobolada Somaliya iyo dhowr xubnood oo shakisan oo ka socda Somaliland. Shirkan oo loogu talo-galay inuu socdo saddex cisho waxa gudoominayey saraakiil ka tirsan komishanka Yurub ee EU-da oo kaashanaya hawl-wadeenada Akadamiga iyo qaar ka mid ah ururada Somaliya.

Shirkaas oo la sheegay in xubnaha ka soo qayb galay ay ka mid yihiin siyaasiyiin ka tirsan dawlada Imbagaati, waxa oggolaanshihiisa in lagu qabto Hargeysa bixiyey wasaaradda qorsheynta ee Somaliland, inkasta oo ururadii reer Somaliland ee lagu martiqaaday xoogoodu ay qaadaceen, qaar ka mid ahina kaba dareereen markii ay ogaadeen ujeedooyinka shirka.

Maxamed-Rashiid Sh. Xasan oo ka mid ahaa dadkii reer Somaliland ee ka biyo diidsanaa ayaa hadal uu shirkaa ka jeediyey oo uu kula hadlayay saraakiisha EU-da ee shirgudoonka waxa uu ku sheegay in ka qayb-gelis la’aanta reer Somaliland ee shirkan ay ugu wacan tahay qaban-qaabiyayaasha shirka oo ajandaha shirka ka dhigtay hawlo ay Somaliland sannado hore soo dhamaysatay wax ka qabashadooda, sida wada hadalka iyo nabadaynta.

M. Rashiid waxa kale oo uu saraakiisha komishanka Yurub weydiiyey sababta aanay u dareensanayn inay Somaliland tahay dal madax-banaan oo xataa duruufihiisu ka duwan yihiin kuwa Somaliya. Isaga oo sheegay in Somaliland u baahan tahay mashaariic horumarineed oo aanay u qalmin in loola dhaqmo sidii oo ay weli ku jirto xiligii qalalaasaha iyo gargaarka deg-dega ah, marxaladaas oo ay iskeed kaga soo dabaalatay. Haddaba, Dr Joseph Mullen oo ka mid ah saraakiisha midowga Yurub ee goobta shirka ku sugnaa ayaa isaga oo ka jawaabaya hadalka M. Rashiid ku nuuxnuuxsaday in komishanka Yurub ee EU-du aanu Somaliland ula dhaqmi karayn sida dal iskii u jira, waxaanu yidhi “Waan garawsan karaa arinta aad sheegtay, laakiin sharciyan suura-gal maaha inaanu ku dhaqano waxyaabihii aad soo jeedisay, komishankana ha weydiinin inuu Somaliland ula dhaqmo sidii dal ahaaneed, xidhiidh toos ah lama yeelan karo, mana banaana in komishanku si gaar ah ula macaamilo gobol ka mid ah dal”. Hhadalkaa markuu yidhi ayaa xubnihii reer Somaliya ee madasha fadhiyey ay sacab la oogsadeen ay ku taageerayaan jawaabta sarkaalka komishanka Yurub.Mr. Mullen oo sheegay inuu ka tirsan yahay qaybta qiimaynta mashaariicda ee komishanka Xafiiska Yurub, sida uu sheegay fadhigoodu yahay UK.

Balse marka la eego lahjada luuqada Ingiriisida ee uu ku hadlayay waxa ka dhadhamaysay inuuka cod duwan yahay lahjadaha afka Ingiriisiga lagu yaqaan ee lagaga hadlo gobolada UK.
Mr. Mullen waxa kale oo uu sheegay inay dhulkan ugu dambaysay Somaliya oo aan Somaliland jirin, iyada oo uu u muuqday nin aan ka dheregsanayn duruufaha siyaasadeed ee dambe iyo halka uu ku dambeeyey wadankii la isku odhan jiray Somaliya.Hadalkii Maxamed Rashiid, waxa isaguna daadefeeyey Khaliif Maxamed Barre oo ah xubin ka socotay ururada bulshada ee Puntland iyo Somaliya, waxaanu sheegay inaan halkan looga baahnayn in laga hadlo gobolo, isaga oo mar weriye ka tirsan Haatuf magaciisa weydiinayeyna ku tiraabay “Waar I sug dagaal baan ku jiraay’e” isaga oo ula jeeda inuu u jawaabo Maxamed Rashiid.

Sidoo kale waxa ka mid ahaa xubnaha shirkan ka qayb galayey C/kariin Sh. Ibraahim oo sheegay inuu madax ka yahay xarumaha agoomaha ee Somaliya oo ay Somaliland ku jirto. Waxa kale oo iyaguna ka mid ahaa ka qayb-galayaasha shirkan C/qaadir Maxamed Xalane oo sheegay inuu wakiil ka yahay urur ay leeyihiin Shirkadaha Isgaadhsiinta Somalidu, oo la yidhaahdo SIS, ururkaas oo uu sheegay inay ku jiraan shirkadaha Somaliland-na iyo Axmed C/laahi Sh. Maxamed oo sheegay inuu ka socdo dalada waxbarashada Somaliyeed, gaar ahaana dugsiyada carabiga ah.

Source:Haatuf

No comments: