Tuesday, November 22, 2005

Guriga Baarlamaanka Sweden oo lagu qaban doono seminaar Somaliland ku saabsan


Waxaa Guriga Baarlamaanka ee Sweden lagu qaban doonaa seminaar lagaga wada hadli doono doorashooyinkii dhowaan ka dhacay Somaliland iyo guud ahaanba horumarka ay gaadhay Somaliland.

Seminaarka oo loogu magac daray Somaliland - Hana-qaadka xoriyadda iyo mustaqbalka dimuquraadiyad afrikaan ah oo ay adduunyadu iska indha tirayso.
Waxaa isku soo dubaridaya: Silc ( Xarunta Caalamiga ah ee Xisbiga Liberal'ka) iyo Ururka Guud ee Xidhiidhka Jaaliyaddaha Somaliland
Shir Gudoonka: Birgitta Ohlsson, Xildhibaan ka tirsan (fp) xisbiga Liberal'ka, una qaabilsan arrimaha kaalmada Caalamiga ah.

Goorma: Maalinta Jimcada ah 25 november ,2005.

Saacadda: 17.00 - 20. 00

Meesha : Guriga Baarlamaanka Sweden.

Cinwaanka: Mynttorget 2, ledamotshuset, folkpartiets klubbrum.

Is diiwaan gelinta: Ciddii doonaysa inay ka qeybgasho Ugu dambeyn 25/11 16.00 ha la soo xidhiidho birgitta.ohlsson@riksdagen.se ama 0709-687 106. Tiro xadidan ayuun baa la casuumi karaa.

17.00-17.15 FuritaankaBirgitta Ohlsson riksdagsledamot (fp) och Ahmed Awale oo ka tirsan Ururka guud ee xidhiidhka Jaaliyadda Somaliland - Smaliländska Riksförbundet - ayaa si diiran u soo dhawayn doona ka soo qeybgalayaasha, hordhaca shirkana soo jeedin doona.

17.15-17.45 Aasaaska iyo Taariikhda Somaliland Khabiir ku xeel dheer arrimaha Somaliland Peter Schuckink-Kool (Silc) iyo Cabdirahman Jamal oo isna ka tirsan Ururka Guud ee Xidhiidhka Jaaliyaddaha Somaliland ay warbixinno ka soo jeedinaya taariikhda dalka Somaliland iyo hormarka uu ka gaadhay dhinaca dimuquraadiyadda.

17.45-18.30 Warbixin ku saabsan doorashadii dhawaan ka dhacday Somaliland. Peter Schuckink-Kool iyo korjoogayaashii kale ee soo kormeeray doorashadii dhawaan ka dhacday Somaliland ayaa warbixin ka soo jeedin doona doorashadii Somaliland. Gunilla Davidsson, oo ah hawl wadeen dhinaca mashruucyada ah ayaa ka hadli doonta ha'yadda Silcs mashruuc ay ku caawiyeen dumarka Somaliland ee dhinaca siyaasadda iyo talada dalka, islamarkaasna ay dumarku baarlamaanka ay u soo geli lahaayeen.

18.30-19.00 Sidee ayay Sweden u arkagtaa Somaliland maanta? Waa sidee xaaladda marka la eego dhinaca binu aadminimada iyo xuquuqda aadamuhu? Maja Åberg oo ah hawl wadeen ka tirsan Amnesty International iyo wakiil ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sweden ayaa arrimahaas warbixin inaga siin doona.

19.00-20.00 Waxaa furmi doona su'aalaha iyo jawaabaha ku wajahan dadkii hadlay iyo shir gudoonka

No comments: