Tuesday, November 22, 2005

Wasiirka Arrimaha Afrika Ee UK Oo Madaxweyne Rayaale Iyo Shacabka Somaliland Ku Soo Hambalyeeyey Doo


“Doorashadan Ay Somaliland Hirgelisay Waa Inay Tusaale U Noqotaa Mandaqada Iyo Afrika Oo Dhan” Lord Triesman"Hargeysa, November 14, 2005 (Haatuf) – Wasiirul-Dawlaha Xukuumada Ra’iisal Wasaare Tony Blair ee UK u qaabilsan arrimaha Afrika, David Triesman (Lord David Triesman of Tottenham) ayaa dhambaal uu u soo diray madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ku hambalyeeyey isaga, xukuumadda iyo shacbiga Somaliland-ba doorashadii Baarlamaanka ee dhowaan dalka ka dhacday.Dhambaalkan oo Lord Treisman uu soo qoray 11-kii bishan waxa shalay si rasmiya Madaxweyne Rayaale u soo gaadhsiiyey Xoghayaha 2aad ee arrimaha siyaasadda u qaabilsan safaaradda Britain ay ku leedahay magaalada Addis Ababa Mr Daniel Drek oo maalintii doraad booqasho ku yimid dalkan.

Waxaanu dhambaalkaasi u qornaa sidan:“Waxaan idinku hambalyaynayaa Mudane Adiga, xukuumadda iyo shacbiga Somaliland-ba sidii ay u qabsoontay doorashadii Baarlamaanka ee 29-kii September. Waxaan ka war-hayaa in komishanka doorashooyinka qaranka, axsaabta siyaasadda iyo dadweynihii codaynayayba ay dhamaantood kaalin wax ku ool ah ka qaateen in doorashadaasi u dhacdo si nabadgelyo ah.

Doorashadan ay Somaliland hirgelisayna waa inay tusaale u noqotaa mandaqadda Afrika oo dhanba. Inkasta oo ay jirtay hanjabaad ka soo yeedhaysay in yar oo xag jirta, haddana waxa wax lagu diirsado ah inay doorashadii u qabsoonto si habsami ah oo aan carqalad lahayn oo weliba ay dhamaan axsaabtu aqbaleen natiijadii ka soo baxday.Waxaanu diyaar u nahay in aanu Somaliland ka caawino sidii ay hore ugu marin lahayd hana-qaadka geedi-socodka baarlamaan, iyada oo aan ogahay in arrintaas ay aad u danaynayaan qurba jooga reer Somaliland ee degan dalka UK, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Wales, waxaanan si dhakhso ah ugu talo jiraa sidii hawshaa aynu wax uga wada qaban lahayn”.Mr. Drek waxa uu sheegay inuu sidoo kale dhambaal hambalyo ah oo ku saabsan doorashadii uu ka siday safiirka dawladda UK u fadhiya dalka Itoobiya, Ambassador Bob Dewar.

Dhinaca kale, goob-joogayaashii doorashadii Baarlamaanka Somaliland ee ka socday dalka Britain ayaa la filayaa in bisha December ee soo socota ay soo bandhigaan warbixin dhammaystiran oo ku saabsan sidii ay u dhacday doorashadii Baarlamaanka Somaliland.

Munaasibaddaa oo ka dhici doonta magaalada London ayaa waxa ka soo qayb-geli doona masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Britain oo uu ka mid yahay Lord Triesman.Goob-joogayaashaas oo tiradoodu ay ka badnayd 20 qof ayaa warbixin hordhac ah hore uga soo saaray sidii ay u dhacday doorashadii Baarlamaanku, taas oo ay ku tilmaameen in doorashadu u qabsoontay si xor iyo xalaal ah, inkastoo ay sheegeen inay jireen mashaakilaad la xidhiidha dhinac dhaqaale iyo dhinac farsamo-ba.

No comments: