Tuesday, November 22, 2005

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan Iyo Dugsi Waxbarasho Oo Ku Muransan Dhul Ku Yaalla Magaalada Hargeysa

Hargeisa (Somaliland.org) Waxaa Maalmahii ugu danbeeyey soo kordhaayey muran xoogleh oo u dhexeeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Ismaciil Aadan Cismaan iyo Dugsi Hoose/Dhexe oo la ydhaahdo ALBARAKA PRIMARY SCHOOL, Wasiirka Ismaaciil Yare ayaa wuxuu muran geliyey dhul cabirkiisu dhanyahay 1600 Meter Square ah, Dhulkani oo ku yaalla Xaafadda Jig Jiga Yar ee Galbeedka Magaalada Hargeysa oo ay Dawladda Hoose ee Magaalada Hargeysa hore ugu deeqday Dugsiga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa wuxuu u adeegsaday Awood Ciidan dhulkani, wuxuuna ka xayiray Dugsigani inuu dhisme ku sameeyo, mar aan wax ka weydiiyey Maamulaha Dugsiga AlBARAKA sababta keliftay in dhulkani uu Wasiirka Daakhligu soo fara geliyo ayuu ii sheegay inaanu garanaynin, dhulkanna uu ahaa mid ay Dawladda Hoose iyo Wasaaradda Guryayntu hore ugu deeqday Iskuulkani, haddana uu Wasiirka Daakhligu sheegtay inuu dhulka isagu leeyahay, mar aan isku dayey inaan la xidhiidho Ismaaciil Cismaan Aadan Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayey ii suuro gel noqon wayday, iyadoo la ii sheegay inuu wasiirku aanu bixinayin wax tafaasiil ah.

Maaha markii ugu horaysay ee Wasiirkani arrimaha Gudahu Xayiraad saaro dhul Magaalada Hargeysa, waxaa kale oo muran kan la mid ahi ka dhex dilaacay Isaga iyo Shariikadda Isgaadhsiinta Telephonada ee TELESOM, iyadoo Wasiirku sheegtay dhul ay shariikaddu iibsatay inuu isagu leeyahay balse markii danbe murankasi wuxuu gaadhay Madaxtooyada, waxaana loo xukumay dhulkaasi markii danbe Shariikadda TELESOM, sidoo kale waxaa la ii sheegay in dhul weyn oo ku yaalla xaafadda Jig Jiga yar uu Wasiirkani ku haysto ilaa 20-neeyo qof oo uu ka xayiray, lama garan karo waxaa kelifay dhul boobka intaasi le'eg ee Wasiirka Daakhligu uu ku kacayo maalmahani ugu danbeeyey.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)SOMALILAND.ORG,

HARGEISASomaliland.org@gmail.com

No comments: