Thursday, December 01, 2005

Hogaan indho beelay iyo Wasiiro dabar goostay.

Sida aynu ka wada dheregsanahay intii ay ka dhacday wadanka doorashooyinku, laga bilaabo tii Madaxweynaha ilaa iyo ta hadda wareerkeeda lagu jiro, waxa intaaba xukuumadda Riyaaale adeegsanaysay, isticmaalaysayna xukunkii ay ka dhaxleen kaligii taliyihii haligmay ee wadankii la odhan jiray Somaliya ku amar ku taaglayn jiray.

Waxa xisbi dowle-Udub u mijo xaytay, siddii loo abuuri lahaa jahwareer iyo khalkhal hor leh oo ka dhinac ah geedi socodka dimuqraadiyeed ee waddanka lagu rabo in uu gooni-istaagiisa ku hanto. Waxaa intaana is daba socday, weeraro qaawan oo ay ku kacaysay xukuumada uu Riyaale horseedka ka yahay. Iyddoo aynu ka wada dhergsanahay intii dhacdooyin ee isdaba socday ee muddadii yarayd ee uu hantay kursiga ugu sareeya waddanka Madaxweyne Dahir Riyaale abuuray oo ay ka mid ahayd:

A-Xaalad abuur joogto ah.
B- Caga juglayn aan joogsi lahayn.
C- Ku tagri fal hanti-dawladeed oo bilaa qiyaas ah.
D- Ku tumasho dastuur. E- Af-lagaadooyin joogta ah oo lagula kaco masuuliyeenta xisbiyada mucaaridka ah iyo shicib weynaha oon midna loo kala aabe yeelin.

Haddaba, xukuumada Riyaale bililiqaysigeedii hore meel bay fooda u galin jireen, iyagoo shicibweynaha warbaahintooda aan Hargaysa dhaafin uga sheega in ay xisbiyada mucaaridka ahi khal-khal iyo xaalad abuuro wado, marka xisaabtu timaado. Kadib muwaadiniinta reer Somaliland ee qurbo jooga ahi u raadiyeen ummadooda war baahino kale oo xaqiiqada xukuumada qarinayso soo shaaciya, wixii ka danbeeyeyna waynu ogayn, oo waatii mar qudha laga wada guuray. Maanta maxay haddaba dadka ugu sheekayn doonaan?

Wixii ka dhacay 29kii November aqalka guurtiga ee loogu tala galay in lagu dhaariyo xildhibaanadii ummaddoodu soo dooratay wax inaga qarsoon ma aha ilaa iyo cidhifyada adduunkoo idilna waa lagala socday, Xisbi dowle -Udub iyo Riyaalena sidaas ayey ugu abaal gudeen ummadii dooratay.

Waxaa haddaba wax laga yexyexo ah Wasiiradan dhuunta ku yeeshay afka ee aan kala garanayn waxa waajibaadkoodu yahay. Waxaa ah wax laga xishoodo, Wasiiradan u soo tafa xaytay in wax horumar ahi aanay ka dhicin dalkan, rabana in lagu jiro kalinimo tashi,si aan cidina ula xisaabtamin. Sida dad badani qabaana loo malaynayo inay Somaliland la sugayaan Soomaaliya, inta ka horaysana ay sii fadhataystaan, diidaana wax kastoo wadankani ku hormari karo kuna hanan karo inuu ku gaadho isku filaasho taam ah ictriaaf buuxana ku heli lahaa. Waxaana kuu cadaynaysa in ay Riyaale iyo xulafadiisu ugu tala galeen inaanay qabsoomin muhimadii laga lahaa fadhigii ugu horeeyey ee loogu talagalay in xildhibaanada lagu dhaariyo, Shir-Gudoonka Golaha iyo Ku-Xigeyaashiisa lagu dooran lahaa.

Aflagaadooyinkii lagula kacay xildhibaanada iyo erayadii la adeegsaday waxay i xasuusiyeen xiligii kaligii tale Afweyne uu wadanka ku amar kutaaglayn jiray 'XUN YAHOW XUNKU DHALAY iwm'. Waxaa iyna wax lala yaabo ah Wasiirka Warfaafinta oo noqday mid faafiya cayda, aan fahansanayna waxa dastuurka waddanka yaala ee ay tahay inuu u hanuunsanaado qorayo.

Isku soo duuboo maanta waa bilicsan baa u bareyey Somaliland mar haddii Xildhibaanaddii aqlabiyada ku soo baxay ay raaceen dastuurku siduu ahaa, Gudoomiyihii Golaha iyo Ku-Xigeenadiisii ay doorteen, waana mid Alle loogu mahad naqaa. Hogaanka Idhaha beelay iyo Wasiirada dabarka goostayna la mariyaa dastuurka.

Ahmed Hassan Ahmed 'Quick'
Ottawa-Canada
waridaad@yahoo.com

No comments: