Thursday, December 01, 2005

Doorashadda Shir Gudoonka Golaha Wakiilada ee Somaliland

Ku socota: 29.12.2005

Golaha wakiilada Somaliland
Xukuumada Somaliland
Xisbiyada Qaranka
Shacabka Somaliland Gudo iyo dibedba

Ujeedo: Hambalyo Doorashada Shir Gudoonka Cusub eeGolaha Wakiilada Somaliland.

Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo dhammaan ka xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee reer UK, waxaan halkan uga dirayaa hambalyo iyo bogaadin dhamaan xubnaha cusub ee Golaha Wakiiladu oo doortay Shir-Gudoon cusub oo ka kooban:

Cabdiraxmaan Maxamed cabdillahi Gudoomiye
Cabdicasis Maxamed Samaale Gudoomiye-ku-Xige
Baashe Faarax Gudoomiye-ku-Xige

Waxaanu dhammaantiin idiin rajaynaynaa in Eebe idiinfududeeyo hawsha culus ee la idiin doortay. Waxa kale oo aan idin xasuusinaynaa in Shacabka reer Somaliland idin ka filaayo waxqabad, daacadnimo,muwaadinnimo, iyo sharci-ku-dhaqan ay mudo dheer u haraadanaayeen.

Eebaa mahad leh

Maxamed Yonis Awale
Gudoomiyaha Kulmiye (UK)
London, England

No comments: