Tuesday, November 22, 2005

Taageerada Reer Awdal Ee Somaliland Maxaa Sii Xoojiyey? Warbixin – Maxamed Cumar, Weriyaha Haatuf Ee Boorama

Waxay ahayd shay iska caadi ah, in qof kasta oo gobolka ama Boorama ku noolaa wakhtigii lagu dhawaaqay gooni isu-taagga Somaliland iyo intii lagu jiray shirweynihii beelaha Somaliland ku lahaayeen Boorama 1993-kii, inuu arko shacbiga qaybo ka tirsan oo ay riyo ama wax sii soconaynba ay la ahayd Somaliland-ta maanta aynu arkaynaa. Waxay dad badani waagaas rumaysnaayeen inay ahayd uun riwaayad beelihii taageeri jiray SNM ku doonayaan inay ku qabsadaan beelihii ay dagaalada sokeeye dhex mari jireen.

Markii loo ololaynayey shirweynihii beelaha Somaliland ee lagu qabtay dugsiga sare ee Sheekh Cali Jawhar iyo intii uu socdayba waxa madax-dhaqameedyadii, aqoonyahanadii, siyaasiyiintii iyo culimadii ka qaybgalaysay waagaas kana imanaysay bariga Somaliland ay had iyo jeer Boorama ku arki jireen dad aan niyad fiican u hayn shirweynahaas, kuwa ka mid ah martidii xilligaas ee ka imanayay bariga Somaliland waxa dhexda ku heli jiray jidgooyooyin ay dhigan jireen daydaygii la tirtiray iyo budhcad beeleed lacago baad ah iyo baadhasho kaleba u geysan jiray.

Waqtigaas waxa iska caadi ahayd in Boorama lagu arko dad aan gobolka u dhalan oo ka cabsi qabay toogashooyin iyo aflagaadooyin. Waxa intaa dheeraa bannaan-baxyo had iyo jeer lagu taageeri jiray dawlad Soomaaliya yeelato oo aan marnaba taabbo gal noqon, marrarka qaarkoodna waxa xilligaas iska caado ahayd in la arko dad si badheedh ah u dhaleeceeya Somaliland-ta cusbayd. Waxa arrinkii uu dhammaaday shirweynihii Boorama lana sameeyey dawlad leh golayaasha maanta oo beelo ku salaysnaa.

Isla wakhtigii lagu dhawaaqay xukuumadda Somaliland ee Boorama laga sameeyey waxay kooxo dhallinyaro iyo waayeelba leh oo reer Boorama ay si badheedh calankii Soomaaliya uga taageen albaabkii ay ka soo baxayeen madaxdii lagu magacaabay shirkaas oo uu horseed ka ahaa marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo xilkii madaxtinnimada kala wareegay marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali "Tuur", iyagoo kooxahaasi calan Soomaaliyeed oo aan jirinna ay ku beddeleen, balse calankaas ay ka taageen aanu in badan ku sii xidhnayn iridda dugsiga sare ee Sheekh Cali Jawhar.

Arrimahaa kadib waxay xukuumadda cusubi reer Boorama kala kulantay dhibaato ka dhalatay lacagta cusub ee Somaliland leedahay oo la doonayey in lagu beddelo lacagtii Soomaaliya. Wixii ka dhacay lacagtaasi qaadasheedada ama socodsiinteeda cid kasta oo Boorama joogtay way garanaysaa, dawladdii cusbayd ee la dhisayna way garanaysaa siday ku meel marisay shilinka Somaliland ee reer Boorama iska diideen qaadashadiisa waqtigaas. Waxa kale oo intaa dheerayd in sannadihii ka dambeeyeyna aanay joogsan bannaan-baxyadii iyo dagaalkii qarsoonaa ee lagu hayey jiritaanka Somaliland. Sannadihii 1999kii ilaa 2000 Boorama waxa lagu arki jiray bannaanbaxyo aanay cidi soo abaabulin balse mar qudha uun ka qarxi jiray magaalada, kuwaas oo aakhirataankii keenay dhimasho, burbur hantiyeed iyo arrimo kale oo siyaasaddii Somaliland khalkhal gelin jiray, taas oo aakhirataankii keentay in Boorama la dul dhigo ciiddan qaran oo xoog leh oo awoodi kara inuu demiyo hagardaamooyin kasta oo reer Boorama isku dayaan inay u geystaan Somaliland.

Maanta ninka jooga Boorama wuxuu arkayaa in meelaha meheradaha ah iyo suuqyada ganacsigaba lagu qurxiyo calanka Somaliland, daafaha magaalada laga soo galo ama laga baxana waxa lagu arki karaa hal-ku-dhegyo u ducaynaya Somaliland inay sii jirto, halka waayadii hore albaabada magaalada iyo meheradaha lagu qurxin jiray calanka dawladda Jabuuti.
Arrimahani waxay sii xoogeysteen intii uu madaxtooyada Hargeysa tegay Madaxweynaha haatan talada haya Daahir Rayaale Kaahin oo kursigan ka dhaxlay marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal markii uu geeriyooday.

Waxa la odhan karaa sababta keentay taageerada reer Boorama ee xukuumadda Somaliland waxa horseed ka ah caqligii ka taliyey in mansabkii Madaxweynaha loo magacaabo Daahir Rayaale. Ragii waagaas ka taliyey in kursiga dalka u sarreeya loo dhiiibo Daahir Rayaale ayaa la odhan karaa inay yihiin ama ahaayeen kuwa maanta mudan in la xusuusto waayo waxay meesha ka saareen cudur aan reer Boorama laga saari kareen haddii kursiga la dhaafiyo madaxweyne ku-xigeenkii wakhtigaa, isla markaana waxay meesha ka saartay fikraddaasi in kursiga dalka u sarreeya iyo Somaliland ay leeyihiin beelo keliya oo reer Somaliland, halka kuwa kalena aanay xaq u lahayn.

Arrintani haddii aanay sidaa u dhicin waxaa maanta gobolka Awdal ka horreyn lahaa gobolka Sool marka la eego ficilada Somaliland-diidka ah ee ka jiray labadan gobol ee darifyada Somlailand ah. Maanta reer Boorama laguma soo qaadi karo aflagaadada Somaliland iyo xukuumaddeeda, waxana si xun loo eegaa kuwa dhaliila xukuumadda ee aan ka mid ahay, waxana reer Boorama ay waayeen oo kale Soomaaliyadii ay ku taami jireen inay cad fiican ka helaan. Inkastoo weli ay jiraan xubno reer Awdal ah oo u badan qurbajoogga welina dhaliila ama is diidsiiya Somaliland had iyo jeerna u ololeeya Soomaaliweyn, lamana odhan karo waa rag metela codka shacbiga gobolkan.

Su'aasha meesha ku jirta ayaa ugu dambayn la odhan karaa ilaa intee ayey reer Awdal hayn doonaan taageerada Somaliland iyo xukuumadda madaxweyne rayaaleba ay maanta siiyaan?

Source: Haatuf

No comments: