Monday, December 05, 2005

Doorashada Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland

Dhammaan Qaranka Somaliland
Shacabka Somaliland

Xukuumada Somaliland

GolahaGuurtidaGolaha

WakiiladaUrurada Bulshada

Saxaafadda Madax-banaan

Ujeedo: Doorashada Shir Gudoonka Cusub

Aniga oo ku hadlaya dhammaan magaca gudiyada XisbigaKulmiye ee dalkan UK, xubnaha & taageerayaasha Kulmiye(UK), waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan xubnaha GolahaGuurtida Somaliland ee ku guulaystay in ay kamidho-dhaliyaan khilaafkii ku yimid doorashadii ShirGudoonka Golaha Wakiilada Somaliland, Go'aankooda ooku saleeyey distoorka qaranka sida uu qoraayo. Waxa kale oo mudan in la xusso sida miyir-ka-qabta eexisbiyadu arrintaa uga qayb galeen, una aqbaleennateejadii ka soo baxaday dhexdhexaadintaa GolahaGuurtida.

Waxaanu dhammaanteen idiin soo gudbinaynaa dareenkawadannimo ee qurba jooggo Somaliland ku soo dhaweeyeen furdaaminta arrinkaas. Waxaanu rajaynaynaa in mustaqbalka, muxaafid iyo mucaarid iyo dhexdhexaaduba wax ku qabsan doonaan sidauu distoorka qaranku dhigaayo. Sharciga iyo Distoorka qofkastaa, siyaasi kasta, xisbikasta, gole kasta, urur kasta iyo hay'ad kastaba ayugu dhaqmaan si waafaqsan. Arrinkani waa inuu noqdaa mid taariikhda gala.

Mar labaad, waxaan tahniyada iyo bogaadin u diraynaaxubnaha cusub ee loo doortay Golaha WakiiladaSomaliland.
Cabdiraxmaan M cabdillahi Gudoomiye

Cabdicasis M Samaale Gudoomiye-ku-Xigeen

Baashe Faarax Gudoomiye-ku-Xigeen

Eebe ha idiin fududeeyo hawshaas culus, xaqqa iyocadaaladana ha idin garansiiyo.

AamiinEebe mahad leh

Maxamed Yonis Awale

Gudoomiyah Xisbiga Kulmiye

(UK)London,UK

No comments: