Monday, December 05, 2005

Hambalyo iyo Bogaadin fara badan ku socota Shir-Gudoonka Cusub ee BarlamaankaSomaliland ee la ansixiyey.

Hambalyo iyo Bogaadin fara badan oo ku socota Shir-Gudoonka Cusub ee Barlamaanka Somaliland ee la ansixiyey.

Waxaa ah mid lagu farxo sidda quruxda badan ee Golaha Guurtidu dhex dhexaadinta Khilaafkii soo kala dhex gallay Golaha Wakiiladda 29 November ee salka ku hayey Shir Guddoonka Golaha Wakiiladda ay guusha uga gaadheen ina soo afjaraan, kuna ansixiyeen sidii uu ahaa.

Waxaa jidhiidhico i qabatay markii aan akhriyey hadaladdii ka soo yeedhay Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Md: Sulieman Mohamoud Adan oo u qornayd sidan:

"Annaga oo ahayn Guddidii Golaha Guurtida ee u xil saarnayd xallinta khilaafka labada dhinac ee isku qabtay Golaha Wakiiladda ee dhawaan la soo doortay, annaga oo aan xeerin adeegsanna Dastuurka iyo qawaaniinta dalka u yaalla, balse xeerinay Danta Guud ee Shacabka Somaliland iyo Qaranimada Dalkani waxaanu go'aansanay in Shir Guddoonkii Xisbiyada Mucaaridku doorteen 29 November aan waxba laga bedelin ee ay ahaadaan Shir Guddoonka Rasmiga ah ee Golahu yeelan doono"

Sidaa daraadeed, haddaanu nahay Qurbe jooga ku dhaqan Dalka Kanada, caasimadiisa Ottawa. Waxaanu halkan si wada jira ah ugu soo gudbinaynaa Hambalyo iyo Boogaan fara badan, Xildhibaanadii kuguulaystay doorashadii Shir-Gudoonka iyo ku Xigeenada Golaha Wakiiladda.

1-Cabdiraxmaan Maxamed cabdillahi Gudoomiye

2-Cabdicasis Maxamed Samaale Gudoomiye-ku-Xigeen

3-Baashe Faarax Maxamed Gudoomiye-ku-Xigeen

Waxaanu dhammaantiin idiin rajaynaynaa in Eebe idiin fududeeyo hawsha culus ee la idiin doortay. Waxa kale oo aan idin xasuusinaynaa in Shacabka reer Somaliland idin ka filaayo waxqabad, daacadnimo,muwaadinnimo, iyo sharci-ku-dhaqan ay mudo dheer u haraad anaayeen.

Xukuumadda iyo Xisbi xaakimkana waxaanu ugu hambalyeynaynaa sidda wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen go'aankii Golaha Guurtida iyo hamblayaddii wanaagsanayd ee Madaxweyne Daahir Riyaale u soo gudbiyey Golaha Cusub iyo Madaxdiisa.

Allaa Mahad leh,
Ahmed Hassan Ahmed ‘Quick’
Jaaliyadda Somaliland ee Ottawa

No comments: