Friday, December 02, 2005

QARAARKA MAXKAMADDA SARE KU XAYIRTAY FADHIYADA GOLAHA WAKILADA

Maxkamadda Distooriga ah ee Somaliland ayaa qaraar xayiraad ah oo ay soo saartay khamiistii Maanta waxa ay ku mamnuucday in xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland aanay shirar, fadhi iyo kulan toona ku yeelan Karin xarunta golahaasi inta Maxkamadda Distooriga ahi go’aan ka gaadhayso dacwadda is qabad ee Distooriga ah oo ku saabsan doorashada xubnaha shirguddoonka Golaha Wakiilada ee Salasadii 29 November, 2005 dhacday.

Qaraarkan Maxkamadda Distooriga ahi waxa uu ka dambeeyay fadhi Maxkamadu ay khamiistii 1 December, 2005 ka yeelatay dacwad uu dhibane ka yahay Ibrahim Maxamuud Xuseen(Dhaadheere) oo ka tirsan xildhibaanada xisbiga UDUB ee Golaha Wakiilada kaas oo uu sheegtay guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Golaha Wakiilada Somaliland. Dacwadaas oo ay Eedaysanayaal ka yihiin xubnaha kala ah Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Baashe Maxamed Cabdi(Baashe-Cade), xubnahaas oo Xildhibaanada Aqlabiyada golaha Wakiiladu ay fadhigii Salaasadii u doorteen shirguddoonka Golaha Wakiilada.

Qaraarka ay Maxkamadu ay ku xayirtay fadhiyada Golaha Wakiladu waxa uu u qornaa sidan:
Maanta oo ay bishu ahayd 1 December, 2005 waxa ay Maxkamadu u fadhiisatay dhagaysiga dacwad is qabad Distoori ah, Dacwoodana uu ka yahay Ibrahim Maxamuud Xuseen Qareena uu u yahay Barkhad Jaamac, uu sheegayna inuu yahay guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, iyo dacwaysanayaal Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Baashe Maxamed Cabdi, qareena uu u yahay Maxamed Jaamac Cabdi, ujeedaduna ahayd ansixinta guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee 29, November, 2005 Golaha Wakiilada ee la soo doortay.

Haddaba Markay Maxkamadu xaadirisay dhinacyada waxa fadhigii ka maqnaaday qareenkii dacweysanayaasha Qareen Maxamed Jaamac Cabdi, ka dib waxay Maxkamadu weydiisay qareenka dacwoodaha ah inuu u soo jeediyo Maxkamadda fikirka uu ka qabo maqnaanshaha qareenka dhinaca kale, waxaanu ku jawaabay, ‘Maadaama uu qareenku ogaa mudada iskana maqnaaday in la socodsiiyo dacwadda oo aan dib loo dhigin,’ ka dib Maxkamadu waxay gashay qolka shirarka markii ay aragtay maqnaanshihii qareenka dhinaca dacweysanayaasha dhagaysatayna soo jeedinta qareenka dhinaca kale waxay soo saartay qaraarkan: Waxa ay diiday soo jeedinta qareenka dacwoodaha Maxkamadu waxay amraysaa qareenka dhinaca dacweysanayaasha inuu jawaab celinta dacwadda ku keeno Sabtida oo ku beegan 3 December, 2005, 9:00 subaxnimo, Maxkamaduna waxa ay Xayirtay fadhigii Golaha Wakilada ee dhinacyada dacwada ay u kala qabteen golaha cusub maalinta Sabtida ee 3 December, 2005 ilaa iyo inta ay Maxkamadda sare ee Distooriga ahi ay go’aan ka gaadhayso dacwadda hortaala.

Magacyada guddiga Maxkamadda Sare Distoriga ah

Faysal Xaaji Jaamac Guddoomiye
Maxamuud Xirsi Faarax Xubin .
Yaasin Xasan Ismaaciil Xubin.
Cabdi Cilmi Xasan Xubin.
Cismaan Ismaaciil Axmed Xubin.
Maxamed Cumar Geele Xubin.Source: Hargeysa News

No comments: