Saturday, December 03, 2005

GOLAHA GUURTIDA OO GUUL KA GAADHAY ISU SOO DHAWAYNTA MURANKII GOLAHA WAKIILADA

GOLAHA GUURTIDA OO GUUL KA GAADHAY ISU SOO DHAWAYNTA MURANKII GOLAHA WAKIILADA

Hargeysa(QNN), Shir-gudoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay inay kalsooni buuxda ka heleen labada dhinac ee Golaha Wakiilada Somaliland sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka Golaha Wakiilada, ee ka dhashay doorashadii shir-gudoonka ee 29/12/2005. Iyagoo aad ugu mahadceliyay mudanayaasha Golaha Wakiilada Aqbalaada codsigoodii iyo danta dalka iyo dadkaba.

Shir-gudoonka golaha guurtida oo maalmahanba ku hawlanaa sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen labada dhinac ee Wakiilada ayaa waxa ay u gudbiyeen codsi, kaasoo ay dhinaca Xisbiga UDUB kaga dalbadeen inuu ka noqdo dacwadii uu u gudbiyey Maxkamada Sare.Halka dhinaca kalena ay ka codsadeen inay aqbalaan dib u dhigista kulankii qabsoomi lahaa sabtida 03/12/2005. Haddaba qoraal ay soo saareen shirgudoonka golaha wakiilada JSL kuna saxeexnaa gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) waxa uu u dhignaa sidan:

"Anagoo tix raacayna warqad lambar GG/JSL/220/12/2005 kuna taariikhaysnayd 01/12/12/2005 ujeedadeeduna ahayd codsi joojin fadhi, kuna saxeexan yahay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan.

Hadaba anagoo tixgelinayna codsiga Gudoomiyha golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu Shir-gudoonka Golaha wakiiladu aqbalay ka dib markuu la tashaday 46 Mudane oo tirsan golaha wakiilada in dib loo dhigo kulankii qabsoomi lahaa sabtida 03/12/2005 ee uu shir-gudoonku iclaamiyey fadhigii ugu horeeyey ee golaha wakiilada ee 29/11/2005.

"Dhinaca kale sida ay guurtidu sheegeen xisbiga UDUB ayaa isaguna ka Aqbalay codsigii Guurtida ee ahaa ka noqoshada Dacwad uu u gudbiyay Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee dhawaan la doortay ayaa sheegay inaanu waxba kala socon dacwada uu Md. Ibraahim Maxamed Xuseen (Dhaadheere) u gudbiyay Maxkamadda Sare kuna dacweeyay Shir-guddoonka Golaha Wakiilada.

Waxa kale oo uu deedafeeyay Md. Cirro Xayiraadii ay Maxkamada Sare ku soo rogtay shirkii la iclaamiyay maalinta Sabtida in la isugu yimaado. isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; "Maxkamadda Sare waajibkeedii dastuuriga ahaa way gudatay, Murankan hadda aloosana waa mid Golaha Wakiiladda dhexdiisa u yaalla, Maxkamadda Sarena xaq uma laha inay leexiso aqlabiyadda Golaha oo go'aan ku gaadhay inay doortaan Shir-guddoon Cusub."

No comments: