Saturday, December 03, 2005

Hambalyo iyo Bogaadin ku socota Shir-Gudoonka Cusub ee Barlamaanka

Hambalyo iyo Bogaadin ku socota Shir-Gudoonka Cusub ee Barlamaanka
Somaliland.

Haddaanu nahay Qurbe jooga ku dhaqan Dalka Kanada, caasimadiisa Ottawa. Waxaanu halkan si wada jira ah ugu soo gudbinaynaa Hambalyo iyo Boogaan fara badan, Xildhibaanadii ku
guulaystay doorashadii Shir-Gudoonka iyo ku Xigeenada Golaha Wakiiladda.

1-Cabdiraxmaan Maxamed cabdillahi Gudoomiye
2-Cabdicasis Maxamed Samaale Gudoomiye-ku-Xigeen
3-Baashe Faarax Gudoomiye-ku-Xigeen

Waxaanu dhammaantiin idiin rajaynaynaa in Eebe idiin fududeeyo hawsha culus ee la idiin doortay. Waxa kale oo aan idin xasuusinaynaa in Shacabka reer Somaliland idin ka filaayo waxqabad, daacadnimo,muwaadinnimo, iyo sharci-ku-dhaqan ay mudo dheer u haraad anaayeen.

Xukuumadda iyo Xisbi xaakimkana waxaan ogysiinaynaa inay u hanuunsanaadaa distuurka wadanka, kana fogaadaan wixii fad-qalalo kicin kara, sida ugu dhakhsaha badana ay ugula shaqeeyaan Golaha cusub, ummadooduna siday ugu liseen ugu hanbeeyaan.

Alaa mahad leh

Ahmed Hassan Ahmed ‘Quick’

Jaaliyadda Somaliland ee Ottawa

No comments: