Saturday, December 03, 2005

SIYAASIYIINTA HAYBTA U SAFTAY EE FOGEEYEY IS-AFGARAD DHEXMARA MUDANAYAASHA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND

SIYAASIYIINTA HAYBTA U SAFTAY EE FOGEEYEY IS-AFGARAD DHEXMARA MUDANAYAASHA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND


Labadii maalmood ee u dambeeyey waxa socday dedaalo la doonayey in la isugu soo dhaweeyo isbahaysiga mucaaradka ah iyo kuwa xisbiga UDUB, si xal looga gaadho ismaandhaafka ka dhashay doorashadii xubnaha shirgudoonka murankii ka dhacay xidhitaankii fadhiga 1-aad ee golaha cusub ugu qabsoomay aqalka guurtida Somaliland salaasadii aynu soo dhaafnay.

Dedaaladani waxay ka dambeeyeen ka dib markii fadhigii 1-aad ee golaha wakiilada uu hab aan la isla ogolayn Mudane Ibraahim Max’ed Xasan (Dhaadheere) ku xidhay, balse ay diideen aqlabiyadii xubnaha baarlamaanka oo ahayd isbahaysiga mucaaradka, isla markaana ay doorteen shirgudoon cusub, halka ay xubnihii xisbiga UDUB ka dareereen madasha.Kaas oo xildhibaan Dhaadheere iyo xisbiga UDUB-ba ka dhigteen waqtigii salaada duhur oo la gaadhay awgeed in golaha loo xidhay, maalinta sabtida ah.

Halka ay isbahaysiga mucaaradka oo tiradoodu ahayd 47 mudane ay ku adkaysteen doorashada shirgudoonka golaha wakiilada, iyaga oo daliishanaya qodobka 44-aad ee dastuurka Somaliland.Dadka dedaalada waday ayaa qabay in si arrinta cagta loogu dhigo, marka hore in la baajiyo fadhiga golaha ee dhinac walba gaarkii ugu mudaystay maalinta sabtida ah ee soo socota, iyo in inta waan-waanta lagu jiro aanay labada dhinacba aanay warbaahinta kaga hadal mawduuca khilaafkooda.

Haddaba, iyada oo taasi jirto ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey dhinaca xukuumada iyo xisbiga UDUB ka soo saftay masuuliyiin isku hayb ah, oo weliba ka soo wada jeeda gobolka madaxweynaha, iyaga carqalado kala horyimi waan-waantii la waday, carqaladahaas oo ay ka mid ahaayeen hadalkii uu wasiirka xidhiidhka Golayaasha Cabdi Xasan Buuni uu ka sii daayey idaacada BBC-da iyo warbaahinta maxaliga ah, siiba telefayshanka iyo Idaacada dawlada, hadaladaas oo ay ka dhan-dhamaysay in dawlada iyo xisbiga UDUB aanay diyaar u ahayn in xal la gaadho.Waxa kale oo la ogyahay in wasiirka Golayaasha Cabdi Xasan Buuni iyo xildhibaanada Cabdi Gaagaale iyo Max’ed Barkhad Miigane ay hormood ka ahaayeen aloosida dacwad xisbiga UDUB u gudbiyey maxkamadda sare, taas oo ay ku doodayaan in shirgudoonkii golaha wakiilada ee la doortay salaasadii uu yahay qayru sharci, isla markaana ay masuuliyiintaasi u ololeeyeen in maxkamaddu xayiraad saarto hawlaha golaha wakiilada cusub si ku meel gaadh ah.

Arrintan oo markii hore si caadi ah loo arkayey ayaa Dhaq-dhaqaaqyada iyo dhawaaqyada masuuliyiintaasi ku keliyeysteen, waxay dad badan markii dambe ula muuqatay inay arrintu dhinaca xukuumada iyo dhinac qabiilba u dheeliday, waxaanay isku xidhiidhinayaan dhaq-dhaqaaqyadan cusub ee ay masuuliyiintani wadaan iyo talaabooyin ka horeeyey oo culays lagu saaray dhamaan xildhibaanada reer Awdal kaga jira xisbiyada mucaaradku ka soo baxaan oo ayku soo biiraan xisbiga UDUB, taas oo uu in badan ka hawlgalay wasiir Xasan Buuni intii u dhaxaysa doorashadii 29-kii September iyo fadhigii salaasadii ee 29-kii November, iyada oo uu ku guulaystay inuu hab qabiil ku hantiyo laba xubnood oo ka mid ah lixdii mudane ee ay xisbiyada mucaaradku ka heleen gobolka Awdal.

Waxa kale oo jiray in 28-kii November shir ay isugu yimaadeen masuuliyiinta iyo mudanayaasha xisbiga UDUB oo ay kaga arrinsanayeen tabaabushaha xisbigoodu ugu jiro tartanka doorashada xubnaha shirgudoonka ee u qorshaysnayd inuu qabsoomo salaasadii in uu Mudane Cabdi Gaagaale shirkaa xisbiga UDUB soo dhex fadhiisiyey xoghayaha Guurtida Somaliland C/laahi Habane (C/laahi Dheere), isaga oo Cabdi Gaagaale xubnihii shirka fadhiyey u sheegay in C/laahi Dheere uu mudanayaasha UDUB wax kala qaban doono sidii ay ugu guulaysan lahaayeen shirgudoonka golaha wakiilada marka uu salaasada qabsoomo.

Hase yeeshee arrintaasi waxay ka xanaaqsiisay mudanayaal ka tirsan xisbiga UDUB oo shirka fadhiyey, waxaanay u arkeen in C/Laahi Dheere loo adeegsanayey sifo qabali ah.Inkasta oo C/laahi Dheere shirkaa laga saaray, haddana subaxdii dambe waxa uu iska soo xaadiriyey madashii fadhiga 1-aad ee golaha wakiilada ee qabsoomay maalintii ku xigtay shirkaa UDUB, iyada oo uu soo fadhiistay goobtii xoghaynta shirka, walaw aanu ka mid ahayn shaqaalaha golaha wakiilada oo ay madasha u joogeen xoghayntoodii hore ee u gaarka ahayd.

Hase yeeshee C/laahi Dheere, markii uu Mudane Dhaadheere ku dhawaaqay inuu shirku xidhan yahay, balse ay mudanayaasha mucaaradku ku gacan saydheen ee ay sii fadhiyeen ayuu urursaday qalabkii baahinta codka ee golaha, taasina oo u muuqatay qorshe ay isla ogaayeen isaga, Buuni, Cabdi Gaagaale, Cali Gabiley iyo rag kale, iyada oo ay weriyayaashii goobta joogay arkayeen Wasiir Cabdi Xasan Buuni oo dibada hoolka shirka ugala baxay Mudane Cali Gabiley, halkaasna ugu dhiibay warqad yar oo laalaaban, warqadaas oo Cali Gabiley markii uu hoolka ku soo noqday u dhiibay Mr. Dhaadheere oo fadhiya kursigii gudoominta golaha.

Waxa kale oo iyaduna jirtay in qaar ka mid ah xoghaynta rasmiga ah ee golihii wakiilada looga yeedhay madaxtooyada Somaliland iyo xarunta UDUB maalmo ka hor fadhigii, iyada oo lagu wargeliyey in aanay ka soo qayb-gelin fadhiga 1-aad ee golaha wakiilada.Inkasta oo ay talaabooyinka caynkaas ahi ay ka cadhaysiisay qaar ka mid ah mudanayaasha xisbiga talada dalka haya ugu jira golaha wakiilada, haddana ma jirin wax talaabooyin ah oo ay hab-dhaqanadaa kaga jawaabayaan, iyada oo ay u muuqato in xisbiga UDUB uu yahay mid uu madaxweyne Rayaale kelidii si toos ah u maamulo inta badan, marka laga reebo waqtiyada qaar oo uu arrimaha u iska leexinayo u xilsaaro ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.

HAATUF

No comments: