Monday, December 05, 2005

Guddidii Golaha Guurtida Oo Ku Dhawaaqay Natiijadii Dhex-Dhexaadinta Golaha Wakiiladda

Guddidii Golaha Guurtida Oo Ku Dhawaaqay Natiijadii Dhex-Dhexaadinta Golaha WakiiladdaSomaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 5 December, 2005
Hargeisa (Somaliland.org) Guddidii Golaha Guurtida u xil Saarnayd dhex dhexaadinta Khilaafkii soo kala dhex gallay Golaha Wakiiladda 29 November ee salka ku hayey Shir Guddoonka Golaha Wakiiladda ayaa maanta waxay kaga dhawaaqeen Natiijadii dhex dhexaadintooda Kulan balaadhan oo ay ka soo qayb galeen 82 Xildhibaan ee Golaha Wakiiladda oo ka qabsoomay Xarunta Golaha Guurtida.

Guddidani oo ka koobnayd 14 Oday oo ka tirsan Golaha Guurtida oo ay hormood ka ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal/Nuur) Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida Sh. Axmed Sh. Nuux Furre iyo odayga Caanka ah ee ka tirsan Golaha Guurtida Xaaji Cabdi Waraabe ayaa waxay shaaca ka qaadeen in Shir Guddoonkii ay Xisbiyada Mucaaridku doorteen 29 November aan waxba laga bedeli doonin ee uu noqon doono Shir Guddoonka Rasmiga ah ee Golaha Wakiiladdu yeelan doono Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Guurtida oo hadalka dhawaaqitaanka ka jeediyey Madasha ayaa wuxuu yidhi "Annaga oo ahayn Guddidii Golaha Guurtida ee u xil saarnayd xallinta khilaafka labada dhinac ee isku qabtay Golaha Wakiiladda ee dhawaan la soo doortay, annaga oo aan xeerin adeegsanna Dastuurka iyo qawaaniinta dalka u yaalla, balse xeerinay Danta Guud ee Shacabka Somaliland iyo Qaranimada Dalkani waxaanu go'aansanay in Shir Guddoonkii Xisbiyada Mucaaridku doorteen 29 November aan waxba laga bedelin ee ay ahaadaan Shir Guddoonka Rasmiga ah ee Golahu yeelan doono" markii Saleebaan Maxamuud ay afkiisa intaasi ka soo baxday ayaa waxaa Sacab iyo farxad isla oogay Xildhibaanada Xisbiyada Mucaaridka KULMIYE iyo UCID oo iyaga aad moodaysay inay neefi ku taagnayd, waxaana sidaasi ay Guddidii Golaha Guurtidu ku ansaxiyeen Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) iyo labadiisa Guddoomiye ku xigeen Cabdicasiis Maxamed Samaale Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad iyo Baashe Maxamuud Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda.

waxaa kale oo khudbado qiiro iyo Waddaniyad weyni huwantahay saaka ka jeediyey kulankani Odayga Caanka ah Xaaji Cabdi Waraabe oo xasuusiyey Xildhibaanada Golaha Wakiiladda dhibtii iyo dheeftii loo huray Qaranimada Somaliland, wuxuuna kula dar daarmay Xildhibaanadu inay ilaaliyaan qaranimada iyo dastuurka Somaliland, waxaana kulankani markii uu dhamaaday hambalyo iyo salaan isku qaabilay dhammaan xildhibaanada Mucaarid iyo Muxaafid iyadoo hambalyo salaan ah lagu bilaabay Shir Guddoonka Cusub.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)SOMALILAND.ORG, HARGEISA.Somaliland.org@gmail.com

No comments: