Monday, December 05, 2005

"Waxaan Kaloo U Argnaa Arintan Ay Ku Kaceen Xubnaha UDUB Mid Raad Qaloocan Ku Yeelan Karta Xasiloonida Dalka" Somaliland Society-UK

"Waxaan Kaloo U Argnaa Arintan Ay Ku Kaceen Xubnaha UDUB Mid Raad Qaloocan Ku Yeelan Karta Xasiloonida Dalka" Somaliland Society-UK

Ururka guud ee bulshada Somaliland ee ku dhaqan dalka Boqortooyada Ingriirksa ee la yidhaa Somaliland Society UK wuxuu halkan ka cadaynayaa inuu aad ugu xun yahay dhacdadii siyaasadeed ee dalka Soomaliland ka dhacaday 29 kii bishii Novemver 2005, ee salka ku haysay sidii foosha xumayd ee loo maamulay kalfadhiigii koowaad ee golaha wakiilada ee Somaliland.
Anagoo tixraacayna war murtiyeedkii ay arrintan ka soo saareen Ururka Qareenada Somaliland, waxay anaga noola muuqata in xubintii ka tirsanayd xisbiga UDUB ee loo doortay gudoominta shirmaalmeedka maalintaasi iyo xildhibaanadii UDUB ay afduubeen habsocod wanaagii uu ku socday kalfadhiga goluhu.

Waxaa cadaatay in xubnihii xisbul xukuumigu iyadoo uu horkacayo goddoomiyaha shirku ay si sharciga baal marsan u soo afjareen hawlihii doorashada shirguddonka ee la sugayay inay dhacaan maalintaasi, iyagoon wax latashi ah aan la samayn xildhibaanadii xisbiyada kale ee madasha fadhiyay.

Ururka Somaliland Society Uk wuxuu falkan siyaasadeed u arkaa mid ay ka muuqato keli tashinimo, kalsooni daro ka soo hor jeeda habka dimoqraadiga ah iyo xaalad abuur. Dhinaca kalena, waxay dhamaan arrimahani lid ku yihiin geedi socodka demoqraadiyada ee dalka ka hanaqaday. Waxaanu kaloo u argnaa arintan ay ku kaceen xubnaha UDUB, oo ah xisbiga talada dalka haya, mid ku yeelan karta raad qaloocan xasiloonida dalka ee ay ahayd in ilaalinteeda UDUB hormood ka noqoto iyo xukuumadu.

Sidaa awgeed Ururuka Somaliland Society Uk, wuxuu cambaarayn u soo jeedinayyaa dhamaan dadkii ku lug lahaa arrintan, waxaanan ugu yeedhaynaa inay ka wantoobaan sii balaadhinta xurguftan, oo ay u hawlagaan yaraynta raadka uu murunkani ku yeelan karo dalka iyo sidii loomaaran lahaa khasaarahan siyaasadeed ee dalka la soo darsay.
Ururka Somaliland Society, isagoo ka duulaya arrimah akor ku xusan, wuxuu oo jeedinayaa baaqyadan soo socda:

1. Waxaanu talo ahaan soo jeedinaynaa in dhamaan xisbiyada qaranku ay ilaaliyaan qaynuunka dalka u yaala , wixii khilaaf ah ee dastuuri ah ee yimaadana inta aan loo gudbin maxkamad ama golaha guurtida ay xisbiyada dhexdoodu guddiyo u saaraan ka so baaraan dega talibixinta arrimaha laysku hayo.

2. Xalinta arrintan shirguddonka ee hada taagan waxaanu u aragnaa in dariiqa ugu haboon ee lagu soo afjari karaa ay tahay in la ogolaado doorashadii shirguddonka golaha wakiilada ee dhacday 29 kii Novemver 2005.

3. In kastoo aanu ugu dambayntii soo dhawaynayno kaalinta wax ku’oolka ah ee Golaha Guurtidu kaga jiro xal u helida ismaan dhaafkan siyaasiga ee soo kale dhexgalay xisbiga xukuumada ee UDUB iyo xisbiyada mucaaradka, waxaanu talaabadan u aragnaa dabacsanaan ka soo ifbaxday nidaamkii dimoqradiga ahaa ee aynu sida wadajirka ah u go’aansanay ku dhaqankiisa.

4. Waxanu ugu baaqaynaa xisbiyada mucaaridka ah in ay si xilkasnimo ah u gutaan wajibkii loo doortay iyo gudashada xilka distooriga ah ee loo idmaday.
5. Waxaanu ugu dambayntii ugu guud ahaanba dadka reer soomaliland ugu baaqaynaa inay isxilqaankii iyo xilkasnimadii ay hidaha u lahaayeen ku ilaaliyaan nabad gelyada dalka iyo dadkooda.

Guddiga FulintaUrurka Somaliland Society

No comments: