Monday, December 05, 2005

Madaxweyne Rayaale Oo Hambalyo U Diray Shir Guddoonka Cusub Ee Golaha


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta wuxuu shir Jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa, shirkani jaraa'id oo uu Madaxweynahu ugu hambalyeeyey Shir Guddoonka Cusub ee Golaha Wakiiladda ee maanta Guddidii dhex dhexaadinta ee Golaha Guurtidu ku dhawaaqday.

Madaxweyne Rayaale wuxuu Hambalyo kal iyo laab ah u diray Seddexda Mudane ee loo doortay Shir Guddoonka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda, Mudane Cabdi-Casiis Maxamed Samaale, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiiladda iyo Baashe Maxamuud Faarax Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Madaxweyne Rayaale oo shirkaasi jaraa'id ka hadlaya wuxuu yidhi "Waxaan Hambalyo u diraya shir Guddoonka Cusub, inagoo danta dalkeena meel uga soo wada jeedna waxaan ka rajaynaya shir gudoonka cusub in wada shaqayn fiican aanu yeelan doono.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)SOMALILAND.ORG, HARGEISA.Somaliland.org@gmail.com

No comments: