Friday, December 02, 2005

Xisbiyada Mucaaridka Oo Ku Gacan Saydhay Joojinta Maxkamadda Sare Ay Joojisay Kal Fadhiga Golaha Wakiiladda Ee Maalinta Sabtida

Hargeisa (Somaliland.org) Xisbiyada Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID ayaa maanta waxay ku gacan saydheen, Joojintii ay maalintii shallaytoole ahayd Maxkamadda sare ee Somaliland joojisay Shirkii ay Xildhibaanadda Golaha Wakiiladdu u ballansanaayeen Maalinta Sabtida ah.

Guddoomiyaha Cusub ee xildhibaanada Mucaaridku ugu doorteen kal fadhigii salaasadii Golaha Wakiiladda ee Muranku ka dhacay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa maanta mar aan la xidhiidhay wuxuu ii sheegay in fara gelinta Maxkamadda sare ay tahay sharci darro weyn oo aan waafaqsanayn Dastuurka iyo xeeraarka Somaliland, Cabdiraxmaan Cir oo ka hadlaya joojinta Maxkamadda sare joojisay Shirkii uu iskugu yeedhay Maalinta sabtida ah isagoo hadlaya wuxuu yidhi "Maxkamadda sare Waajibkeedii dastuuriga ahaa waa gudatay, Murankani hadda aloosana waa mid golaha Wakiiladda dhexdiisa u yaalla, Maxkamadda sarana xaq uma laha inay leexiso aqlabiyadda Golaha oo go'aan ku gaadhay inay doortaan Shir Guddoon Cusub"

Dhinaca kalana labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa si weyn ugu gacan saydhay kuna tilmaamay xaaran Kiiska maxkamadda sare loo gudbiyey iyo weliba joojinta ay maxkamadda sare joojisay fadhiga Golaha ee maalinta sabtida loo ballansana, maanta oo jimce ah shaqooyinkana laga nasanayo ayaa dhinaca kale waxaa ka socda waan waan ay odayaasha golaha Guurtida iyo Sulaadiinta dhaqanku wadaan iskagana dab qaadayaan Mucaaridka iyo Xisbul Xaakimka UDUB.

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Somaliland.org@gmail.com

No comments: