Monday, December 05, 2005

Istaag,Nalka Hore Dami, Ka Gudaha Daar, Anna Hay Dilin Adna Hays Dilin. Lix Sigaariyo, Lixdan Shilin Keen!!!!!!!

Maxamud Caydiid Lafcnbe — Toronto, Canada — 4 December, 2005
Istaag,Nalka Hore Dami, Ka Gudaha Daar, Anna Hay Dilin Adna Hays Dilin. Lix Sigaariyo, Lixdan Shilin Keen!!!!!!!

Afar iyo toban sannadood ayaa laga jooga erayadaas aan cinwaanka ka dhigtay oo ahaa kuwii magalaada Hargeysa ku bilaabmay 1981kii soona dhamaaday 1991kii. Waa toban sannadood oo gow ah, dadkii xukunkaas fulinayayna maanta ayay kaga sii awood badanyihiin Somaliland markii hore ee la odhan jiray gobalada waqooyi ee Somaliya oo faqashtu ay si waxshinimo leh ula dhaqmi jirtay. Dad badan ayaa laga yaaba inay ilaaween balse wali qaarbay riyo xun oo lagu saso ku reebtay.

Magaalada Hargeysa toban sannadood ayay bando ku jirtay wakhtigii faqashta, maanta waa banddoo oo tii faqashta mid la midaa jirta ! Hadaba gartay ciidamadii faqashta oo u badnaa koonfur, gartay afweyne iyo damaca u lahaa iyo wuxuu rabayba balse waxaanaanan wali garan sababta ciidamada qaranka Somaliland loogu soo daayay Hargeysa maanta? Dahir Riyale Kaahin oo ah guddoomiyaha xisbiga UDUB, inuu haddana ku amar ku taagleeyo magacii iyo awooddii madaxweynnimo, marna uu noqdo caaqil reer Awadal ah, dalkii uu madaxweynaha ka ahaana isagu gacantiisa ku burburiyo waa nasiib xumo Somaliland maanta haysta.

waxaan jecelahay bal inaan akhristayaasha aan tuso qodobada sahlan ee madaxweynaha Somaliland dalka u qasayo una burburinayo oo aan muran gali kar:

Qodobka 44 aad ee Distoorka

ISUGU YEEDHIDDA GOLAHA CUSUB

1. Golaha cusub waxa uu qabanayaa fadhigiisa ugu horreeya 30 (soddon) maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa maalinta lagu dhawaaqo go'aamada doorashada; waxaana isugu yeedhaya Madaxweynaha Jamhuuriydda.

2. Haddii Madaxweynuhu isugu yeedhi waayo, Golaha ayaa u kulmaya iskii maalinta 45aad (Shan iyo afartanaad) laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go'aamada doorasho.

3. Golaha cusub waxaa furaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaarinaya xubnaha. Markaa waxaa guddoominaya shirka xubinta ugu da'da weyn; waxaana Goluhu iska dhex dooranayaa Guddoomiyaha iyo laba Guddoomiye ku-xigeen.

Halkaa waxaa ka cad faqradda sedexaad in golaha marka xubinta ugu da'da weyn la fadhiisiyo si uu guddoomiyo in la doorto guddoomiyaha iyo labada guddoomiye xigeen waa isla maalintaa in la doorto.
Qodobka 45 aad ee Distoorka Faqraddisa Labaad

2. Fadhiga Golaha Wakiiladu waxa uu ku furmi karaa marka ay joogaan kala badh in ka badani, marka laga reebo kuraasida bannaanshahooda la baahiyay .taasay waxay tilmaamaysaa in 42 xubnood ay samayn karaan Qorum

Qodobka 45 aad faqraddiisa afaraad

4. Dib-u-dhigid fadhi wuxuu ku ansaxayaa hal dheeri (aqlabiyad fudud); waxaana dib loo dhigi karaa ugu badnaan toddoba (7) maalmood.

Mar haddii xubnihii golaha la dhaariyay, wixii dib u dhigid ah ansixinteeda waxaa lahaa aqlabiyada golaha.

Hadaba dadka intii Riyaale kula socotay xisbi xisbi iyo dimuqraaddiyad, ha ku quustaan hana ogaadaan inuu maanta disturkii lagu doortay jabiyay . Intii kula socotay inuu dhisto digtaatooriyad ah kala qaybi kalana qabyaaladee , waxaan idin leeyahay habeen maydaan jirin, taas afweyne ayaanu hadh cad kaga saarnay dalka waligeedna dhici mayso in dimuqraaddiyadda dalku ay shakhsi ama beel midna aanu afduubi karin..

Maxkamad madax bannaan oo aan ahayn kuwan hadda jooga , ayaa lagu kala gar bixi doona marka wakhtigeedu yimaaddo, Riyaale dalkan inqlaab kuma qabsan sidii Siyaad Barre balse waa lagu saaray, ka xishoo dadkii ku saaray!

Maxamud Caydiid Lafcnbe
Toronto-Canada

No comments: