Sunday, December 04, 2005

WAR DEG DEG AH:Guddidii Golaha Guurtida Oo Ku Wergeliyey 82 Xildhibaan In Ay Maalinta Beritoole Ah Isku Yimaadaan Xarunta Golaha Guurtida

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 04 December, 2005
Hargeisa (Somaliland.org) Guddidii ku jiray Dhex Dhexaadinta iyo xallinta Khilaafkii soo kala dhex Gallay labada dhinac ee Golaha Wakiiladda 29 November, oo ay hormood u yahiin Guddoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal/Nuur) Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida Sh. Axmed Sh. Nuux Fure iyo Xaaji Cabdi Waraabe ayaa waxay caawa fiidkii ku wergeliyeen 82 Xildhibaan ee Golaha Wakiiladdu ka koobanyahay inay maalinta beritoole oo ah maalin Isniin ah Bishuna ku beegantahay 05/December/05, ay iskugu yimaadaan Hoolka Shirarka ee Golaha Guurtida.

Sidaasi waxaa Somaliland.org goor dhawayd u xaqiijiyey Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ah Guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee Golaha Wakiiladda loogu doortay Fadhigii 29 November, Mar aan Cabdi-casiis Maxamed Samaale weydiiyey in Kulankani ay yeelanayaan 82 Mudane iyo Guddida u xil saaran xallinta khilaafkani ee Golaha Guurtida loo ogolyahay Saxaafadda wuxuu ii sheegay inaanu hubin balse uu rajaynayo in loo ogolaado, balse wuxuu ii ballan qaaday Cabdi Casiis Maxamed Samaale inuu war siin doono Somaliland.org sida ugu dhakhsaha badanleh haddii aan kulankani loo ogolaan saxaafadda.

Dhinaca kale ayaan weydiiyey Cabdi-Casiis Maxamed Samaale cidda Guddoomin doonta kulankani wuxuuna ii sheegay in Kulankani maalinta beritoole ah lagu dhawaaqi doono natiijadii ay golaha Guurtidu xalkeeda wadeen.

N.B: Wixii Warar ah sida ugu dhakhso badan kala soco Somaliland.org

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
SOMALILAND.ORG, HARGEISA
Somaliland.org@gmail.com

No comments: