Monday, December 05, 2005

XAQBAA CADAALAD DHISA XALNA WUU DUMIYAA

Waxa ruux waliba qirayaa sida ay u tahay xaq cad oo biyo kama dhibcaan ah doorashadii lagu doortay shir guddoonka barlamaanka, waxay se dadka qaar qabaan in lagu noqdo iyadoo la raadinaayo xal. Waxa ayaan darro ah in hayaddii sharci dejintan loo maro qaab ka soo horjeeda distoorka ay saacado ka hor lagu dhaariyey.

Odayga wakiilada ugu dada weyne, waa nin aqoon diineed leh, hab dhaqan fiican inta aan ka maqlay, anigoo maalin keliya arkay oo uu aas oday weyne oo Cardiff ku geeriyooday noogu yimid waxa aan furayaa inaan u arkay nin akhlaaq fiican oo garaad wacan , haddana waxa aan xogwaraystay rag ku yaqiinay magaalada Sheffield. Waxa yaab ah, inuu xildhibaanku ahaa xubin ka tirsan xisbiga KULMIYE intii uu qorbaha joogay, weliba dalka ugu ambabaxay inuu isu taago doorashada isagoo KULMIYE ah, sida xaal isu bedelay waa naga qarsoontay.Arrintan se keli kuma aha oo ragga isbedelay waa badan yihiin, waana mid sharci ah oo u banaan . Waxa se nagu adkaatay waxa kelifay inuu gees maro distoorka dhaartiisa uu maray daqiiqado ka hor. Waana arrin saaxiibada yaqaan ay u liqi la'yihiin.Horee loo yidhi oday weyn iyo umulisaba siday wax u og yihiin uma sheegaan.

Waxa Wargeyska Haatuf ku soo baxaday maqaal lagu sheegay in odayga loo dhiibay warqad uu Wasiir Buuni iyo Cali Gabiilay u soo dhiibeen Xoghayaha Guurtida, taasoo lagu amray inuu degdeg u xidho. Odaygu waxuu iloobay in howshan distoorku isaga uun u dhiibay oyna ahayn inuu cidna ka amar qaato. Taana uu ku helay nasiib uu ku noqday odayga ugu dada weyn. Kaftana ha ahaatee, waxa la sheegayaa in rag kale oo ka da weyni jiraan bal se ay is yareeyeen. Haddaba iyadoo cimriga la ixtiraamaayo, marka uu kursiga fadhiistayna yahay nin xil cad u doooyeysrtay oon ahayn xisbi, hawsha doorashada shir gudoonkana ayna cidi uga sareyn, ugana hooseyn. Madaxweyne ma leh, talo xisbi ma leh, waa isaga oo u fududeeya una garsoora tartamayaasha yimaada,DEEDNA KUWA GUULEYSATA HANBALYEEYA UNA DUCEEYA, ISNA SACAB IYO ISTAAG LAGU SAGOOTIYO.Sharaftaas maanta odayga wey seegtay. Waxa se ka daran inuu dacwad u gudbiyo maxkamadda, isagoo isku magacaabay Guddoomiyaha ku meel Gaadhka ah. Meel distoorka iyo sharciga barlamanka ay kaga taalaa ma jirto. Waxaaba la leeyahay ma aha odayga ninka dacwadda furay, hase yeeshee aamuska odaygu waa calaamatul rida.

Waxa iyana yaab ah in dacwadda Maxkamadda Sare loo gudbiyey, soo saarto bayaan ay leedahay waxay go,aankeeda dib ugu dhigtay ilaa sabtida iyadoo sabab uga dhigtay in garyaqaankii eedaysanayaasha oo lagu sheegay inay yihiinn seddexda xildhibaan ee loo doortay shir guddoonka aanu iman lana doonaayo inuu yimaado sabtida.Haddaba waxa hadlay qareenkii maxkamaddu sheegtay oo ah Mohamed Jama, waxuuna sheegay inaanu marna qareen u noqon shir guddonka, welibana kolkuu arrintan maqlay ee uu weydiiyey shir guddoonku sheegay inayna dacwadba maqal loona sheegin , ee maxay QAREEN QABSADAAN. Haddana sabti dhammaatay waxba kama soo yeedhin Maxkamaddii, walow Guurtidu dalbatay in dacwadda laga soo saaro maxkamadda, haddana ma banaan hab dhaqanka maxkamaddu. Waxay ahayd inay war sabtida soo saarto, haba ahaato in dacwaddii laga noqday.SOMALILAANDEEY WAA TAAS MAXKAMADDII SARE.

Ammuurta waxa dhabta loo saaray Guurtida. Ma aha arrin distoori ah, haddana hadday tahay in ciddi sharciga jabinaysa in loo caqli celiyo, waa mid ummaddu u baahantay. Hadday se arrintu tahay xal dhexe oo lagu duudsiyo kuwa xaqa ku taagan, waa mid raad xumo un reebi doonta mustaqbalka oo furi doonta in mar walba laga hor yimaado distoorka, lana doono in lagu daweeyo hab dhaqan iyo muslax
Haddaba Guurtida si gaar ah Oday Sulayman oo inkastoo uu marar badan SHEEGTAY INUU YAHAY UDUB, haddana meel fiican oo adag oo danta dalku ku jirto istaagay, sidii sharcigii doorashada, waxa looga fadhiyaa inuu noqdo mid garta ku arooriya sharciga. Ha qiimeeyo in hay'addani tahay tii sharci dejinta oo ayna habboonayn in la jiifiyaana banaan boogteeda LAGU DAWEEYO.

Dhaqankeena ah xaq ma doonayno ee xalbaan doonaynaa, waa ka dhaliya in ninka reer nabada ku soo duula, ee duulaankaas cid lagaga dilo,isaga mag iyo garba la siiyo. Waa ka qaba in ninka garta leh, ee la qaban karo, la duudsiyo, iyadoo la leeyahay adigaa noo qabsoomi kara. Maanta waa in taas laga koraa, haddii kale murankani waa bilow, waxuuna noqon doonaa mid joogta ah, oo curyaamiya golaha 14ka sano la sugaayey.Ha la qabsado tiirka distoorka iyo sharciga, oo ha lagu badbaadiyo mustaqbalka dalka.

Bal aan dhinac kale eegee. Madaxweynahu qudbad ayuu akhriyey dheer oo wax badan tilmaantay. Waxa nin aan saaxiib nahay oo naqdiya siyaasadda, ii tilmaamay in qudbaddu ahayd mid ku wanaagsanayd in loo akhriyo golaha fulinta. Waan akhriyey, waanan ku raacay. Golahan waxa ay ahayd in tahniyadda la raaciyo waxii shuruuc ah ee dawladdu u diyaarinayso dalka. Waxa Madaxweyne akhriyey waxqabadkii uu uga baahnaan wasiiradiisa,kolkaasuu weliba ka dalbaday inay hawshan wax kala qabtaan., oo mecnaheedu yahay labadii Gole ee la kala ilaalinaayey oo isku milma. Waxqabadka wasaaradaha waxaa leh isaga iyo golihiisa fulinta. Waxay ahayd inuu hawshaas u diro wasiiradan shaqo la'aantu ka dhigtay qaar ku foognaada hawshii barlamaanka. Waa inuu amraa inay fuliyaan,daba galaa, kula xisaabtamaa oo uu ku abaal mariyaa, iyana ogaadaan in la dabo joogo, falkoodana ay ka heli doonaan waxuu u qalmo, dhib iyo kheyrba.

MADAXWEYNE RAGGAN HAWL GELI OO KA SHAQAYSII, KA NASI UMMADDAN AY KALA FOGAYNTA IYO ISKU DIRKA KULA DHEX JIRAAN. IYAGANA WAA U SHARAF UMMADDANA WAA U GUUL EE DHABTA KA SAAR BARNAAMAJYADA KU JIRA QUDBADAADA DADKU AAD U JECLAYSTAY.WAA GUUL AAD DHALIN KARTO KUNA FAANI KARTO. .

Mid kale waa iga su'aal, maxaa dawlad iyo mucaaridba loo iloobay inanka yar ee ku dhintgay mudaharaadkii ardayda. Maxaa loo qiimeyn layahay nafta muwaadinka ee ILLAAHAY quraanka ku qiimeeyey, distoorkeenuna ku nuux nuuxsady. Maxaa loo qaban layahay boliska kuwa xun ee keebka farta kula booda marka candhuuf lagu tufo, amba dhagax iyo ciid dhankooda loo soo tuuro.

Ugu dambeyn, waxa la yidhi dawladdu WAXAY OGOLAATAY IN AXMED WASHINGTON DIB UGU SOO NOQDO ISAGOO KA WAKIIL AH URURKA YURUB. WAA KARAAMO DARRO IN AY DIB U OGOLAATO NIN AY KU TILMAANTAY INUU YAHAY CADOWGA JIRITAANKA SOMALILAND.HADDABA WAXAA IS WEYDIIN LEH.MA DAWLADDAA KA RAALI AH INAY GOGOSHA U FIDISO CADOWGA SOMALILAND MISE ARRINTU WAXAY AHYD BEEN AAN RAAD LAHAYN OO LA XANBAARIYEY WASHINGTON IYADOO LAGU QARINAAYEY CADAAWAD SHAKHSI. MEEDAY SE MALAAYIINTII WASIIRKA QORSHEYNTA UU YIDHI AXMED WASHINGTON AYAA LUNSADAY. AAN INTAAS KU DHAAFO ANIGOO MAR KALE BOOQAN DOONA ARRINTAN.

Haddaba waa inagoo u diyaar ah inaynu afka Oday Sulayman ka maqalno go'aan cad oo ku dhisan distoorkeena, una hiiliya xaqa oo ah kan inoo horseedi doona qaran ku dhisan sharci iyo distoor. Waxa ballanku yahay isniinta 5ta Disember 2005, iyo Golaha Guurtida. Waa fursad shacbi weyne ku qiimeyn doono Guurtida, oo la ogyahay inay hor iman doonaan dadweynaha muddo sanad ka yar.Ha noqdaan qaar qabsada tiirka sharciga oo ah kan qancin kara dadweynaha Somaliland.

HA GUULAYSTO XAQU. AYNU DHISNO QARAN KU DHISAN SHARCI IYO DISTOOR.




Ahmed Arwo, Cardiff, UK


ahmed_arwo@yahoo.co.uk

No comments: