Monday, December 12, 2005

WASIIR KA MID AH WASIIRADA SOMALILAND OO LOOGA YEEDHAY MAXKAMAD KU TAAL INGIRIISKA!!!!

Wasiir ka mid ah wasiirada Somaliland ayaa si kedis ah waxaa lagu war helay in laga doonayo dalka Ingiriiska si wax looga waydiiyo lacag aad u badan oo uu ku shubtay accoount uu leeyahay Inaadeerkii oo degan dalka Ingiriiska Akoonkiisa, ka dib markii ay hay,adaha ku shaqo leh lacagaha sida qayr sharciga loo soo geliyo ay Inaadeerkii su,aalo waydiisay, uuna cadeeyey in uu leeyahay wasiir ka mid ah wasiirada Somaliland. Inkastoo aanay cadayn cadadka lacagta iyo xadkeeda hadana waxaa la sheegayaa in ay tahay lacag lagu qiyaasayo £400.000 lacagta Ingiriiska ah.

Arrintan oo badiba dadka jaaliyadda Somailland ee Ingiriisku markii ay ogaaden ka xanaaqen, lunsashada iyo ku takri falka xoolaha ummada ayaa laga baqayaa in ay ku keento wasiirka Inaadeerkii dhinaca xukuumada Ingiriiska baadhitaano balaadhan oo la xidhiidha lacagaha ay isu diraan Argagixisadu oo lacagtaas ay soo boobeen salka loo saaro, , taas oo fadeexad ku noqonaysa dawladda iyo dadka Somaliland ee uu masuulkanni u adeego, wakhtigan loo faydan yahay sidii loo keeni lahaa Ictiraaf buuxa oo dalku helo.

Waxaanu wakhtigan ka cudurdaaranaynaa in aanu labada magacyada Wasiirka iyo Inaadeerkii midna shaacino, ka dib markii aanu xidhiidho la samaynay qareenkii eedaysanayaashaas oo noo sheegay in aanu weli baadhitaankaasi gebogboobin shaacinta magacyadaasina ay noqon karto mid ka dhan ah hab dacwadeedka kiiskan.

Xilligan oo oo Madaxweynaha Somaliland sida uu sheegay ku mari doono socdaal ictiraaf raadin ah iyo ilka samaysasho dalal Yurub ah, ayaa hadalhaynta boobka ummada Somaliland iyo dacwadaha ku oogan wasiiarada ee hanti lunsashadu tahay mid walaac weyn ku abuuri karta Madaxweynaha, waxaase looga baahanyahay in uu Wasiiarada u jooga in ay sumcada ummada iyo adeegyada bulshada laciifiyaan wax sida ugu dhakhsaha badan ka qabto.

waxaanu idiinku balanqaadaynaa in todobaadada soo socda aanu idiin soo gudbin doono magacyada shakhsiyaadkaas dawcadu ku socota ee Wasiirka iyo Inaadeerkii.

Source Somalilandfuture

1 comment:

Anonymous said...

Imaan laawayaasha ha laga soo gaadho Waddanka, intaanay islaamaha furan faraq-yadoodda.