Thursday, December 08, 2005

Madaxweyne Rayaale Oo La Filaayo Inuu Isku Shaandayn Iyo Bedelid Ku Sameeyo Xubno Ka Tirsan Golahiisa


Madaxweyne Rayaale Oo La Filaayo Inuu Isku Shaandayn Iyo Bedelid Ku Sameeyo Xubno Ka Tirsan Golahiisa Wasiiradda.

Warar lagu kalsoonyahay oo aad ugu dhaw dhaw Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u xaqiijiyey Somaliland.org, in Madaxweyne Rayaale laga yaabo dhawaan inuu Shaandhayn ku sameeyo Golahiisa Wasiiradda Qaar ka tirsan,warkani ayaa wuxuu sheegaya in Madaxweynahu qaar ka tirsan Golahiisa Wasiiradda uu isku bedeli doono, qaarkoodna uu meesha ka saari doono.

Wararkani ayaa waxay intaasi ku darayaan in Jagooyinka Golaha Wasiiradda kuwa ugu muhiimsan qaar ka mid ah laga bedeli doono Xubnaha hadda Wasiiradda ka ah, Wasaaradahaasi oo ay ka mid yahiin, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Wasaaradda Qorshaynta Qarranka.

Wararkani ayaa waxaa kale oo ay sheegayaan in Isbedel lagu samayn doono Wasiiradda kala ah: Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha, Wasiirka Caafimaadka, iyo Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta.

Isbedelkani ayaa la filaya in Madaxweynahu ku dhaqaaqi doono Muddo kooban oo aan la cayimin ka dib, wararka qaarkood ayaa sheegaya in Madaxweynaha oo la filayo inuu safar ugu baxo Dalka Dibadiisa, safarka ka dibna uu isku shaandayntani samayn doono, wararka qaarkoodna waxay sheegayaan inuu Madaxweynahu hadda ku tallo jiro inuu ku dhaqaaqo Hawshani isku shaandaynta Golahiisa Wasiiradda.

Wararkani Xogogaalka ah ee aanu hellay ayaa waxaa kale oo ay sheegayaan in aanu Madaxweynahu kaga soo dari doonin ama u magacaabi doonin jagooyinka Golaha Wasiiradda xubno ka tirsan Mucaaridka, balse loo magacaabi doono Xubno Xisbiga UDUB ka tirsan.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa waxay wararkani sheegayaan inuu isagu ku negaan doono oo aanu ku jirin Wasaaradaha isbedelkani saamayn doono Wasiiradiisa.

Source: Somaliland.Org

2 comments:

Ahmed Quick said...

Waa tijaabo.

Anonymous said...

Halkaa ka wad shaqada wanaagsan.