Sunday, December 11, 2005

Radio Horyaal iyo Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Sidda aynu ka war qabno, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md: Daahir Rayaale Kaahin, oo ay wehelinayaan Wasiirkiisa Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Ducaale, iyo Xoghayntiisa gaarka ah Axmed Daahir, ayaa safaro ugu kala baxaya Wadamo yurub ka mid ah.

Socdaalkan oo uu Madaxweynahu ku tilmaamay inuu u tagayo arimo caafimaad, isla markaasna aanay ka maqnayn waa sida uu hadalka u dhigaye ' Hawl Qarraneed?'. Warar aanu ka soo xiganay ilo ku dhow dhow Xukuumadda ayaa iyana tilmaamaya in sababaha Wasiirku Warfaafintu ugu wehelinayo Madaxweynaha safarkiisan ay tahay inay kala hadlaan Dawlada Belgiumka siddii loo xidhi lahaa Radio Horyaal oo Xukuumadda Riyaale u aragto inay tahay mid qayrul sharci ah sidda la leeyahayna taala Waddanka Belgiumka.

Haddaba, Xukuumadda Riyaale iyo Wasiiraddiisu waxay wali u hanqal taagayaan siddii ay u hareer mari lahaayeen sharciga waddanka u yaala iyo waxa dastuurku ka leeyahay. Wasiirka Warfaafinta oo sidda wararku sheegayaan la leeyahay, Dawladda Belgium-ka ayuu ka codsanayaa inay joojiso kana mamnuucdu Radio Horyaal inay ka soo gudbiso wararka waddankooda, ayaa ah arin lagu qoslo, oo ku tusaysa in aanu wasiirkuba fahansanyn waxa sharcigu siinayo iyo waxa aanu siinayn.

Dastuurka Somaliland Qodobkiisa 32aad, Faraqiisa 3aad ee SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE ayaa wuxuu qorayaa sidan:

'Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra'yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya'.

Haddaba haddii qorshaha Madaxweynaha uu Wasiirkiisa Warfaafintu ugu wehelinayo ay tahay inay ka hor yimaadaan dastuurka, waxaanu leenahay waa inay si dhakhso ah Golaha Wakiiladda ee sida sharciga ah lagu soo doortay ay ka hadasho una hogaamiso Xukuumaddan hogaanka goosatay inay ku dhaqanto dastuurka, lana mariyo haddii ay ka waantoobi waayaan sharciga waddanka u yaala.


Allaa Mahad Leh.

Ahmed Hassan Ahmed 'Quick'

Ottawa-Canada

No comments: