Monday, December 12, 2005

UNICEF OO TABABAR KA JOOJISAY GABADH DIFAACDAY JIRITAANKA SOMALILAND

UNICEF OO TABABAR KA JOOJISAY GABADH DIFAACDAY JIRITAANKA SOMALILAND

Hargeysa(Sooyaal)- Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhallaanka ee UNICEF, ayaa ka joojisay Marwo Faadumo Xasan Xirsi inay ka qayb gasho tababar ku saabsan wax qabadka dadka dagaalada ku baro kacay, oo Ururada Bulshada Rayidka ee Somaliland iyo Soomaaliya uga furmaya Maanta Magaalada Hargeysa. Tababarkan oo ay qabanqaabadiisa leedahay hay’adda UNICEF, sababata Marwo Faadumo oo ka socotay Ururada Bulshada Rayidka Somaliland looga joojiyay ayaa salka ku haysaa hadal soo jeedin ah oo Marwo Faadumo ka sheegtay tababar kan ka horeeyay oo ka dhacay dalka Yugaandha, kaas oo ay si cad u qeexday in Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dal oo kala madaxbanaan.

Ka dibna waxa hadalkaas Marwo Faadumo ka cadhooday dadkii ka socday dalka Soomaaliya, kuwaas oo dacwad Faadumo ka dhan ah oo ay kaga soo horjeedeen Somaliland u gudbiyay Hay’adda UNICEF. Marwo Faadumo Xasan Xirsi, oo shalay u warantay Weriye Jamhuuriya ka tirsan waxa iyada oo ka hadlaysa sababta keentay in Tababarka laga reebo ay tidhi “Aniga oo Tababar kan hadda la xidhiidha u jooga dalka Yugaandha, ayaa nin Diini la yidhaahdo oo ka socday dalka Soomaaliya meel kulan ah uu ka yidhi ‘Waxaanu nahay dad ka socda Soomaaliya’ dabadeedna intaan adkaanay waayay ayaan idhi ‘Malaha Walaalkay wuu khaldamaye waxaanu ka kala soconaa Somaliland iyo Soomaaliya oo kala ah laba wadan.

Dabadeedna aad ayay dadkii Soomaaliya ka socday uga cadhoodeen inaan dalkayga Somaliland sheegto, waxaanay ku noqotay dacar dabadeedna UNICEF ayay iga dacweeyeen, waxaanay UNICEF la igaga yidhi waxaad noqotay qof siyaasi ah Waxaan UNICEF, ku idhi siyaasiyad ma ihi, laakiin waxa la ii diidanyahay inaan sheegto dalkayga Somaliland.” Waxa ay sheegtay in go’aanka tababarka lagaga reebay uu shalay ku soo wargeliyay Sarkaalka u sareeya Xafiiska qaybta Carruurta Hay’adda UNICEF ee Magaalada Hargeysa oo magaciisa la yidhaahdo Ciise Nuur, waxaanay tidhi, “Waxa saaka[Shalay subax] ila soo hadlay ninka haysta qaybta carrurta ee Xafiiska UNICEF ee Hargeysa oo igu yidhi, ‘Faadumo tababarkii waanu kaa reebnay’, waxaanu igu yidhi ‘arrimo siyaasi ah ayaa lagagu reebay.” Marwo Faadumo Xasan Xirsi, waxa ay intaas ku dartay, “Waan dareemayay inay I dhibaataynayaan dadkaas Soomaaliya ka socday markaan sheeganayay Somaliland, laakiin damiirkayga ayaa I siin waayay inaan dalkayga dafiro oo aan lacag yar dhaafsado”.

Waxa ay sheegtay inaanay filayn in inta dad Soomaaliya ka socdaa ay ku dacweeyaan Somaliland ayay u doodaysaa haddana tababar loogu qabto Magaalada Hargeysa, “Marnaba ismaan lahayn kuwii[Soomaalida] I dacweeyay ee Somaliland igu nacayay ayaa inta tababarkii Hargeysa looga furo adigana lagaa reebi doono” ayay hadalkeeda ku soo koobtay Faadumo Xasan Xirsi.

Waxa isa soo taraya muran ka dhex jira ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland iyo Soomaaliya, iyada oo ismaandhaafka ugu wayn uu ka taagan yahay halbeega waxqaybsiga u ah ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo ururada Soomaaliya ka socda qabaan in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya sida ka muuqatay kulankii ururada aan dowliga ahayn ee Somaliland iyo Soomaaliya ay bishii la so dhaafay ku yeesheen magaalada Hargeysa, kaas oo uu ka dhashay muran iyo isfaham la’aan ururada d hexdooda ah, iyada oo golaha guurtiduna u xilsaaray guddi gaar ah oo soo baadha sababta keentay in murankaasi yimaado.

wariye maxamed axmed caloolay'
hargeysa somaliland.sooyaal.com

No comments: