Sunday, December 04, 2005

Shir-Gudoonkii 29ka bishii November dhacay ma sharci buu ahaa mise qayrul sharci?

Shir-Gudoonkii 29ka bishii November dhacay ma sharci buu ahaa mise qayrul sharci?

Sida uu qeexayo dastuurka Somaliland, qodobkiisa 44aad faraqyadiisa kala ah; 2,3, iyo 4aad-ba waxay bayaaminayaan in sifaha ay ku doorteeyeen xildhibaanadii ku guulaystay aqalabiyada, Golaha Wakiiladdu inuu ahaa mid xalaal ah uuna baneeyey dastuurka Somaliland.

Haddaba, ka dib markii ay qabsoontay doorashadii Madexweynaha lagu dooranayey, ee ay u loolamayeen saddexdii Xisbi ee ku guulaysatay inay noqdaan saddexda Xisbi ee sida sharciga ah uga diiwaan gashan Somaliland, isla markaana uu u baneeyey sharciga waddankuna inay ka qayb qaataan loolanka siyaasadeed marba heerka uu joogo.

Waxaynu ogayn mashaqooyinkii iyo misiibooyinkii ka dhacay iyo sidii loogu tafrigalay Codadkii ay ummadu kala siisay xisbiyada ay kala raaceen. Waxaa ah mid lama ilaawaana sidii ay xukuumadda talada haysaa u adeegsadeen hantidii waddanka iyo hayadahiisa kala duwan. Waxaa ah mid aan laga tagi karayn sidii ay u fara-galiyeen komishinkii dalka, isla markaasna ay u isticmaaleen Maddax dhaqameeddii waddanka.

Dastuurka Somaliland wuxuu qorayayey in aanay Xukuumaddu u adeegsan hayaddaha waddanka si ka baxsan sharciga waddanka u yaala, qayb waddaagna la yeelato xisbiyadda qaranka ee ku guulaystay loolankii kala saarista xisbiyadda.

Boobkii ka dhacay doorashaddii Madaxweynaha waynu wadda ogayn. Siddii ay ka yeeshay Maxkammadda Waddanka, iyo Golaha Guurtiduba waynu ka wadda dhergsanahay, maantana arinkii iyaga ayuu hor yaalaa, halkay hore wax u mariyeena waynu ogsoonahay.

Haddaba, maantana oo tii hore sii qoyantahay, cidda faraha ku haysaana tahay isla qolooyinkii horeba xaqdarada iyo ducu qaadashada ku caanka ahayd, ayaa faraha arinkan aloosmayna ku haya, siddee markaa lagu aamini karaa? Miyaa la odhan karaa tan ayey daacad ka noqonayaan? Iyadana taariikhada ayaa sheegi, oo meel bay ku qornaan, haddii ay mar labaadna iska idho tiraan distuurku sidda uu qorayo.


Haddii ay hayaddaha waddanka ka jiraa moodeen in xalaal tahay la shaqeenta Xisbi xaakimka waddanka taladiisa gacanta ku haya, dastuurkana lagu tunto, siddee lagu aaminayaa inay noqdaan qaar ka daacad ah inay dhexdhexaad ka noqdaan arimahan aloosan iyo arimaha kale ee la soo darsa?

Xisbiyadda mucaaradka ahi waxa uu dastuurku siiyey, marka ay hantaan, helaana inay noqdaan Xisbi waddani ah inay yeeshaan guno joogta ah oo uu dastuurku siinayo, tiina ilaa iminka ayey sugayaan, Xisbiyadda mucaaridkuna ummaddoodii dooratay umay cadeyn sababtay ku dhacday arinkaasi. Danbigiisana iyagaa leh, in la deedaafsiiyo wax kastoo ay xaq u leeyihiina iyagaa isagu wacan, dadkii soo doortayna gacanta iyo dhabanka ay wali isku hayaan, iminkana tan cakirani waxay ku sii noqtay dhabano hays.

Xisbi-dowle Udud waxuu ummadda ku maaweeliyaa haddii lay raaciyi waayo nabadgelyada waddanka ayaa khal-khal galaysa. Mucaaradkuna ismay waydiin cidan ku soo duulaysa ee xukuummaddu sheegayso waa tuma? Taasina waayaheeda ayey leedahay.

Waxaan ku soo gunaanadayaa, in asxaabta mucaaridka ahi aanay marnaba ka noqon waxa uu dastuurka lagu soo doortay qorayo, aanayna marnaba ka yeelin in maddaxa loo salaaxo oo ay hareer maraan dastuurka. Haddii taasi dhacdo ummaddii ay balanka la galeen way kaga baxeen ayey ka dhigantahay.

Ahmed Hassan Ahmed ‘ Quick ‘

Ottawa-Canada
waridaad@yahoo.com

No comments: