Sunday, February 19, 2006

War Deg Deg Ah: Madaxweyne Rayaale Oo La Filaayo Inuu Socdaal Kadis Ah Ku Tego Dalka Maraykanka, Waa Maxayse Ujeedada Socdaalkaasi?

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 19 February, 2006
Hargeisa (Somaliland.org) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Daahir Rayaale Kaahin ayaa la filayaa inuu safar kadis ah dhawaan ugu kicitimo dalka maraykanka.

Sidaanu ku helayno warar lagu kalsoonyahay oo xogogaal ah oo ay si wada jir ah ugu duurgalleen Televisionka Madaxa Bannaan ee Somalililand (SLTV) iyo Shabakadda Somaliland.org ayaa sheegaya in safarkani Madaxweynahu uu laba arrimood iskugu jiro waa midda koobaad eh wuxuu safarkani ku qotoma wada hadalo horleh oo bilaabmaya Madaxweynaha iyo Shariikad la sheegay inay la wareegayso Isgaadhsiinta dalka oo la yidhaahdo Digital Transcom Inc (TDI), iyo arrinta labaad oo ah arrin caafimaad oo aan la shaacin sida ay tahay.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka maraykanka oo aanu wax ka weydiinay safarka Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyey Somaliland.org iyo televisionka Madaxa Bannaan ee Somaliland inaanu habayaraate waxba kala soconin safarkaasi Madaxweynaha, balse mar danbe ayaa waxaa warar xogogaal ahi noo cadeeyeen in Fiisada (Visa) Uu Madaxweynahu ugu kicitimaayo dalkaasi maraykanka ay shariikadda TDI usoo saarayso.

Wixii warar ah ee arrintani ku soo kordha sida ugu dhakhsaha badanleh ula soco.

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)Somaliland.org

Information Center, Hargeisa

Somaliland.org@gmail.com

No comments: