Guddida Dhaqaalaha Wakiilada Oo Daaha Ka Fayday Gol-daloolooyinka Miisaaniyadda 2006 Iyo Wasiirka Maaliyadda Oo Olole Ka Dhex Bilaabay Mudanayaasha ay isku Beesha ka soo wada jeedaan.
Haatuf — Hargeisa, Somaliland — 28 February, 2006
Guddida Dhaqaalaha Wakiilada Oo Daaha Ka Fayday Gol-daloolooyinka Miisaaniyadda 2006 Iyo Wasiirka Maaliyadda Oo Olole Ka Dhex Bilaabay Mudanayaasha Golaha
"Waxaanu in badan ku cel-celinay wasaaraddamaaliyadda iyo hanti-dhawrkaba in laga soobaxo waajibka distooriga ah ….
Waxa HalkanIsdaba-yaalna Waa Laba Mala-Awaal”
Hargeysa, February 26, 2006 (Haatuf) – Guddi-hoosaadka arrimaha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ayaa daaha ka-fayday gal-daloolooyin ay sheegeen inay ku jiraan Miisaaniyadda 2006 ee Xukuumaddu golaha hor keentay, taas oo ay ku tilmaameen inay dib uga dhacdo waqtigii ku talo-galku ahaa inay golaha soo hor dhigaan.
Guddidu waxay sidaas ku sheegtay war-bixin hordhac ah oo uu shalay gudoomiyaha guddigaasi ka hor akhriyay fadhigii golaha wakiilada, isagoo gudodomiyuhu codsaday in muddo toddobaad ah oo kale la siiyo guddida, si ay u soo dhammaystiraan daraasadooda miisaaniyadda, kadib ay Sabtida toddobaadka dambe ay golaha soo hordhigi doonaan go’aamadooda iyo talo-bixintooda kama-dambaysta ah, isagoo isla markaana gudoomiyuhu xusay inay masuuliyiinta xukuumadda ee ay khusayso arrinta miisaaniyaddu ka dalbadeen inay u soo gudbiyaan waxyaabaha ay u arkeen inay ka dhimantahay miisaaniyadda.
Hase yeeshee warbixintan guddidu ayaa la sheegay inaanay u cuntamin Masuuliyiinta sare ee xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Cawil Cali Ducaale, oo sida ay sheegeen warar xog-ogaal ahi isla shalay olole ka dhex bilaabay Mudanayaasha Golaha Wakiilada.
Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada, Mudane Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar-Xaashi ayaa warbixintiisa uu ka akhriyay fadhigii shalay oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu ku bilaabay: “Miisaaniyadani waxay inta badan ka kooban tahay Odoroska Kharashka iyo dakhliga sannadka soo socda, iyada oo laga duulayo kharashkii iyo dakhligii sannadkii hore la galay oo aan laga duulayn. Laba mala-awaal ayaa horta la soo dhigaa miisaaniyada, waxa lagu muujiyaa miisaaniyada siyaasada guud ee dhaqaale ee ay xukuumadu ka leedahay miisaaniyada, siyaasada ay xukuumadu ka leedahay lacagta adag iyo sarifkeeda. Waxa kaloo lagu muujiyaa lacagta dalka wareegaysa ee dalku leeyahay, waxa lagu muujiyaa wixii mashaariic horumarineed loogu tallo-galay sannadkaa. Waxa kale oo iyana khasaba inay ka muuqato daynta qaran oo ay ku jirto si ay dadku u ogaadaan waxa lagu leeyahay.
Miisaaniyada 2006 ee aan halkan ku hayaa waxaad moodaa inay ku kooban tahay kharashka la geli doono oo wasaaradaysan oo uu aad ugu badan yahay, dakhligana ay hal xaashi ahi ay ka hadlayso, wixii kalena aan wax laga odhan, waxna aan laga taaban. Waxa kale oo loo baahan yahay in la keeno xisaab-xidhkii sanadkaa ka horeeyey oo noqonaya 2005-kii oo ay ahayd ugu dambeyn in la keeno bishii June ee 005-tii, iska daa xisaab-xidhkii 2004, waxaa maqan kii 2003 oo waxa maqan xisaab-xidhkii 2002-dii, waxa kale oo had iyo goor la keenaa wixii suura-geliyey dakhliga hore oo noqonaya kii sannadkii hore ee 2005-tii.
Waxa arrimaha caddaynaya qodobka distoorka ee 55-aad, faqradiisa 6-aad in la keeno xisaab-xidhka sanadkaasi markuu dhamaado, Lix bilood ka dib, ilaa imikana ma hayno, waraaqo badana waanu u qornay, imikana wali balan baanu sugaynaa, waxna lama qaadi karo, hadaan la helin xisaab-xidhkii sannadkii hore wixii suurta-geliyey.
Laba mala-awaal lagama duuli-karo, waxaa halkan is-barbar yaalaana waa laba mala-awaal 2006 iyo 2005 oo lays-daba dhigay, waxa kaloo naga maqan shaqaalaha guud, tirada guud ee ciidamada iyo waxa ay darajadoodu kala tahay iyo wasaaradaha ay la shaqeeyaan midna ma hayno, iyana waxay ahayd inay ku jirto miisaaniyada. Marka aad u fiirsato miisaaniyadii 2005-tii waxa ay lahayd waxyaabo badan oo ka maqan miisaaniyada sannadkan, kuwaas oo ay ka mid tahay dakhliga waaxda kastamada oo deegaamaysan, waaxda cashuuraha bariga oo deegaamaysan, dakhliga wasaaradaha iyo hay’adaha oo deegaamaysan, shaxda guud ee dakhliga miisaaniyada dawlada dhexe oo degaamaysan. Intaa midkoodna kuma jirto 2006-da, iyada oo ay intaas oo dhami ay mudan yihiin in miisaaniyada la darso ayay meesha ka maqan yihiin.
Waxa aanu in badan ku cel-celinay wasaarada maaliyada iyo hanti-dhawrkaba in laga soo baxo waajibka distooriga ah oo la keeno wax lagu darso oo lagu sameeyo miisaaniyada sannadkan, lana horkeeno. Waxa golaha la horkeenay miisaaniyada sanadkan bishii February ee 2006, waxa ay ahayd in bishii October miisaaniyada loo keeno baarlamaanka, waxa muuqata in la keenay miisaaniyada bishan February ee socota, Hase yeeshee waxa uu distoorku fasaxayaa in lagu dhaqmo miisaaniyadii hore inta laga keenayo miisaaniyada cusub, wakhtigaa ma xadidayo distoorku, laakiin xeerarka maaliyaddu (Financial Regulation) ilaa saddex bilood ayuu ku shaqeeyaa, iyada oo intaas oo dhami ay naga maqan tahay si gudidu ay xogo uga hesho xogo arimahaa ku saabsan waxa aanu socdaalo ku tagnay magaalada Berbera iyo kastamka kala-baydh, waxaananu cid u dirnay magaalada Burco, Ceerigaaboi, Saylac iyo Booramana way noo hadhsan yihiin, goobaha aanu Berberaka tegnayna waxaa ka mid ahaa dekeda, kastamka, shirkada Total, wasaarada ganacsiga ee gobolka, wakaalada biyaha iyo wasaarada xanaanada xoolaha ee gobolka Saaxil, Hargeysana waxaanu kulano la yeelanay wasaarada maaliyada, wasaarada ganacsiga, duulista hawada, boosaha iyo isgaadhsiinta, xanaanada xoolaha iyo kastamka kala-baydh, iyada oo aad garan kartaan muddada ay hawl-galadaasi qaadan karaan, waxa imika noo taala inaanu darisno wixii xogo, iyada oo ay wali muhiim tahay inaanu helno xisaab-xidhyada. Waxaanu isku daynaynaa, iyada oo uu dadku deg-degsanayo goluhuna uu kala jecelyahay inuu hore wax iskaga dhameeyo in hadii la yidhaa wax iska dhameeya in muddo todobaada ilaa sabtida miisaaniyadii oo aanu soo darisnay aanu keeno, go’aanada aanu gaadhnay iyo wixii talo-bixin ahba inaanu golaha horkeeno, sidaasaanu balan-qaadaynaa, idinkoo nagaga raaliya anagu ismaba lihin waad-raagteen, waxaa u sababa anagoo wixii aanu doonaynay aanaan weli helin, sidaana aad nagu ogaataan” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay gudoomiyuhu.
Dhinaca kale, ololaha la sheegay in Wasiirka Maaliyaddu ka dhex bilaabay mudanayaasha Wakiilada, ayaa ujeedadiisa lagu tilmaamay mid uu doonayo inuu ka hortago gal-daloolooyinka ka muuqda miisaaniyadda ay wasaaradiisu golaha horkeentay, taas oo macnaheedu yahay inuu aqlabiyad ka helo mudanayaasha si ay meel-mariyaan miisaaniyadda xukuumadda. Iyadoo wararkaasi intaas ku daray inuu wasiirku ololihiisa ka bilaabay Mudanayaasha isku Beesha ka soo wada jeedaan, kuwaas oo la sheegay inuu ka dalbaday inay maanta ahaan kulan isugu yimaadaan.
Arrintan u dambaysay ayaa qayb ka ah olole balaadhan oo ay xukuumaddu ugu jirto sidii ay u meel-marin lahayd miisaaniyadda sannadkan, iyadoo ay hore isugu dayday mudanayaasha guddida dhaqaalaha inay ku qanciso horgeeyaan warbixin aan carqalad ku keenin ansixinta miisaaniyadda. Hase yeeshee isku daygaas ayaa la sheegay inay si kulul Mudanayaashu ugu gacan-saydheen.
“Wasiirku [Cawil] markuu nagala quustay wax kale, ayuu imika arrinta u rogay dhinicii Beelaha, taas oo aan qabo inuu fashilaad kala kulmi doono, waayo, baarlamaankani ma aha kii hore ee dheemaal iyo beelo lagu beer-laxowsan jiray, ee waxaanu nahay Mudanayaal ummaddii soo dooratay u shaqaynaya.” Sidaasna waxa yidhi Mudane ka tirsan wakiilada oo ka cudur-daartay in magaciisa la sheego.
No comments:
Post a Comment