

Hase yeeshee waxa loo malaynayaa in shirkaasi lagaga hadlayey olole ka dhan ahaa gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo ku saabsanaa mooshin dhicisoobay oo la isku dayey in xilka lagaga qaado guddoomiyaha mudadii uu ku maqnaa xajka.,Mooshinkaas oo la sheegay in ay wada wadeen xubno ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida, xoghayaha golaha guurtida Cabdillaahi Dheere iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin.
Waxaana warar xogogaali sheegayaan in shirkan aan caadiga ahayn uu isugu yeedhay gudiga joogtada ah gudoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan si uu wax uga weydiiyo mooshinkaasi dhicisoobay. Dhinaca kale guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa la sheegay in uu khilaaf ba’ani ka dhex aloosan yahay, inkasta oo aan si rasmiya daboolka looga qaadin warkaa haddana waxay ilo xogogaali sheegayaan in khilaafkani ka dhashay ka dib markii ay isku maandhaafeen xeerka lagu soo dooranayo golaha guurtida oo la sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin uu u soo jeediyay gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan in muddo sannad ah loo kordhiyo wakhtiga golaha guurtida oo iminka dhamaad ah.
Waxaana la sheegay in labadaasi masuul ay isku maandhaafeen arrimahaasi ka hor intii aanu u amba bixin xajka gudoomiyaha golaha guurtidu.
Liibaan Maaweel Shire
Somaliland Today Correspondent
Hargeisa, Somaliland.
No comments:
Post a Comment