Saturday, February 25, 2006

"Haddaba Udub Waxaan Uga Tegey Intaanan Sheegin Waxaan U Galay Aan Sheego” Cabdilahi Geerljire Oo Ay Waraysatay Shabakada Somaliland.org

“Xisbigii UDUB markii uu guulaha isdabajoogga ah helay uu laba garab noqday. Garab jecel in nidaamkii xisbi lagu socdo oo dalka ballanqaadadii loo sameeyay lagu fuliyo iyo garab danysi shaqsi iyo horumarinta naftooda u heegan ah. Markaa waxa naga adkaaday kuwii naftooda iyo dantooda u heelanaa” Sidaa waxaa yidhi Cabdilahi Geerljire oo ay waraysatay shabakada Somaliland.Org

Waxaa u suurto gashay shabakada Somaliland.Org in ay waraysi dhinacyo badan leh ka qaadno siyaasiga Cabdilahi Geeljire. Cabdilagi Geeljire, oo lagu tilmaamo raga xaga hore kaga jira siyaasada Somaliland, iminka ka mida madaxda sar sare ee Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE. Ayaa su’aashaayadii ugu horaysay ee aanu waydiinay ay u dhacday sidatan.

S) Dhawaan waxaa dalka Jarmalka safar ugu joogay in mudo ah madaxweynaha Somaliland mudane Dahir Riyaale Kaahin. Madaxweynihu mar wax laga waydiiyay socdaalkiisaa intii aanu dalkii ka soo bixin, waxa uu saxaafada markaa ku war galiyay in socdaalkiisu la xidhiidho arimo diblomaasiyadeed iyo isaga oo xaga ilkahana markaa daryeel caafimaad ka raadsan doona halkaa. Waxaase dhacday in madaxweynahu mudo labo bilood ku dhow halkaa ku sugnaa. Wakhtigii uu dastuurka dalku u dhigayay in uu dalka ka maqnaadana oo ahayd 45 cishana uu markaa dhaafay. Ilaa iminkana waxaa soo noq noqonaysa war sheegaya in madaxweynahu dhawaan mar danbe xaalad caafimaad u socdaal ugu soo bixi doono dibadaha. Arintaa siday kuula muuqatay adiga.

J. Marka u horreysa waan idin salaamayaa dhamaan bahda Somaliland.org waxaanan idinku mahdnaqayaa dadaalkiina saxaafadeed ee u adeegaya bulshadeena.Marka labaad Madaxweynaha safarkiisii hore wuu iska caddaa inuu caafimaad la xidhiidhayay inkasta oo wdftigiisii markii hore ay is yidhaahdeen wax kale ku lifaaqa. Madaxweynaha marka hore waynu u ducaynaynaa in Ilaahay caafimaadka ugu roonaado isaga iyo madaxdeena kale iyo muslimiinta oo dhanba. Marka labaad xaaladda caafimaad ee Madaxweynuhu isaga gaar uma ah ee waa mid aynu xaq u leenahay inaynu ogaano sida dunida oo dhan u caada ah markaa waxa muhiim ah in ummaddu wax ka ogaato xaaladda madaxweynaha ay soo doorteen. waxa kale oo u dhiganta in ay ummadduna ku qanacdo waxii uu u sheego madaxweynuhu. sida ay u qancaysaana waa inuu habka dawliga ah u maro oo uu u xogwarramo Golayaasha Sharci dejineed khaastatan Wakiilada oo dadkii soo doortay wakiil ka ah.dalka inuu si aan distoorka waafaqsanayn uga maqnaadaana ma habboona haba yaraatee.Xaaladdiisa caafimaad ee hadda waxaa la sheegayaa inuu weli xanuusanayo - isba waakii sheegay inay ahayd inuu muddo dheer sii joogo Germany ee uu ka soo degdegay- waxaana la sheegayaa oo dad u dhuun daloolaa sheegayaan inuu debedda u soo bixi doona bishan 28keeda. Alla ha u sahlo.

S) Sidaad u aragtay dhibaatooyinkii dhawaanahan ka dhashay muranka dhulka ee dalkii ka dhacay, kuwaas oo keenay dhimasho iyo in nabad galyo xumo. Yaadse u malaynaysaa in arintaas eedeedu leedahay.

J. Dhibaatooyinkaasi waa qaar aad u foolxun oo aan marna xal haboon loo raadin. waxaad mooddaa in ay caadaba noqdeen oo maalin walba wararka ku jiraan ilaa dadkiiba dareemay inay yihiin wax caadiya ama aad mooddo inay CNN ta ka dhegeysanayaan war China iyo meelfog ka dhacay.Runtiise waa arrin nabadgelyada dalka halis gelin karta. Arrintaasi waxay dabada ku haysaa musuqmaasuq iyo caddaalad xumo dalka ka jirta oo heer walba xushan. waxay arrintaasi hoos u dhigtay kala dambaynta sharciga ah iyo u hoggaansanaanta hay'adaha xukuumadda. haddii aad u dhabbagasho maamulxumada arrimaha dhulka iyo maxkamada ka taagan sida aynu weli u nabad qabno ayaaba mucjiso ah.In badan bay xukuumaddo lahayd baarlamaan baanu ka sugaynaa xeer horyaala inay ansixiyaan ee waxaan golaha ugu baaqaynaa geed ay ku gabbadaanba ha waayeene hore u ansixiya markaa hagaajisaan xeerka. (waxaynu ogayn inaan xukuumaddu baarlamaankii hore waxay rabbto inay socdaan aanay weligeedba ka sugin ee ay socodsiin jirtay. arrinkan dhulka waa lagu adkeeyaay Ilaahay amarkii)
3) Waxaa dhawaan dalkii ka dhacday doorashadii baarlamaanka, halkaas oo labada xisbi ee mucaaridku ay iyagu ku heleen codkii aqlibiyada ee aqalka. Siday kuula muuqatay adiga Cabdilahi ahaan habkii ad u dhacday doorashadaasi.

J.Doorashadii guud ee dalka ka dhacday waxay ahayd mid marka itaalkeena dhaqaale, maamul iyo dawladeedba la eege fiicnayd. xisbiyo,xukuumad iyo komishan cidwaliba qalad gashay ama mar gaabis noqotay laakiin dadaal weyn bay dhammaan u galeen sidii ay u hirgeli lahayd waana lagu guulaystay ALXAMDU LILAAH. Mahad iyo sharaf dheeraad ahna daweynaha reer soomaliland ayaa leh.Haddii ay su'aasha ku jirtay doorashadii shirguddoonka Golaha wakiilada. waxaan qabaa inay xukuumaddu si xun u maamushay marka ay isku dayday inay distoorka baalmaraan oo si khasab ah guddoomiye UDUB ah ku helaan. Waase laga heshiiyay taa iminkana wada shaqayn iyo walaalnimo ayaa inala gudboon aynu umadda wax ugu qabanno. "NIN XIL QAADAY EED QAAD."

4) Cabdilahi Geeljire waxa aad hore uga tiirsanaan jirtay Xisbigii UDUB, oo aad ka mid ahayd tiirarkii bilaabay. Hadaba wax ma nooga sheegi kartaa sababihii kuugu kalifay in aad xisbigaa ka baxdo, oo aad xisbiga KULMIYE ku soo biirto.

J. Horta waxaan jeclaa inaan ku dhaqmo maahmaadii carabta ee ahayd "YAA RAA'IX LAA TUKASIR ALFADAA'IX" oo macnaheedu yahay ninka sii socdow waxba fadeexad ha ka warraminama ha geysa. laakiin mar haddaad siyaasadda ku jirto waxa xaq laguugu yeelanaa inaad waxyaabo badan ka jawaabto. Haddaba UDUB waxaan uga tegey intaanan sheegin waxaan u galay aan sheego. Waxaan u galay waxa xisbiyada loo galo oo ah inay noqoto weel loogu adeego horumarka dalka iyo ummadda ku dhaqan. danta shaqsiga ahina ay kuwaa ka danbayso. Danta shaqsiga ee aan ka lahaana may ahayn xoolo ka buuxso ee waxay ahayd hoggaanka ummaddaada kamid noqon. (himilo siyaasadeed oo muwaadin waliba xaq u leeyahay) Haddaba haddaan soo koobo waxa dhacday in xisbigii UDUB markii uu guulaha isdabajoogga ah helay uu laba garab noqday. Garab jecel in nidaamkii xisbi lagu socdo oo dalka ballanqaadadii loo sameeyay lagu fuliyo oo hore loo mariyo iyo garab danysi shaqsi iyo horumarinta naftooda u heegan ah. Markaa waxa naga adkaaday kuwii naftooda iyo dantooda u heelanaa ee meesha markii marxuunkii noolaaba sidaa ku haystay. kuwaas oo isugu jira xisbiyahanno, ganacsasto, wasiirro, haween iyo taageerayaalba. Madaxweynuhuna oo ay ahayd inuu ka xoroobo oo dadkiidoortay waxay rabaan ku kacan iyagaa afduubay oo uu raacay. markaa halkaas ayuu xisbigii hawlgab kunoqday. dadkii wanaagsanaa ee badnaa ee ku jirayna qofba mar sibiqdhaqaaqay. waxa dhacday in la abuuro xaalad dadka kala fogeynaysaa guud ahaan oo la yidhaahdo dadku "waa inaga iyo iyaga" markaa qofka yidhaa waar ka daaya la yidhaa "IYAGUU LA SOCDAA, HOOSTUU XISBI HEBEL KA YAHAY". Arrinta noqotay "AWR XAMILKII WUU QAADAA SE XADHIG QALLOOCAN MA QAADO" ee aan xisbigaa uga tegeyna waxay tii doorashada oo mar qudha xisbigu ku wareejiyay qabaa'ilkii oo raggii iyo haweenkii xisbiga la soo halgamay arrinkoodii lagu wareejiayay odayaal qabiil oo danlay iyo dilaaliin ah inta badan. Waanigii ku maahmaahay ninkii lagu looga sheekeeyey asxaabtii nebiga (CSWS) ee Khaalid bin waliid, Abi Bakar, Sayid Cali, Xamsa iyo rag badan oo Islaamka u soo halgamay siday diinta hore ugumariyeen. Markaasuu yidhi "oo iminka meeye?" markaasa la yidhi way dhinteen. Markaasuu yidhi "Hey, oo haddii ilaahay raggiisii sidaa ahaa iska laayaay, maxaynu samyn iminka. isagaa is dayacaye."

S) Waxaad horta bal wax nooga sheegtaa socdaalkaagan aad iminka ku joogto dalka Canada. Mase ku tala jirtaa in aad wadankii dib ugu noqoto.
J. Waxaan u imi xaalad caafimaad oo xaaskayga ku timi welina socota in ay ku dhammaan doontana aan la ogeyn hadda. insha allah markay bogsatana waan noqonayaa waxaan jecelay inaan waxii aan ummadd u qaban karo u qabto. Intii aan joogayna waxaan qabaa inaan wax badan qabtay.

S) Waxaa aynu la wada soconaa khilaafka dhawaan soo kala dhexgalay xukumada iyo shirkadaha isgaadhsiinta, gaar ahaan Wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta iyo shirkadaha telefoonada. Waxaana la sheegayaa in khilaafkaasi salka ku hayo xukumada oo doonaysa in ay iyadu ku khasabto shirkadahaa in ay dhamaantood ku xidhaan shirkad cusub oo ay xukumadu shuraako ku leedahay. Ma haboontahay in xukumadu sedan oo kale ku khasabto shirkadaha madaxbanaan ee iyagu dalkii ku sugan in ay isticmaalaan shirkan aanay markaa doonayn.

J. Arrintaa waa la socdaa. Waxay u egtahay "Habartii jar ka tuurtay hayinkay raranaysay ee awrka heegada saaran hammo ay tidhi qaado." Xukuumaddo si xun bay arrinkaa u maamushay wax walba waxa ka muhiimsan in sharikada wadaniga ah la dhiirri geliyo oo la dhawro. Haddiise laga maarmi waayo in shisheeye la adeegsado, waa in sharciga la waafajiyo mudnaantana la siiyo sharikada wadaniga ah.

Waxaan baarlamaanka (Wakilada) ugu baaqayaa inay arrintaa si mug leh u baadhaan oo sidii dalka iyo dadkiisa u roon ka yeelaan markay xaqiiqada helaan. Waxaan jecelay inaanu muwaadinna waayin xaqiisa ama Ina Rayaale adeer haw ahaado ama yuu u noqone. Sidoo kale inaan muwaadina xaq aanu lahayn ku helin xadhkaha iyo xidhiidhka uu la leeyahay madaxda dalka. Shirkadan uun ma aha ee wax alla waxii sharikadaas maal gahshanaya dalka oo dhan ha la soo dhaweeyo laakiin sharciga ha la waafajiyo kuwa wadanigana yaan loo duudsiyin.

S) Xisbiga KULMIYE ee aad ka tirsan tahay waxaa lagu canaantaa in aad had iyo good uun wax dhaliishaan, balse aanay idinku la iman hindise ama nidaam ka duwan kaa markaa xukumada aydun ku dhaliilaysaan. ARintaa maxaad ka odhan lahayd.

J.Bilaash baa awal loogu canaanayay waayo waxa keliya ee uu hayay waxay ahayd inuu tilmaamo dhalliisha jirta. Iminkase xaaladdu way ka yara duwantahay sidii hore oo hoggaanka wakiilada ayaanu ka mid nahay marka xisbiga UCID nalugu darana aqlabiyadda golaha ayaanu nahay. Weli awood weyn ma lihin laakiin meel aanu wax ka qaban karno ayaanu joognaa waxii aanu qaban kari weynana aanu tilmaami karno. markaa waxaa ku rajo weynay inaanu ku guulaysano taa. Siyaasadda xisbigu waa mid dhexdhexaad ah waa mid ku soo dhoweynaysa dhamaan bulshada inay ka qayb qaataan horumarinta dalka iyo dadka. waa mid aan sina u kala soocayn dadka hadday qabiil tahay hadday qof qof tahay iyo hadday halgankii tahay ee ruux walba siinaysa fursad uu xilkiisa ku guto. iyadoo sidaasa waa mid aan ka gabbanayn ama ka weji gabxayn inay taariikhdii halganka iyo dakii soo halgamay xusto oo sugto oo ka abaal mariso. waa mid isku duubnida dalka dhul ahaan iyo dad ahaanba dhamaystirkiisa ku dhaadanaysa.

S) Baarlamaanka Somaliland waxaa dhawaan aqlibiyadiisa helay xisbyada mucaaridka, oo iyagu iminka hogaanka aqalka haya. Hadaba tan iyo intii hawlaha aqalku dib u furmeen may dhicin wax dhaq dhaqaaqa ama lama maqal sharciyo cusub oo Baarlamaanku soo saaray. Maxaad odhan kartaa baa u sababa gaabiskaa isaga ah.

J.Waa run laakiin markaad eegto waqtiga yar ee ay joogeen, khibrad la'aanta xubno badan, tayo xumida xafiisyada iyo adeegga maamul ee golaha (xataa FAX ma leh goluhu), dhaqaalo xumida waad u garaabaysaa Golaha. markaad eegto hawlaha ay qabteen ilaa hadda iyo sida asluubta leh ee isku duubnida golaha ee saddexda xisbi waaban u sed kordhiyay kuna farxay. markaan waxaas oo dhan eego gaabis uma arko ee waxa la yidhi "dhicisku ma sugo inta birta loo soo sido" Waxaan ku dhiirri gelinayaa golaha inay hawsha sii laban laabaan oo si dhaqso ah xeerarka dalku u fadhiyo sida ka dhulka sii daayaan. inay xukuumadda sidaa fiican ee wada shaynyta ee dantu ku jirto ula shaqeeyaa. waxaanse uga digayaa inaanay marna wax distoorka ka hor imanaya ama burinayaa aanay yeelin.

S) Maxaad odhan lahayd way haboonayd in xukumadu culayska saarto wakhtigan xaadrika ah, balse hawsheedii ay gabtay. Maxaadse ku amaani lahayd xukumada, oo aad odhan lahady si wanaagsan bay hawshaa u wadaa.

J. Runtii xukuumaddu wax aanay gabiniba ma jiro ama itaal ha u weydo ama iyadu ha ka gaabisee. Waxaan leeyahay Madaxweynaha xukuumaddiisa dhiig cusub iyo nolol cusub ha geliyo oo ha ku afuufo. Isku shaandhayn iyo wax ka beddel ha sameeyo dabdeed 1) dhaqaalaha ha loo soo jeesto oo shaqo ha la abuuro inta itaalkeenna ah 2) Ku dhaqanka sharciga (rule of law) oo inaan cidina sharciga ka sarrayn ha la sugo 3) Caddaaladda ha lagu noqdo oo maxkamadaha ha la hagaajiyo si qoto dheer oo aan qurqurxin ahayn. (no justice no peace) 4) Musuqmaasuqa ha loo soo jeesto.meel musuqmaasuqa cidina maal gashan mayso tuug inuu wuxuu gashaday boqol laabkeed inuu helo raba maahe. 5) xurmayntii hay'adaha xukuumadda ayaa hoos u dhacay 3 dii sanno ee u dambeeyay. Dib ha loo soo nooleeyoo weel gun buu ka tolmaa halkaa waxii ka danbeeya hawlaheenu way badan yihiin waxaana u horreysa dhulka maqan ee Sool iyo Sanaag bari ee ha la galo hawshiisiisa.

S) Gaba gabadii, waxaa laguugu tiriyaa raga ugu cad cad xisbiga KULMIYE, ee doorka hore ka ciyaarayay doorashadii deegamada ee dhawaan dalkii ka dhacday. Hadaba maxaad u aragtaa in ay tahay caqabada ugu weyn ee Xisbigiina KULMIYE hortaala doorashada soo socota. Maxaadse odhan lahayd taageerayaashiina iyo dhamaan shacabka kale ee qurba jooga ah, ee iyagu dibadaha ku sugan.
J.Xisbigu waxa uu haystaa taageero ballaadhan oo heer qaran ah. waxa aanu hadda ku jirnaa ka warbixintii doorashooyinkii hore iyo sidii aanu u gufeyn lahayn waxii naga dhinnaa. waxa xisbigu ku tala jiraa in uu dib isu habeeyo uu u diyaar garoobo siduu u hanan lahaa kalsoonida ummadda ee uu haysto iyo hoggaankeeda. markaa waxaan leeyahay dhammaan ummadda Somaliland waxaa naga mudan tihiin mahad naq aad u weyn waxaanaanu idiinku ballan qaadaynaa Ilaahayna inuu naguuleeyo ka baryaynaa inaanu waxqabad muuqda oo dalka hore u mariya la nimaadno oo u dhigma kalsoonida aydin na siiseen. Dadka reer Somaliland ee qurbaha jooga waxaan leeyahay midnimadiina ilaashada oo bulshadiina horumarkeeda ka shaqeeya. taageerayaasha xisbigana waxaan leeyahay marka hore waxaynu Somaliland marka xiga aynu KULMIYE nahay. taageeraddiina dalka iyo ta xisbigaba ha kala joojinina oo u hagar baxa. dhammaantiina waa mahadsan tihiin.

Waad mahadsanatahay Mudane Cabdilahi Geeljire.

Idinkaa Mudan

Somaliland.OrgHargeisa,Somaliland

No comments: