Thursday, March 16, 2006

DhawDhawdu Cadduur Umay Dhicin: Cawil Iyo Barlamaanka Cusub.

DhawDhawdu Cadduur Umay Dhicin: Cawil Iyo Barlamaanka Cusub.

HORDHAC

Waxyaalaha ugu la yaabka badan ee ay ku shaqayso xukuumadda Rayaale waxa weeye sida aanay u tixgelin qaanuunka iyo nidaamka dalka loo dejiyey oo aad mooddo inaanu iyaga khusaynba ee ay waxay doonaan iskaga dhaqaaqikaraan iyadoon cidina ku canaanan ama ku ciqaabin. Shirciguna xaggooda kama duwana waxa carabtu ku tilmaanto “xibrun calaa waraq” oo macneheedu yahay khad warqad ku yaal. Haddaba iyagoo waxyaalaha qaarkood ka dhaxlay dhaqankii siyaasadeed ee hore u jirey iyaguna baray dheeraysiiyeen. Waxa intaa ka sii layaab badan in Wassiirka Maaliyaddu aanu weli fahmin in dalka maanta loo soo doortay Gole Wakiillo oo cusub oo mucaarid u badan ayna ku jiraan rag badan oo mutacallimiin ah oon indhaha la qabankarin. Waxaan sidaa u idhi waxa Wasiirka hadalladii uu ugu jawaabayey mudanayaasha markii dorraad miisaaniyadda wax laga weyddiinayey ka muuqatey dheel-dheel ay ka maqantahay dhab-u-hadal iyo tixgelini. Arrimahaas baan tusaalooyin idinka siinayaa.

TUSAALOOYIN

(1) Waxa ka mid ah waxyaalaha aan kor ku soo sheegay im markii wasiirka wax laga weyddiiyey lacagta ku maqan TOTAL oo weliba loo sheegay inay tahay $15 malyuun inuu yidhi “lacagtaana lama socono”. Haddaba miyaanay ceeb ahayn in mas’uulkii u weynaa ee Wasaaradda Maaliyaddu uu yidhaahdo lacagta dawladdu cid ku leedahay lamaba soconno. Aniguse waxaan leeyahay wuu la socdaa eh wuu is-yeelyeelayaa oo waxaanu doonayn inuu sheego halkay lacagtaasi martay. Haddaba baarlamaanku yuu taas ka hadhin eh baadhitaan ha ku sameeyo arrinkaas iyo arrimaha kale ee ay TOTAL ku kacdo ee waxyeelladu ugu jirto dalka sida furfuridddii beebaka shidaalka, go’a-u-ridka mas’uuliinta reer Ethiopia inaanay shidaal kala soo degin Berbera, lacagta ay qaaddo ee shidaalka ku saabsan ee intaa kordhaysa, iwm.

(2) Markii la weyddiiyey lacagta faraha badan ee ku qoran Madaxtooyada waxa ay kala tahay kama jawaabin ee wuxu weliba raaciyey in loo baahanyahay in loo kordhiyo. Haddaba anigu intaan ka haleelay hadalkii Guddoomiyaha Guddida Dhaqaaluhu u jeediyey baarlamaanka iyo wixii kale ee aan arrinka ka hayo aan idiin sheego. Horta kharashka loogu talagalay Madaxweynaha iyo M.-ku-Xigeenka, Xafiisyadooda iyo ilaaladooda wuxu miisaaniyadda ka yahay 10% taasoo la mid ah kharashka loogu talagalay 17 wasaaradood. Midda kale Madaxweynaha mushahaaradiisu waa SLD SH 1.6 billion sannadkiiba ka Madaxweyne-ku-Xigeenkuna waa 0.7 billion. Haddaan ku xawilo lacagahaas sicirka suuqa oo ah SLD SH 6200 = $ 1 waxay labadaas mushahaaro kala noqonayaan $258 065 iyo $112 903 siday u kala horrayaan. Waxa intaa mid walba u raaca kharashyada xafiisyadooda oo ka horena yahay SLD SH 1 billion ka kalena SLD SH 0.45 billion kuwaasoo aan u malaynayo inay siday doonaan ugu takrifalaan. Waxa intaas u dheer xattooyada maalka dawladda iyo laaluushka laga qaatto shirkadaha ajnebiga ah. Haddaba iyadoo muwaaddinkii caadiga ahaa laga yaabo inaanu qadiddiisa helin ayuu wasiirku raggaas dhergey ee madaxda dunida badankooda ka lacag badan leeyahay ha loo kordhiyo.

(3) Mar wax laga weyddiiyey tacriifada cusub ee aan golayaasha sharci-dejintu ansixin ee ay wasaraddiisu soo saartay iyo hay’adaha iyana sidaas oo kale ah ee haddana miisaaniyadaa ku jira wasiirku kama uu jawaabin.

(4) Makii wasiirka la weyddiiyey waxa uu u soo gudbinwaayey xisaab-xidhkii sannadihii hore wuxu ku jawaabey in iyaga dastuurku ku amrayo in xisaab-xidhka ay u gudbiyaan Hanti-Dhawrka Guud ayna xissab-xidhadii saddexdii sannadood ee u dambeeyey u gudbiyeen Hanti-Dhawrka. Haddii uu ku saxyahay waxa uu ka sheegay habka dastuurka, waxaynnu ognahay in hantidhawrkii laga la’yahay xisaab-xidhadii. Haddaba maxaa meesha ku jira? Anigu waxaan leeyahay dawladdu waxay qarinaysaa faraqa u dhexeeya miisaaniyadihii ku talagalka ahaa iyo kuwii runta ahaa kuwaasoo muujinayey in dakhligii runta ahaa ka badnaa khraashkii runta ahaa. Faraqana ay iyagu qaadanjireen. Ninka hantidhawrka haystaana iyagaa faraya inaanu xisaab-xidhka bixin. Imminkana waxay Guddida Dhaqaaluhu ogaatey in 2005kii faraqa u dhexeeyey dakhligii runta ahaaa iyo ku-talagalkii uu ahaa SLD SH 37 billion.

GUNAANAD

Hadalkan waxaan ku soo gunaanadayaa in maanta Barlamaanku diidomiisaaniyaddaas been-beenta ah una diido sababahan (1) in waddanka maalkiisii la boobayo; (2) inay yihiin barlamaankii ugu horeyey ee la soo doortay una badanyihiin rag waddaniyiin ah; (3) in wasiirkii arrinka u xilsaarraa aanu iyaga waxbaba iskaga tirinayn.

Axmed Cirroobe,

UK

No comments: