Thursday, March 16, 2006

Miisaaniyadu maantu waxay i xasuusisay, Sheeko aniga iyo Adan Abdalla Osman (Adan Cadde)na dhex martay


Sida aynu la wada socono waxa waddankeena ku badan dhalinyaro aan Siyaad Bare wakhtigii xukunka (1969) uu boobay aan dhalanba, ama da’yaraa oo aan sidii wadanka loo maamuli jiray Siyaad ka hor waxba kala socon. Haddaba waxaan yara jeclaystay inaan wax yar maamuladaas hore ee la afgambayay wax ka iftiimyo, siiba hab dhaqankii madaxwaynayaashii ka horeeya Siyaad Bare.

Adan Abdalla Osman iyo Abdirashiid oo ku xigay waxay mushahaaro u qaadan jireen oo miisaanyadana ku jiri jirtay 4000 kun oo shilin bishiiba oo u dhiganta US Doolaras $641.025 –Sicirka doolarku wuxuu ahaa wakhtigaas 6.24 shillings. Wasiirku waxa uu qaadan jiray 3000 shilin,ruuxa baarlamanka ku jiraan wuxuu qaadan jiray 2000 shillin.

Haddaba iyada oo taas laga duulayo, maxaa hada inoo diidaya in la xadido mushaharka madax waynaha iyo ku xigeenkiisa. Iyada oo lagu xisaabamayo wakhtiga dheer ee laga soo gudbay iyo cost of living index-ga hada jira aad iyo aad bay uga badnaan lahayd noloshooda maalmeedka ah hadii loo qoondeeyo $3000 madaxawynaha,ku xigeenkiisana $2000 dollars.

Waxaynu u baahanay bay ila tahay in laga dhex saaro taariikhdeena intii uu Siyad Bare dalka xukumi jiray iyo hab dhaqankiisii oo laysku soo xidho sidii wax loo maamuli jiray 1960-yadiii iyo taariikhda aynu imika ku jirno ee doorshooyinka ku hal maalaysa, sida Madaxwaynaha iyo barlamaanka shacbigu u doortay. Taasina waxay i xasuusisay Shaakdana;
Sheeko aniga iyo Adan Abdalla Osman na dhex martay.

Markuu sanadku ahaa 1968 ayaa la ii badalay Muqdisho, waxaana madax la iiga dhigay laantii ugu waynayd bangiga dhex ee Soomaaliya ( Somali Central Bank). Aniga oo xafiiska fadhiya goor aan ku qiyaaso karo 09:00-kii aroornimo, ayaa waxa ii soo galay Adan Cade. Fadhigii ayaan ka booday oo aan salaan diiran ku soo dhoweeyay.Waxay ahayd markii iigu horaysay ee aanu madaxwyne Aadan aan ka fool ka fool isu qaabilno. Aniga oo farka naxsan ayaan fadhiisiyay oo aan waydiiya muraadka uu u socday. Jeegii (Cheque ) uu gacanta ku hayay ayuu ii dhiibay oo uu doonayay in loo Kaash gareeyo. Xoghayntii (Secretary ) baan u yeedhay oo aan ugu dhiibay si u soo sarifto. Intii loogu maqnaa waxaan xaajiga ku qasbay inuu Coffee ila cabo waanu iga aqbalay.; Sheekadana ayaana na dhexmartay.

Su’aal: Miyaan cid ilaalo ahayn kula socon ma keligaadbaad ahayd?

Jawaab: Oo maxaa la iga ilaalinyaa isaga oo anigaba ilaa yaabsan ayuu yidhi. Somali kursi baan u hayay oo markii hore la ii gartay hadana waa la ii garanwayay oo nin kale oo Somali ah baa loo dhiibay xilkuna waa meerto.Cid aan wax ka dhacay iyo cid aan waxyeelay toona majirto markaas maxaan ka baqayaa oo la iga ilaalinayaa.

Su’aal: Waxaan maqlay in lagu dooran lahaa hadii sidii ay kaa codsadeen mudanyaasha barlimanku ee ahayd inaad mushaharka aad 2000 shilin ugu dartid waa lagu dooran lahaa?

Jawaab: Waa laga yaabaa inay sidaas noqon lahayd laakiin waxaanse u arkayay inaanay umadu qaadi karin kharash intaas le’eg.

Su’aal: Waxaan maqalay caruurtaada umaad oglaan jirin in baabuurta dawlada dugsiga lagu geeyo maxaa ka jiray.

Jawaab: Waa dhab oo waxaan ugu diidayay inayna u baran oo sida imikaba la igala wareegay xilkii aan dalka u hayay mar uun ay dhici doonto. Xaaska iyo caruurtana lama baro wax aan joogta ahayn oo marka lawaayo u bahalyoobaan. Tan iminka taagan oo kale ayaan ogaa inay mar uun dhici doonto oo kursiga aanan ku waari doonin

Aniga oo sheekadii sii macaansanya yaa lacagtii loo keenay. Waanu iga baxay. Daaqada muraayada ayaan ka sii daawaday aniga oo hadaladiisii sii dhan dhansanay.Waxaba ka sii yaab badnayd isga oo xataa aan derewal wadan oo gaadhiigii isaga ayaa gacantiisa ku sii kaxaystay.
Hadaba waxaan islahayn sida aan kal hore mar aan Somaliland tegay kula kulmay waa mid ka duwan. Waxaan arakay iyada oo marka uu madaxwayne Dahir Raayle Kahin meel booqanayo in wadooyanka uu soo marayo oo dhan saacado ka hor la xidhi jiray, Askar xoogan, hubaysan oo meel walba tuban iyo gawaadhi xawaaraynaysa oo isdaba yaacaysa. Waxaad maqlaysay dadka oo ka yaacaay leh.
Madaxawayne Dahir Rayaale doorasho ayuu ku yimid, cidna muu inqlaabin sidii Siyaad Bare, markaas waxa uu duubcasta intaas le’eg u samaystaa meesha ma taalo. Waxoogaa ilaala ah, dharcad ah oo tababarwanaagsan baa ku filan.Waxaan hubaa hadii uu suuqa kaligii iska mushaaxo inaan saxar ku duuleen. Maxaa ka wanaagsan ruux darajo madaxwayne gaadhay oo sidii Adan Cade isaga oo aan hareerihiisa eegayn dadkiisa iska dhex socda. Darajo kasta iyo maalkasta oo ruux helo waa inuu ogaadaa inaanu dadka waxaba dheerayn oo ka midyahay sidii uu horayba uu uga mid ahaan jiray. Markasta dadku waa dadkii uun, waa kuwii uu dugsiyada kula jirijiray, waa kuwii ay jaarka ahaan jireen iyo kuwii ay ehelka ahaan jireen. Xusuustu waa inayna inaga lumin marna.

Talo soo jeedin:

1. Musharada madaxwaynaha oo la xadido lagana dhigo $3,000 dolar bihsiiba.

2. Musharada madaxwyne ku xigeenka oo laga dhigo $2,000 dolar bisiiba

3. Wasaaradaha oo lagu soo goobo 12 wasaaradood ku xigeenada oo dhan la iska dhaafo. Maxa wasiir ku xigeen looga baahnyahay iyada oo wasarada ugu miisaaniyada badani ay tahay $2,000,000 oo dolar sadanadkiiba.Wasiirkii qudhadiisa ayaan shaqo ku filin oo dhaaftaba haynin sida meesha ka muuqata.

4 Miisaanyada loo qoondeeyay madaxdooyada iyo Madax ku xigeenka oo boqolkiiba laga dhimo 60%.

Haddii sidaas la yeelo, hadhaayada halkaas ka soo badbaada waxa aan ku talin lahaa, iyada oo loo qoondeeyo horumarka beeraha,daryeelka reer miyiga,biyo u raadinta dadka sanad walba aabaarto ku habsato ee haraadka iyaga iyo xoolahoodoba u dhintaan.

Waxa laga yaabaa in la iswaydeeyo maxaad tacliinta iyo caafimaadka hadhaaga wax uga siin wayday waxy tahahay ruux gaajo iyo haraad u dhimanyaa caafimaadna ma heli karo tacliina ma higsankaro oo calool madhani fahmo maba laha.

Jamhuuriya Online

No comments: