Monday, March 13, 2006

TALOOYIN IYO TUSAALAYN ANUU KA SOO URUURINAY QAYB KA MID AH JAALIYADDA SOMALILAND EE WALES

Waxa ay nala noqotay iyadoo uu marti sharaf noo yahay Guddoomiyaha Golaha Wakliilada Mudane Cabdirahman Cabdillahi, inaanu soo uruurino talooyin aanu qoraal ku dhiibno. Taasi waxay suurtagal ka dhigaysaa in ay noqoto fikrado raad raac yeehsa, kana turjumaaya dareenka qurbojooga oon marna ka taganayn kan ay qabaan, dadweynaha Somaliland.

Haddaba iyadoo aad dadweynahu ugu han weyn yihiin golahan cusub ee doorashada xaqa ah ku yimid, waxa aynu u rajaynaynaa in Illaahay gargaaro, iyana noqdaan qaar aan ku fashilmin himmilada dadweynaha oo aad u sareysa.

Ujeedada oon ahayn xogwaran bal se ah tusaalayn iyo talooyin u baahan in golaha iyo dawladdu diirada saaraan, waxaanu toos u geleynaa arrimaha aanu u qabno in mudnaan la siiyo.

Arrimahani sida ay u kala horreeyaan uma kala cusla, waxay noogu muuqdaan arrimo dhammaan miisaan khaas ah leh. Wax qabadka iyo duruufaha ku xeersan waxa nooga aqoon badan Golaha oo xil u qaaday qaranka, anaguna aanu ku ixtiraamayno.

Iyadoo la ogyahay in dimuquraadiyadda,cadaaladda,hab-maamule wanaaga dhammaan ay qabaan in maxkamadahu ka madax banaanaadaan labada awoodeed ee fulinta ooy dawladdu leedahay iyo sharci-dejinta oo barlamanku leeyahay, waxa noo muuqata in aan taas dalka ka jirin. Gaar ahaan in fuklintu raad weyn ku leedahay maxkamadaha.Tan ugu culusi waa iyadoo Madaxweynahu magacaabo lix xubnood oo ah xukaamta Maxkamadda Sare, kelina magacaabidooda iyo erigoodaba u awood u leeyahay. Waxa kaliye ee uu Golaha Wakiilada ogolaansho uga doonaa waa Guddoomiyaha Maxkamadda sare. Waa in taas la saxaa oo lixda xubnood iyo guddomiyahaba laga ansixiyaa golaha wakiilada.

Waa inaan la eri karin, ilaa dambe cad oo uu xaakimku galo.Xubinnimada waa in loo gooyaa muddo cayiman, amba uu noqdaa inta uu nool yahay. Taasi waxay ka saaraysaa in xaakimku habrado.

Waxa si la yaab leh golayaasha dawladaha hoose xiligoodii ku dhammaaday is qabsi dhexdooda ah, iyo mid ay dawladda dhexe kula wadaagto.

Waa in dib loo eegaa lana dhammeystiraa Sharciga dawladaha Hoose.

Waa in la eegaa oo la sharciyeeyaa xidhiidhka Xoghayaha dawladda hoose iyo xubnaha la doortay meeshana laga saaraa farogelinta dawladda dhexe.

Waa in la eegaa baahida loo qabo jagada Badhasaabka oo la qiimeeyaa sida ay ula jaanqaadi doonto Gole deegaan oo la doortay.dalkuna aanu ahayn federal.

Waxa muuqata inaan musuqmaasuqa laga baxayn, ilaa la tayayeeyo shaqaalaha dawladda, lana siiyo mushahar kafeeya daruuriyaadkooda,lana dhiso sharci xurmeeya si ay dhexdhexaadnimo hawshooda u gutaan.

Haddaba, waa in dib loo eegaa lana dhammeystiraa Sharciga shaqaalaha.
Waa in la xaqiijiyaan xuquuqda shaqaalaha, oon la eri karin ilaa uu galo qalad iyo gef ku cad dambe ciqaabeed.

Shaqada waa inaan la qorin ilaa la xayeysiiyo,tartan loo galo,guddina ay ogolaato.
Shaqaalaha manta jooga waa in la baadhaa lana imtixaamaa, iyadoo lagu sar jaro baahida shaqo iyo itaalka dhaqaale. Waxa jir shaqaale magic uun ah, oon wax qabad lahayn. Kuwaasi waa inay meesha ka baxaan. Lacagata ku bixi jirtayna lagu kabaa mushaharka kuwa shaqada looga baahan yahay.

Waxa hubaal ah in arrinta dhulku tahay tan sababtay dil , dhac, musuq iyo dulmi badan oo taabtay bulsho weynta Somaliland. Waa arrin khatar gelinaysaa degnaanshaha iyo nabadda dalka.Haddaba iyadoo aan ognahay in culays barlamanka iyo dawladdu saareen, waxaanu idinku boorinaynaa inaan arrintan laga nasay ilaa loo helo xal hakameeya dhibaatadan maalin walba iyo meel walba taagan.

Waxanu ku talinaynaa in talo ballaadhan la uruuriyo, arrintana laga wergeliyo dhammaan qaybaha bulshada si gaar ah kuwa sida tooska ah shaqada ugu leh sida dawladaha hoose, Wasaaradda Gudaha, Wasaaradda Hawlaha Guud, Boliska, Aqoonyahanada, Cuqaasha, Salaadiinta, Culumada diinta, iyo Xisbiyadaba.

Dhammeystirka Sharciga Hayadaha Samafalka. Waxa dalka ka jira Hay’ado wadani ah iyo qaar caalami ah oo samafal ah. Haddaba waxa muuqata inaanu jirin sharci tabogal ah oo ilaalya nidaamka ay hayadahu ku socdaan. Waxa taas laga arkay isqabadka ka soo baxay mamulada Jaamacadaha dalka.

Waa in la sameeyaa Ha’ad madax banana oo leh Guddi Maamul (Board of Directors) una xilsaaran maamul eegidda, diiwaangelinta, baadhista iyo maamule wanaag dhowrka (Good Governance).

Waa in lala socdaa waxqabadka hay’adaha iyo xisaabtooda oo ay sanad walba u soo gudbiyaan Hay’adda Kormeerka Samafalka.

Waa in la dhammeystiraa sharciga maalgelinta, kan sokeeye iyo kan shisheeyaba.Waxa cad in dalku u baahan yahay maalgelin debedda ka timaada, haddaba waxa taas suurtagal ka dhigaysa, waa in la helo sharci tabogal ah oo soo jiidanaaya maalgeliyaha shisheeye.

Waxa taas lagu kabi karaa sharciga sharkadaha oo aad loogu baahan yahay, si maalqabaynka iyo qurbajoogu isu kaashadaan si ay u hirgeliyaan mashaariic horumar.

Waxa habboon in Wershadda sibidhka iyo kuwa kale ee hore u jiray loo sameeyo nidaam malgelin dadweyne, si cadaad bulsho loo gaadho, oon hantida dadweynaha loogu gacan gelin in yar oo kooban, amba shisheeye, iyadoo dadkeenu hawlgelin karo.

Waa in dib loo eegaa sharciga dakhliga dawladda oo la mideeyaa. Waxa jira dakhli dhowr ah oo meelo kala gedisan oo ka baxsan Wasaaradda Maaliyadda lagu uruuriyo, kana baxsan miisaaniyadda dawladda. Taas waa in la joojiyaa, oo dhammaan dakhliga dawladda lagu daraa miisaaniyadda dalka.

Waa in dib loo eegaa kaalinta Bankiga Dhexe, iyo Hanti-dhowrka Guud, ood moodo in shaqadoodu gaabis tahay ficil ahaan iyo qaab ahaanba.

Waa in la ballaadhiyaa Hantidhowrka Guud oo gobal walba xafiis ku yeeshaa, door joogta ahna uu ku baadhaa Wasaaradaha iyo Hay’adaha dakhliga.

Hantidhowrka iyo Heer Ilaaliyahu waa inay si toos ah ula shaqeeyaan Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiilada.

Qodobkan oo aad u muhiim ah, waxaanu ku koobaynaa in dib loo eego distoorka oo leys waafajiyo qodobo is burinaaya, lana buuxiyo kuwa aan caddayn, lana dhammeystiro kuwa sugaaya sharci qayaxa.

Matalan waxa madaxweynahu magacaaba taliyaha boliska, kan ciidamada, iyo shaqooyin kale, iyadoo aan ogolaansho looga helin Golaha Wakiilada, sida ku cad qodob distoorka ah. Waxa taas lagu baajiyaa qodob kale. Dimuquraadiyadu ma ogolo in qofna yeesho awood aan lahayn xakame. Taas darted waa in qodobkan la sharxaa, oo cid kasta oo Madaxweynahu magaaco, la mariyo Glaha Wakiilada.

Waa in la dhameystiraa sharciga warbaahinta, oo la waafajiyaa distoorka fasaxaaya warbaahinta xorta ah, sida idaacadaha, jaraa’idka, ito TViiyada.

Waa in la fasaxaa in idaacadaha xorta ah laga hirgeliyo dalka gudihiisa, iyadoo loo maraayo sifo sharciga waafaqsan.

Waxa hubaal ah in dimuquraadiyada meel ka dhac ku tahay in iddacado laga hirgeliyo debedda marka dalka gudihiisa loo diiday.

Kan ugu dambeeyaa waa mid ahmiyad gaar ah leh, taabanaayana xuquuqda qofka oo sal u ah cadaaladda. Waa in degdeg loo joojiyaa xukunka degdega ah, ee Madaxweyne xigeenka , iyo Guddomiyaha Maxkamadda sareba ku tilmaamayn mid sharci darro ah.

Waa in la dhowraa xuquuqda qofka ee sida cad ugu qeexan distoorka dalka. Waa inaan qofna xoriyadda laga qaadin, ilaa loo maro sifo sharci ah.

Waa in dib loo eegaa magacaabidda Degmooyin Cusub iyo sharciyeynta kuwii aan Golahu oggolaanin, iyadoo degmooyinka loo eegaayo baaxaddooda, dhaqaalahooda, iyo kala durugsanaanta.

Waa in intaan doorashooyinka degmooyinka la soo gaadhin, la dhammeystiraa arrimaha kala xadaynta degmooyinka.

Lacagtu waa astaanta qaran, waana aalad lagu hago dhaqaalaha dalka. Haddaba waxaa ayaan darro ah in dhulka Somaliland intiisa badan ayna ka socon lacagta qaranku.

Waa in degdeg loo fuliyaa sharci qasab ka dhigaaya in dawladdu gaadhsiiso dalka oo dhan Lacagta Somaliland.

Ugu dambayn. Waa in la dhammeystiraa sharciga doorashooyinka oo lagu saleeyaa degmooyinka iyo tiro koob sugan.

Waa in la dhammeystiraa sharciga doorashada ee Golaha Guurtida, oon dib loo dhigin.

Gunnaanad.

Anagoo ka cudurdaaranayna inaanaan si buuxda arrimahan u guda gelin, oo u deynaya inta talada loo igmaday, oon u argano inay yihiin qaar nooga faham badan, nooga damqasho badan, xilkuna si toos ah u saran yahay. Waa talooyin aanu u aragnay inay mudan yihiin wax qabad degdeg ah, keenina kara degnaansho lagu nasto, shaqo abuur, kobcin dhaqaale, oo dhammaan ku biyo shubanaaya horumar bulsho, mid siyaasadeed, iyo mid shaqaaleba.

Waxaanu amaan u jeedinaynaa Golaha Wakiilada oo muujiyey biseyl siyaasadeed, iyadoo xubnaha seddexda xisbi ay si qarannimo ah u wataan hawshooda. Waxa iyana xusid mudan isbedel laga dareemay wadashaqaynta Dawladda iyo Golaha Wakiilada, waxaana taas loo aanaynayaa wakiilada oo ay toos u soo doorteen dadweynahu, gartayna inay kursiga ku helin rabitaanka dadweynaha Somaliland. Waa dimuquraadiyaddii oo midhii ugu horreeyey la guustay.

Waxa isku soo dubariday

Axmed Carwo,

Ahmed_arwo@yahoo.co.uk

Cardiff,UK

No comments: