Sunday, March 12, 2006

Haayadda Care International Oo Xaqiijisay In Marwo Aamina Weris Ay Dhawaan Bilaabi Doonto Shaqadii Ay Kaga Guulaysatay Haayadda Care


Hargeisa (Somaliland .Org ) Haayadda Care International Xafiiskeeda Magaalada Hargeysa ayaa u xaqiijiisay Shabakadda wararka Ee Somaliland .Org in Marwo Aamina Sh. Mohamuud Jireh, Aamina Weris ay dhawaan ku soo biiri doonto Haayadda Care International Xafiiskeeda Hargeysa oo ay hawlaha Haayadda la wareegi doonto, Masuulkani wuxuu intaasi ku darray in Marwo Aamina Weris oo ku guulaysatay imtixaan ay u gashay shaqadani laga soo ansixiyey Xafiiska Haayadda Care ee magaalada Nairobi.

Masuulkani oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa wuxuu sheegay in Wasiirka Qorshaynta Qarranka oo Xukuumadda Somaliland ugu xil saaran la socodka iyo xidhiidhka haayadaha caalamiga ah ee dalka Jooga uu dhawaan waraaq u qoray Madaxa Haayadda Care Intl Xafiiska Nairobi Mr. Brown Rinal Nini uu ku sheegay wasiirku in care International ay ka fiirsato shaqadani ay usoo qortay Marwo Aamina Weris, balse ayuu yidhi Masuulkani markii danbe wasiirku wuxuu u soo qoray xafiiska Nairobi waraaq labaad oo uu kaga raali gelinayo xafiiska Care Intl Nairobi qoraalkiisii hore.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Somaliland .org ,

Hargeisadiridhaba@gmail.com

No comments: