Sunday, March 12, 2006

Wasaaradda Waxbarashada Oo Mamnuucday Buugga Diinta Ee Fasalka 1aad Ee Dugsiga Hoose Oo Xasaasiyadi Ka Dhalatay

Hargeisa (Somaliland.Org)--- Wasiirka Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan Gadhweyne) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland ay gebi ahaanba mamnuucday Buugga Diinta Ee Dugsiga Hoose Fasalka 1-aad, ka dib markii nuqlad ama bog ka mid ah lagu daabacay sawir gacmeed lidi ku ah akhlaaqda iyo Diinta Islaamka, sawirkaasi oo muujinaayey Nebi Muxamed ( N.N.K.H) oo Adhi raacaya, taasi oo looga jeeday taariikhdii Nebiga (C.S.W).

Wasiirka Waxbarashadu wuxuu ku yidhi, "Ka dib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, waxaan go'aan ku gaadhay in dhammaanba dalka laga mamnuuco nuqulada uu buugaasi ka koobanyahay".

Wasiirku wuxuu ku sheegay Shirkaasi Jaraa'id ee uu maanta qabtay in dhammaanba nuqulada buugaagtani la uruurin doono ka dibna lagu gubi doono meel fagaare ah, isagoo intaasi ku darray in Wasaaradda Waxbarashadu ay maanta bilawday uruurinta nuqulada Buugani.

Todobaadkii hore ayaa Wergeyska Haatuf wuxuu boggiiisa hore ku daabacay war xanbaarsanaa in buuggani uu wato sawir gacmeedkan, taasina waxay muran badan ka dhex dhalisay qaar ka tirsan saraakiisha wasaaradda Waxbarashada, iyadoo ardayda Dugsiyada magaalada Hargeysa ay maalintii shalay mudaharaad ka hor sameeyeen xarunta Wasaaradda Waxbarashada ay kaga dalbanayeen in dhammaanba la joojiyo buuggani.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Somaliland.org, Hargeisa

diridhaba@gmail.com

No comments: