Friday, March 10, 2006

INAA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN.

INAA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN.

Anigoo ku hadlaaya magaca jaaliyadda Somaliland ee Wales waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelka iyo ubadka uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Dr. Saed Yusuf Abdi Asoowe , oo aha Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee UK, oo ku geeriyooday magaalada London 7/3/06.

Dr. Saed waxuu ka mid ahaa rag tiro yar oo aqoon sare leh siyaasaddana wax weyn ka qaban lahaa haddaan cudur is hortaagin.

Waxaan Illaahay uga baryayaa dambi dhaaf iyo naxariis, iyo inuu ka dhigo kuwa dhaxla jannatul- fardoos.Aamiin.

Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa dadweynaha Somaliland iyo Xisbiga UDUB.,ehelkiisa kale, qaraabadiisa,xigtadiisa,asxaabtiisa meel kasta oy joogaanba, Waxaan dhammaan leeyahay Samir iyo Iimaan.


Axmed Carwo
Guddoomiyaha
Jaaliyadda Somaliland ee Wales,
Cardiff

No comments: