Sunday, March 12, 2006

Warqad Furan oo Ku Socota Shirguddoonka Golaha Wakiilada

Ku: Shir-Guduunka Golaha Wakiilada, Hargeysa, SLD.

Shir-Gudoonka Golaha Guurtida, Hargeysa, SLD.

Gudoomiyaha Hayadda Sharciga, Hargeysa, SLD.

antidhawraha Guud, Hargeysa, SLD.

CASHUURTA MIISAANIYADA ( 2006) KA MAQAN IYO BEENTA XUKUUMADA RIYAALE SIDAY LA ISKU WAAFIJIYAA?.

Maanta, sida la wada filayo waxan qabaa in xukuumada si sharci ah loola xisaabtami karo, mar hadii la muqooniyey Golahii Wakiilada ee xukuumada shuraakaha kula ahaa in Hantida Qaranka dad gaar ihi ku tagrifalaan. Mudo hada afar sano ku dhawdhaw waxa laga leexsan jiray Khasnada qaranka oo u masuul ka yahay Xisaabiyaha Guud lacag qadarkeedo noqon karo $ 10 malyuun sanad walba. Lacagtaas sifooyin badan ayaa loo leexsan jiray, hase yeeshee qadarka aan tilmaamay waa lacagta ay ka warqaabeen/amase lasoo gaadhsiin jiray Madaxda Xukuumada Riyaale iyo Saraakiisha. Wasaarada Maaliyada, Marreyaha Dekadda iyo kuwa lacagaha qabta Gegiyada Dayuuradaha lagaga guro dadka. Marka laga bilaabo 2/02/2006 ilaa maanta wee ka war-wareegayaan inay RUNTA u sheegaan Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada. Lacagaha la leexsaday wey diidan yihiin inay sheegaan, waxase nago maaweelinayaa in dhakhli dheeraad ah la qabtay sanadkii hore oo raadkaasi yahay mid hada lasoo faqay.

Wasiirko Maaliyado waxay la tahay ino arrimahan nooga aqoon badan yahay, fadlan naga xishoo oo wax caqliga gala noo sheeg. Mudane ma ogtahay inay danbi tahay inaad been u sheegto Xildhibbanada Qaranka idinkoo dan guud kawada xisaatankeeda wada. Naga xishoo noona sheeg lacagah aano ku weediinaynay mudo afar sanadood laga joogo.

Wasiirko Maaliyado iyo Madaxda kaleba wey ogyihiin in Lacagahaas aan la marin wadadii sharciga Maamulka lacagta qaranko farayey, Sidaa awgeedna la raaci jirin sifaha quman, sidaa awgeedna aan marna lagu darin miisaaniyadihii

2005,2004,2003&2002, una maleen mayo in si rasmi ah loo ogeesiin jiray xisaabaadiyaha Guud. Sababaha awgood ayuuna Wasiirko u keeni-kari laayahay Xisaab-xidhyadii 2005, 2004, 2003 iyo 2002. Mudo dhan 4 sano ee u masuuliyada hayey Wasiirko ayaa haba yaraatee wax xisaab-celin la yidhaa aan laga keenin Hayadaha Qaranka oo dhan. Sifoonyikaas ayaa usabab ah RUNTA la qarinayo.

Lacagaha aan ku jirin dhakhliga Miisaaniyada 2006 waxa ka mid ah cashuuraha laga qaado saliidaha baabuurta, warshadaha, cagafcagafyada iyo makiinadaha Magaalooyinka ifiya.Cashuuraha qurba-jooga iyo ajnabiga sita baasboor aan Somali ahayn. Lacagta laga qaado Dayuuradah, cashuuraha loo jaro aafada dib-u-dhiska Gobolka Togdheer. Cashuuraha laga qaado xoolaha loo dhoofiyo wadama carabta iyo kuwa kale ooy Hayado badani qaadaan.Waxa iyana jirta cashuuro badan oo farsamooyin kala duduwan badh kula hadhaan shaqaalaha hoose iyo Ganacsata iyo dilaaliintoodo. Iyadoon la balaadhin MUGA Wasaarada Maaliyada amase aan dagaal qadhaadh lala galin dabargownta musuqmaasuqa, si hawlyar ayaa dhakhliga Dalka loo gaadhsiin karaa. $ 40.00 Malyuun.

Mudo hada dhan shan sano maqaalo badan ayaan arrinta ka qoray, markaliyana Xukuumado wax faalo ah kamey bixin, waxay markaas ila noqotay inayna ka murmi Karin. Hadaba hadii farsamadii dhameel qaadashada laga adkaaday, waa in marka hore Masuuliinta been ka sheegta wareesiga Xildhibaanado wadaan in ciqaab adag la saaro. Waxan hadaba Hayadaha kor ku xusan ka codsanayaa inay iska kaashadaan sidii cashuurahaa aan tilmaamay lago daro dhakhliga Miisaaniyada 2006. Waxa kale oon Hayadahaa ka codsanayaa in la raadguro Masuuliintii ka taajiray hantiddi qaranka. Waxa iyana iga talo ah in la abuuro Hanti-dhawre Guud oo ka Madax banana Xukuumada oo la TALIYEY u noqda Golaha Wakiilada oo sanad walba war-bixin ka keena HAWLGALADA Xukuumada qabato oo dhan, isagoo si gaara ula shaqeenaya Gudida Hantidhawrka iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiilada. Alla Mahad Leh.

Cashuuraha lago kordhiyey Miisaaniyadii ahayd $ 28 malyuun oo hada la leeyahay waa $ 36 malyuun oo faraqa u dhaxeeya lagu tilmaamayo macaash ka yimid sarifka lacag qalaad waa war loo noqon doono. Waar si geesinimo le ula xisaatama Baarlamaanka waxaan idinka iibsameena waqti ha iskaga luminina. Waa dadko wada kitaab-gaab maaha. Allaa Mahad Leh.

Waa Qalinkii:Mudane Axmed M.Geedi(sanjab)

Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID

No comments: