Sunday, June 18, 2006

Shacabka Puntland oo Sheegay inay ka shaqeeynayaan sidii Shareecadda Islaamka looga hergelin lahaa Goboladda Waqooyi Barri.

Dadweynaha Magaalooyinka Boosaaso,Qardho,Garowe iyo Burtinle ayaa soo dhaweeyay dhaqdhaqaaqyadda Maxaakiimta Islaamka ay ka wadaan goboladda Somaliya ee ku saleeysan isku xukunka Shareecadda Islaamka iyo wiiqada hogaamiyaasha is magacaabay.

In ka badan boqol qofood oo isugu jira ganacsato,culumaa'udiin iyo odayaal oo la soo xiriiray Waagacusub.com ayaa sheegay inay ka shaqeeynayaan sidii Goboladda Waqooyi barri ee Puntland looga hergelin lahaa Maxkamad Islaamiya oo Shacabka u siman.

Mas'uuliyiintaas la soo xiriiray Waagacusub.com waxay wax kama jiraan ku tilmaameen hanjabaada ka soo yeertay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland Xaaji Bakiin,waxayna ku tilmaameen nin Riyo maalmeed ku jira.

" Waxaanu ku faraxsanahay in maxaakiimta Islaamka isku balaariso goboladda dalka Somaliya,waxaana Puntland looga soo dhaweeynayaa gacmo furan iyo kacdoon hubeeysan oo lagu garab siinayo si looga taqaluso maamulka Musuqmaasuqa iyo qabyaaladda ku dhisan ee Cadde Muuse" sidasi waxaa yiri Axmed Jaamac oo sheegay inuu ku nool yahay Garowe.
Hadalka ka soo yeeray Shacabka Reer Puntland ayaa ku beegan xilli Maxaakiimta qorsheeyneeyso inay gaaraan Boosaaso si ay kaga hergeliyaan ku dhaqanka Shareecadda Islaamka.

Boosaaso iyo Garowe waxaa ku nool culumadda ugu badan ee uu dagaalka kaga adkaaday Cabdilahi Yusuf Axmed .kuwaas oo laga cabsi qabo inay kacdoon ku qabsadaan Puntland.

Cabdi Jaamac kadiye

No comments: