Monday, June 12, 2006

Madaxweyne Rayaale Iyo Wefdigii Uu Hogaaminaayey Oo 12:00 Duhurnimo Caga Dhigtay Magaalada Nairobi Arbacadana La Kulmaya Mwai Kepaki

Madaxweyne Rayaale Iyo Wefdigii Uu Hogaaminaayey Oo 12:00 Duhurnimo Caga Dhigtay Magaalada Nairobi Arbacadana La Kulmaya Mwai KepakiSomaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 12 June, 2006

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefdigii uu hogaaminaayey oo maanta ka ambabaxay magaalada Hargeysa ayaa isla maanta waxay gaadheen magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Kenya, jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka iyo weliba suxufiyin ku sugna madaarka uu madaxweynahu ka degay, waxaanu madaxweyne Rayaale la kulmi doona dhigiisa dalka Kenya Mwai Kepaki maalinta arbacada ah, haddaba warsaxafadeed uu ku saxeexanyahay wasiirka warfaafinta ahna isagu afhayeenka wefdigani madaxweynaha oo goor dhawayd soo gaadhay xafiiska wararka ee Somaliland.Org, lagagana hadlaayo arrintani ayaa isagoo dhamaystiran wuxuu u qorna sidani:

‘’Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hogaaminey ayaa 12:45 daqiiqo ka degay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Saraakiil sar sare oo uu horkacayo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada. isla markaana ah u qaybsanaha arrimaha gaarka ah, wax kaloo ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyay Madaxweynaha Wasiirka Maaliyadda oo beryahanba ku sugnaa Dalka Kenya iyo Jaaliyadda Somaliland ee ku nool Dalka Kenya iyo madaxdooda, isla markaana waxa ku sugnaa Madaarka Saxaafadda Maxaliga ah iyo ta Dibadda, halkaasi oo Madaxweynuhu ku siiyey Saxaafadda ujeedada Socdaalkiisa. Madaxweynaha iyo weftigiiisa oo uu halkaa kaga biiray Wasiirka Maaliyadda. Weftiga waxa rasmiyan loo dejiyey hudheelkii Xukuumaddu ugu tala gashay inay deganaadaan weftigu intay ku sugan yihiin dalka Kenya.

Madaxweynuhu, wuxuu la kulmi doonaa Madaxweynaha uu martida u yahay Mudane, Moi Kibaki Maalinta Arbacadda, isagoo martiqaad rasmiya u fidiyey Madaxweynaha JSL.

Allaa Mahad Leh

Cabdillaahi Maxamed Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta JSL ahna

Af-hayeenka Weftiga Madaxweynaha JSL

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Somaliland.Org, Hargeisa

diridhaba@gmail.com

No comments: