Sunday, June 18, 2006

Madaxweyne Riyaale Iyo Wefdigiisii Oo Saaka Ka Degay Xarunta Luzaka ee Zambia

Luzaka, June 17, 2006 (Somaliland Today)- Madaxweynaha iyo wefdigii uu hogaaminayay ayaa waxa Qaabilay Maanta Madaxweynaha Tanzania Mudane Jakaya Mrisho Kikwete, waxaanu ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada. Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Wefdiga ahna Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane C/laahi Maxamed Ducaale, ayaa isaga oo dhamays tiran waxa uu u qornaa sidan:

‘’Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa waxa qaabilay maanta Madaxweynaha Tanzania, Mudane President Jakaya Mrisho Kikwete waxana uu ku qaabilay qasriga Madaxtooyada ee State House, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Tanzania Madaxweyne Rayaale iyo wefigisa, Madaxweyne Rayaale wuxuu si mug leh ugu xog waramay, geedi socodka dhismaha Qaranimada Somaliland, iyo la soo noqoshadii gooni isu taagga Somaliland, isagoo si weyn ugu iftiimiyey Madaxweynaha Tanzania, geesi socodka, dhismaha iyo joogtaynta dhismaha Qaran, waxa kale oo uu Madaxweynuhu uga waramay doorka Somaliland ka ciyaartay guud ahaanba Xasiloonida Gobolka, iyadoo xaqiijisey in ay la yeelato xidhiidh Siyaasadeed iyo mid ganacsi oo sokeeye wadamada jaarka ah, wuxuu Madaxweynuhu ka codsaday Madaxweyne Jakaya, madaxweynaha Tanzania in Somaliland ay uga fadhido madaxda Africa inay si caddaalada u eegaan Qadiyadda JSL. Taageeraanna.

Madaxweyne Jakaya, waxa uu Madaxweynaha iyo weftigiisa u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in isaga iyo Xukuumadiisuba xogta ay ka siiyeen xaaladda Somaliland maanta ku sugan tahay, iyo horumarka ay ka gaadhay dhinaca dhismaha qaran, khaasatan dhismaha haykalkii dawladeed iyo dhismaha dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay JSL, wuxuuna ku booriyey in la joogteeyo.

Waxa uu Madaxweynaha Tanzania ballan qaaday in uu codsigaa Madaxweyne Rayaale u soo jeediyey uu siin doono fiiro gaar ah.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu waxay isla maanta 01:15 duhurnimo ka amba baxeen Madaarka caalamiga ah ee Daarasalaam ee Dalka Tanzania iyagoo u sii jeeda Magaalo Madaxda dalka Zambia ee Lusaka, waxaana halkaa ka sii sabootiyey raxan wasiira ah oo ka tirsan Xukuumadda Tanzania, iyo jaaliyaddii reer Somaliland ee dalka Tanzania.

Madaxweynaha JSL iyo weftigiisu wuxuu ka soo degay gegida dayuuradaha ee Caalamiga ah ee ( Luzaka International Airport) 04:30-kii galabnimo, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha JSL iyo wefitigiisu waxay isla galabtaba la kulmeen, Wasiirka Arrimaha Debedda Mudane, Gen. Ronnie Shikapwasha (Rtd)- MP iyo dhammaan Madaxdii Wasaaradda Arrimaha Debedda, halkaasi oo Madaxweyne Rayaale warbixin ka siiyey, guud ahaan xaaladda gobolka, gaar ahaanna xaaladda ay ku sugan tahay JSL, Wasiirka oo matelayey Madaxweynaha oo hawl caafimaad awgeed uga qayb gali kari waayey kullankan, halkaasi oo Madaxweynaha iyo weftigiisu u rajeeyeen Caafimaad Madaxweynaha Zambia, Madaxweyne Mudane, Levy Patrick Mwanawasa.

Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu waxay ka codsadeen Xukuumadda Zambia ee uu ka tirsan yahay Wasiirku in ay taageeraan qaddiyadda Somaliland, halkaasi oo isna Wasiirku ballan qaad iyo kalsooni buuxda siiyay Madaxweyne Rayaale iyo Weftigiisa, una sheegayna inay si gaar ah u eegayaan qaddiyadda Somaliland, isaga oo ku ammaanay waxa ay Somaliland qabsatay iyada oo aanay cidina gacan siinin, wuxuuna yidhi waa arrin u baahan in wadamo badani ay kaga daydaan Somaliland, dib–u-heshiisiinta, hub-ka dhigista dhismaha Hay’adihii dawliga ahaa iyo dimuqraadiyad dhab ah.

Ugu dambeyn Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay guddoonsiinayeen dhammaan madaxdii ay arkayeen qoraalo iyo documentiyo ka hadlaya, taariikhdii Somaliland iyo qaddiyadeena maanta’’.

Riyaad Maxamed Yuusuf

Xog. Fulinta Wasiirka Warfaafinta Somaliland

No comments: