Monday, June 05, 2006

Walaac Mareykanku ka muujiyey Somalia

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay in Soomaaliya hooy u noqoto argagixisa shisheeye, ka dib markii ay magaalada Muqdisho ee caasimadda ah ay qabsadeen malliishiya Islaami ah.

Af hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareyaknaka, Sean McCormack, ayaa diiday in uu si toos ah faallo uga bixiyo waxa ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

"Ma dooneyno in Soomaaliya ay argagixsa shisheeye u noqoto hooy u nabad ah. Aad ayaan walaac uga qabnaa arrintaas," ayuu yidhi.

Waxaan daneyneynaa in aan aragno dadka Soomaaliyeed oo dhistay hey'ado u daneeya umadda Soomaaliyeed isla markaana xaq dhowra xuquuqda dadka halkaa jooga oo dhan" ayuu ku yidhi warfidiyeenka.

Waxaa uu intaa ku daray in labadaas arrimood ay yihiin labada tiir ee siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya ku wajahan.

Malliishiyada Muqdisho

Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho, Shiikh Shariif, ayaa maalintii ay ciidankiisu gacanta ku dhigeen Muqdisho waxaa uu sheegay in aanany jirin cid ay Maxkamaduhu duullaan ku yihiin.

Waxaa uu caalamka u sheegay in uu cid walba ula dhaqmi doono sida ay ula dhaqanto.
Maxkmadaha oo heysta taageerada shacab badan oo Soomaaliyeed, weli ma cadda in ay si buuxda uga adkaadeen hoggaamiyeyaashii kooxuhu, maaddaama ay siyaasiyiin hore oo ku sugan magaalada Muqdisho ay dagaalka u ekeysiinayaan mid qabiil ku dhisan

No comments: