
Dilka Cabdale Deerow Isaaq oo ahaa Wasiirka Dastuurka iyo Fadaraalka gobolada Somaliya iyo isku daygii dilka ahaa ee ka horeeyay dilka wasiirka ee loogaystay Xildhibaan Axmed Ibraahim Max’ed oo ah guddoomiyaha guddiga dastuurka & arrimaha federaalka baarlmaanka, aya shaki weyni soo galiyay in ay dilka wasiirka iyo dhawacida xildhibaankaba ay ka danbeeyaan shaki loo qabay in ay u gaysteen Cabdilahi Yusuf iyo xukumadiisa inta isga u daacada ahi, sababta oo ah sida ilaa xaly magaalda Baydhaba la isla dhexmaraay islamarkaasna uu qiray xildhibaanka la dhaawacay Xildhibaan Axmed Ibraahim Max’ed oo ah guddoomiyaha guddiga dastuurka & arrimaha federaalka baarlmaanka, ayaa sheegaaya in ay wasiirka iyo dhamaan intaay isku fikrada ahaayeen ee qaabilsan arimaha Fadaraalka Somaliya ay soo jeediyeen ama ay wateen qorshe ahaa in lagu eekeeyo arimahooda Fadaraalka ah goboladii uu Talyanigu guumaysan jiray madaama oo ay Jamhuuriyada Somaliland ay goosatay in ay goonideeda isu taagtay isla markaasna ayna sinaba uga qayb qaadan shirkii lagu soo dhisay dawladooda.
Wararka ilaa xalay ilaa saaka la isla dhexmaraayo magaalda Baydhaba ee laga soo xiganaayo dad faro badan oo ay isku dhadhawayeen marxuun Cabdalle Deerow Isaaq oo uu xitaa ka mid yahyay Xildhibaan Axmed Ibraahim Max’ed oo ah guddoomiyaha guddiga dastuurka & arrimaha federaalka baarlmaanka ayaa qiray in Cabdale uu aaminsanaa in dawlada Fadaraalku ay qusayso uun dalka Somaliya oo ayna ku jirin Somaliland, taasi oo galaaftay ayaa ay leeyihiin wasiirka isla markaasna dhaawacday qaar kale, taasi oo ay dad badani oo ka tirsan dawlada Imbigaati ay rumaysanyihiin in dilalka noocaasi ah ay fulinayaan Cabdilahi Yusuf oo aad uga soo hor jeeda qadiyda Somaliland.
Dhanka kalena Marxuun Abdalle Deerow Isaaq oo ay dishay gacan ka xaq darani ayaa si toos ah uga soo hor jeeday in K.Somaliya ay soo galaan ciidamo Itoobiyaan ahi haba yaraatee isga oo si weyna ugu xidhnaa madaxweynihii hore ee dawladii uu Raysal Wasaaraha ka ahaa ee kooxdii Carta Abdi Qaasin Salaad Xasan, isla markaasna uu aaminsanaa in lala heshiiyo maxkamdaha Islaamiga ah ee magaalda Muqdisho, wada hadalna lagu soo dhameeyo waxa khilaaf ah ee jira. Arimahaasi oo isu biirsaday kana mawqif ah Abdilaahi Yusuf ayaa la xaqiijinayaa in ay galaaftay marxuun Abdale Deerow Isaaq
A.M.MusaQarannews24
Baydhabo
No comments:
Post a Comment