Sunday, July 30, 2006

Ismaciil Buubaa oo ka baxsaday Baydhaba


Ra’isulwasaare ku xigeenka Kooxda Imbigaati isla markaasna lagu sheego in uu yahy Wasiirka Iskaashi goboleedka, Ismaaciil Maxamuud Hurre buubaa, ayaa ka cararay magaalda Baydhabo kadib markii la dilay Cabdale Deerow Isaaq oo ahaa Wasiirka Dastuurka iyo Fadaraalka gobolada ee Kooxda Imbigaati.

Mr Buubaa oo isagu ka soo jeeda dalka Somaliland ayaa si sharci daro ah uga qayb galay shirkii dawlada fashilantay hada loogu soo dhisaayay dalka Kiiniya, warar aan ka helay ilo ku dhaw dhaw ilaaladii Mr Buubaa ayaa ii xaqiijiyay in Mr Buubaa iyo masuuliyiin kale oo uu ku jiraba loo soo gudbiyay warqad digniin ah taasi oo lagaga codsanaayay in ay iskaga baxaan meesha hadii kale in lagu fulin doono arimo ay ka shalayn doonaan, nooma ay sheegin arimahaasi waxa ay noqon doonaan.

Mar an la xidhiidhay ka hor intii aanu Mr Buubaa aanu ka bixin magaalda Baydhaba oo aanu u socdaalin dalka Sucuudiga oo uu hada u goostay, ayaa ka gaabsaday in uu wax faah faahin ah iga siiyo socdaalkiisa, lakiin waxa uu ii sheegay in ay fashilantay hawshii dawladnimo ee la hiigsanaayay isla markaasna dalka qasayaan niman yar yar oo wadaado sheeganaaya, Mr Buubaa waxa uu aaduga dayriyay xaalda K.Somaliya ay hada ku sugantahay, mudabe aan wax ka waydiinay in uu aadaayo Somaliland waxa uu noo sheegay in aanu hada u socon lakiin uu tagi karo marka uu doono isla markaasna ay halkaasi tahy dalkiisii oo ayna cid iska hor taagi kartaa ayna jirin, waxa uu intaas raaciyay Mr Buubaa in ay hada fashilantay dawldii Cabdilahi Yusuf ee la hiigsanaayay midnimo Somaliyeed isla markaasna waxa aan kula talinayaa walaalahyga Somaliland in ay ku faro adaygaan nabdgalyadooda iyo dawladoodaba, taas macnaheedu ma aha in aan anigu ka soo degay mawqifkii aan taagnaa ee waa xaqiiqda meesha taala ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay mr Buubaa oo diiday in uu wax su'aal ah oo danbe nooga jawaabo.

Su'aashii uu diiday in uu nooga jawaabo ee uu hadalka nagaga xidhayna waxa ay ahyd.
Hadmaa laga yabaa in ad soo laabato?

Hadaba horaantii todobaadkii ina dhaafay ayaa waxa magaaldan Baydhabo ka Cararay Cabdalla Xaaji Cali oo ahaa xildhibaan ka tirsan barlamaanka Imbigaati ee lagu soo dhisay dalka Kiiniya Cabdale waxa uu wariyaheena qarannews ee Muqdisho u sheegay in intoodii ka soo jeeday Somaliland ay xabad xabad uga cararayaan magaalda Baydhaba isla markaasna uu Buubaa u sii firxanaayo xaga iyo dalalka Carabta, hasa ahaatee mar aan wax ka waydiiyay ragan sii gurmaaya Raysal Wasaaraha Cali Maxamed Geedi waxa uu ii sheegay oo yidhi'' Adeer ragani ma ay ahyn rag anaga wax noo haya oo wax tar noo lahaa anagaa meesha ku masruufi jirnay mana aha rag xitaa booqan kara Bercera iyo Hargaysa oo ay u dhasheen iyo Burco toona, waananu la soconay in ay sidaasi ahaayeen lakiin waxa ay naga ahyd bal siiya fursad ay ku dhex gali karaan dadkooda iyo gobolkooda isla markaasna ay ku soo kasban karaan kalsooni taasina waa mid meesha ka baxday oo laba sano shilin ay naga qaataan mooyaane xitaa talo iyo qorshe kuma ay soo biirin xukmada, hadana haday tagaan shilinkaygii ayaa noo bad baadaaya,sidaasi waxa hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Cali Maxamed Geedi.

A.M.Musa

Qarannews24

Baydhabo

No comments: