Saturday, July 29, 2006

Wadaadada Xag-Jirka Ah Ee Somaliland Oo Laas-

Laas-Caanood, July 24, 2006 (Haatuf) – Kooxo wadaado xag-jir ah oo isaga kala yimid gobolada Somaliland, ayaa dib u dhigay shir ay ku qabsan lahaayeen magaalada Laas-caanood, kadib markii maleeshiyada Majeerteenya ee Laas-caanood gacanta ku haysaa ay maalintii dorraad ee Sabtidii is-hortaageen shirkaas oo uu qorshaysnaa in lagu qabto meesha la yidhaahdo Geed-Qarsay oo ku taalla duleedka koonfureed ee magaalada Laas-caanood.

Kooxahaas wadaadada seef-la-boodka ahi waxay isaga kala yimaadeen gobolada Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka Boorama, Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo Laas-caanood oo ahayd meesha lagu ballansanaa in shirka lagu qabto.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo arrintan aanu wax ka weydiinay, ujeedada shirkan loo qabanayay waxa markii hore dadka loogu macneeyay inay tahay mid la xidhiidha sidii dadweynaha loogu soo bandhigi lahaa go’aamadii lagu gaadhay work-shop toddobaadkii hore ay hay’adda DRC Laas-caanood ugu qabatay madax-dhaqameedyada degaankaas. Hase yeeshee siday ilo u dhuun-daloola arrintani ay tibaaxayaan ujeedada dhabta ah ee shirkani inay ahayd in lagaga dhawaaqo taageerada Maxkamadaha Islaamiga ah ee Somalia iyo in magaalada Laas-caanood lafteeda lagaga dhawaaqo maamul maxkamad Islaami ah oo uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali oo dabayaaqadii bishii May ee sannadkan lagu caleemo-saaray goobta shirkani ka dhici lahaa ee Geed-Qarsay, iyada oo xilligaas Garaadka loo sameeyay ciidan-beeleed dirays gaara leh oo loogu yeedhay ciidanka Boqortooyada, kaas oo siyaasiga Cali Khaliif Galaydh iyo ganacsato kale oo reer Somaliland ahi ay mushaharka ciidamada xil-qaadeen inay bixiyaan. Garaadka ayaa goobtii lagu caleemo-saarayay ka sheegay inaanay Laas-caanood Somaliland iyo Puntland midna ahayn ee Soomaaliweyn laga doonayo.

Dhinaca kale siyaasiga ganacsatada ah ee Cali Khaliif oo tan iyo intii Maxkamadaha Islaamiga ahi ay qabsadeen magaalada Muqdisho dhaqdhaqaaqyo lagu taageerayo ka waday gobolka Sool, ayaa xilligan ku sugan magaalada Khartoum, halkaas oo uu u tegay inuu ku biiro ergada Maxkamadaha Islaamiga ah uga qaybgeli lahayd shirkii lagu ballansanaa in iyaga iyo dawladda Cabdillaahi Yuusuf isugu yimaadaan Sabtidii dhawayd.

Source: Haatuf

No comments: