Wednesday, July 12, 2006

Kulan Congress-ka Maraykanka Iyo Wasaaradooda Arrimaha Dibaddu Yeesheen Oo Lagaga Hadlay Xaaladda SomalilandKulan Congress-ka iyo Wasaaradda Arrimaha

Kulan Congress-ka iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanku yeesheen Khamiistii, 29 June, 2006, ayaa si weyn loogaga hadlay qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland, ka dib markii Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Dr. Sacad Nuur, uu khudbad ka jeediyay kulankaas oo lagu martiqaaday.

Kulankan oo Guddiyadda Congress-ka Maraykanka u qaabilsan Afrika iyo Arrimaha Caalamiga ah, kaga xog waraysanayeen xaaladda dalkii la odhan Soomaaliya, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika Mrs. Jandai Frazer oo 26 June ku noqotay dalka Maraykanka ka dib markii ay dhammastay socdaal shaqo oo ay ku timid Bariga Afrika, ayaa khudbad Dr. Sacad uu halkaas ka jeediyay waxa ay kulankii u bedeshay in si weyn loogu falanqeeyo Xaaladda guud ee Somaliland, taas oo uu ku soo bandhigay horumarka Somaliland gaadhay iyo dhibaatooyinka dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka horyimid una baahan in laga caawiyo.

Sida uu Geeska Afrika u sheegay Mr. Rashid Gaaruuf, oo ka mid ahaa aqoonyahano reer Somaliland oo ka qayb galay kulankaas, waxa Madaxda labada guddi ee Congress-ku weydiiyeen Mrs. Jandai Frazer su’aalo ku saabsan Somaliland.

Su’aalaha labada guddoomiye guddi weydiiyeen Mrs. Frazer, waxa ka mid ahayd sababta Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanku Somaliland uga caawin weyday dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyo in Somaliland xidhiidh la yeelato Wadamada kale iyo Baanka Horumarinta adduunka, waxaanay ku jawaabtay, “Hore ayaanu u caawinay Somaliland oo doorashadii Baarlamaanka waanu ka caawinay, imikana waanu caawinaynaa.”

Mr. Rashid, waxa uu sheegay in kulankaasi muujiyay in Somaliland taageero weyn looga hayo Aqalka Congress-ka Maraykanka, waxaana labada guddi kulankan ka soo saari doonaan Warbixin ay u gudbinayaan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanka, taas oo la filayo inay ku qasbi doonaan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanku inay Somaliland u fidiso taageero siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka ballaadhan kaalinta ay Mrs. Frazer sheegtay inay ugu jiraan Somaliland.

Waxa kale oo kulankaas ka hadlay Prof. Peter J. Pham oo ah Macalin wax ka dhiga Jaamacada James Madison University, kaas oo amaan u soo jeediyay horumarka Somaliland gaadhay iyada oo aanay cidina caawin, “Somaliland waxay istaashishaa in loo fidiyo caawimo” ayuu yidhi Macalinkan Jaamacadeed. Sidoo kale waxa kulanka ka hadlay Madaxda Hay’adda International Criris Group iyo nin Itoobiyaan ah oo la sheegay inuu isagu taageeray Midawga Maxkamadaha Muqdisho ee gacanta ku haya maamulka Magaalada Muqdisho.

Kulanka waxa dhinaca dalka Soomaaliya lagaga martiqaaday laba qof, halka dhinaca Somaliland ay ka joogeen aqoonyahan badan oo ku nool dalkaas.

No comments: