Monday, July 31, 2006

Madaxweyne Riyaale Oo La Filayo Inuu Isku Shaandhayn Ku Sameeyo Xukuumadiisa

Hargeysa. July 30. 2006 (Somaliland Today)- Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa la filayaa in uu isku shandheen iyo waxa ka beddel ku sameeyo maalmaha soo socda xukuumadiisa.

Inkasta oo aan warkan si rasmiya daboolka looga qaadin balse waxay warar ku dhodhow qasriga madaxtooyadu tibaaxeen inuu Madaxweyne Riyaale damacsan yahay wax ka bedel ku sameeyo inta badan xukuumadiisa,waxayna warar u dhuun daloola tibaaxeen in isku shaandhayntani iyo wax ka bedelkani aanay ku koobnay golahiisa wasiirada balse la filayo inuu inta badan xukuumadiisa ilaa heer agaasimayaal wax ka bedel ku samayn doono Madaxweynuhu.

Waxayna wararku intaa ku darayaan in Madaxweynuhu wax ka bedelka xukuumadiisu ka dambeysay dhawaan markii ay ku dhawaaqeen wada tashi qaran in la isaga yimaado xaalada dalka xisbiyada mucaaradka ah ee Ucid iyo Kulmiye, kaasoo ay ugu baaqeen inay isugu yimaadaan Aqoonyahanada dalka (Gudo iyo Dibadba),Xoogagii SNM,iyo qaybaha bulshada.

Waxaana la sheegay in Madaxweynuhu isku shaandhaynta xukuumadiisa ku damacsan yahay in uu ku qariyo dhaliilaha loo soo jeedinayo xukuumadiisa,taas oo wakhtigan uu ku dambabasayo baaqa xisbiyada mucaaradka ah ee ku wajahan wada tashiga qaran.

Si kastaba ha ahaatee lama saadaalin karo xubnaha la filayo inay waayi doonaan xilalkooda iyo kuwa la filayo inay ku soo biiri doonaan xukuumadda Madaxweyne Riyaale.

Dhawr jeer oo hore ayaa la sheegay in Madaxweyne Riyaale uu isku shaandhayn ku samayn doono xukuumadiisa,taas oo ay baahiyeen warbaahinta maxaliga ah ee dalku isla markaana balan qaad ku sameeyay dhawr goor Madaxweynuhu inuu isku shaandhayn ku samayn doono xukuumadiisa,hase yeeshee wararkaasi waxay noqdeen waxba kama jiraan ka dib markii Madaxweyne Riyaale ay baaqsadeen isku shaandhayntii laga filayay madaxweynaha iyo balan qaadyadiisii.

Liibaan Maaweel Shire

Wariyaha Shabakadda Somaliland Today

Hargeysa, Somaliland.

1 comment:

Anonymous said...

ahlan..Mr. quick.. u kno i find ur bloge intertin.. but i've only one thin to complain if it's eccepted.. " u call teh golden days.."Faqash years" why is that bro? bay the way.. am with fedarlsim. and somaliland standin 4 it'ss elf.. but i would neva neva call my fellow borz faqash. .. how far one could go with free speach. for gods sake.. any way.. u seem sofistacated.. like most of somai/uaez.. so don let us down. man.. n thxx